Wararka

Rag lagu Eedeeyay la shaqeeynta Alshabaab oo Hawlgal lagu soo qabtay

0 Visits: 79 | Tuesday April 02, 2024 - 17:30:12
Wararka ka imaanaya Galmudug ayaa sheegaya in Ciidanka daraawiishta Galmudug oo kaashanaya macawisleyda deegaanka ay gacanta ku soo dhigrrn ku dhawaad 10 ruux oo ku eedeysan ay la shaqeetaan Al Shabaab iyo in ay Sirdoon u ahaayeen. Raggan la soo Eedeeyay in ay Al Shabaab la shaqeenayeen ayaa ciidamada…

Read More »

Wararkii Ugu dambeeyay Duqayn ay Isra'el ka geysatay Magaalada Dimishiq ee dalka Syria

0 Visits: 86 | Tuesday April 02, 2024 - 17:24:31
Danjiraha Dowladda Islaamiga ee Iran u jooga Caasimada dalka Syria ee Dimishiq, Xuseen Akbari ayaa sheegay inay jawaab culus ka bixin doonaan weerarkii dhanka Cirka ee ay Diyaaradaha Dagaalka Israel Xalay la beegsadeen Dhismaha Qunsulliyada Iran ku leedahay Caasimada dalka Syria ee Dimishiq. Danjiraha…

Read More »

RW Xamse oo ka qayb-galay Munaasabad loogu mahadceninayay Xildhibaano

0 Visits: 70 | Tuesday April 02, 2024 - 17:16:53
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay munaasabad loogu mahadcelinayey Guddoonka, Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo labada guddi ee dastuurka oo ku guuleystay ansixinta wax ka beddelka afarta cutub ee ugu…

Read More »

DF oo soo saartay digniin hor leh xilli aan laga soo kabsan waxyeello hore

0 Visits: 66 | Tuesday April 02, 2024 - 17:14:01
Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA ayaa soo saartay digniino la xiriira roobka gu'ga, kaasi oo la filayo maalmaha soo socda in dalka ka curto. Hay'adda ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay taxadaraan oo ay feejignadaan, si gaar ah shacabka ku nool goboladii…

Read More »

Iran oo wacad ku martay inay ka aargudan doonto Israel kadib dilka 7 sarkaal

0 Visits: 65 | Tuesday April 02, 2024 - 17:10:58
Iran ayaa maanta ugu digtay Israel inay ka aargudan doonto weerar duqeyn ah oo lagu dilay toddoba xubnood oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga, oo laba ka mid ah ay ahaayeen jeneraallo, kaasi oo ka dhacay dhisme ku dheggan safaaradda ay ku leedahay Dimishiq. Afar qof oo kale ayaa lagu soo waramayaa…

Read More »

Wax ka ogow dekadda dalka deriska la ah Soomaaliya ee ay ITOOBIYA u weecatay

0 Visits: 88 | Tuesday April 02, 2024 - 17:06:17
Itoobiya ayaa sahaminaysa suurtagalnimada in dekedda Lamu ee dalka Kenya ay kala soo degto bacrimiska dalagga, taas oo qayb ka ah dadaalka ay ku doonayso in ay ku ballaadhiso dekedaha ay wax kala soo degayso ee ka baxsan Jabuuti, oo inta badan ay Itoobiya kalsoo degto shixnadaheeda. Inkastoo fikradda…

Read More »

Tallaabadda xigta kadib ansixinta dastuurka dalka

0 Visits: 63 | Tuesday April 02, 2024 - 16:58:20
Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Sabtidii toddobaadkan ansixiyay wax ka beddelka dastuurka dalka, oo uu buuq badan ka taagna. Wax ka beddelka la ansixiyay ayaa khuseeya afarta cutub ugu horreysa ee dastuurka KMG, oo ay ku jiraan isbeddel lagu sameeyay hannaanka doorashooyinka iyo habraaca…

Read More »

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Magacaabay Ergayga Arimaha Caafimaadka iyo Nafaqada

0 Visits: 66 | Tuesday April 02, 2024 - 16:53:42
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada Mudane Xildhibaan Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur jilley. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaakula dardaarmay Ergayga gaarka ah in uu si hufan oo daacadnimo leh…

Read More »

Ninkii gubay kitaabka Qur'aan-ka oo maydkiisa laga helay…

0 Visits: 58 | Tuesday April 02, 2024 - 16:49:26
Salwan Momika oo ah nin kasoo jeeda asal ahaan dalka Ciraaq ayaa maydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla dalka Norway. Ninkan ayaa markii uu dhawaan isaga tagay dalkii uu dhalashada ka waayay ee Sweden ee uu ku gubay Kitaabka Qur'aanka Kariimka ayaa u guuray Norway. Sheekadaan oo ahayd mar qarsoonayd…

Read More »

Waa kuma Soomaaliga ugu horreeyay ee uu Abiy Axmed u magacaabay ku-xigeenkiisa?

0 Visits: 57 | Tuesday April 02, 2024 - 16:46:37
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Aadan Faarax oo ah siyaasi kasoo jeeda dawlad deegaanka Soomaalida u magacaabay xilka ra'iisul wasaare ku-xigeenka dowladda Itoobiya. Warkan oo kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in magacaabista Aadan Faarax ee darajada ra'iisul…

Read More »

War cusub oo kasoo kordhay dagaalka DIINSOOR

0 Visits: 60 | Tuesday April 02, 2024 - 16:43:08
Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya inuu istaagay dagaalkii maalmahan ka socday gudaha degmada Diinsoor ee gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyay labada maleeshiyo beleed oo wada daga halkaasi. Xaaladda ayaa maanta deggan, inkasto ay weli is horfadhiyaan maleeshiyaadka labada dhinac ee ku dagaalamay…

Read More »

Dowladda federaalka durba miyey jabisay dastuurkii la ansixiyay Sabtidii?

0 Visits: 69 | Monday April 01, 2024 - 18:49:46
Warbaahinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo durba lagu macneeyay "inay jabisay wax ka beddelka dastuurka ee Sabtidii uu ansixiyay baarlamaanka Soomaaliya." Dastuurka la ansixiyay oo xalay uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa uu dhigayaa in ragga maamula dowlad-goboleedyada…

Read More »

Xog: Madaxweyne Xasan oo maanta tegaya furimaha hore ee dagaalka

0 Visits: 70 | Monday April 01, 2024 - 18:46:47
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh iyow wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ee maanta ku wajahan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Mudug oo ay weli ka socdaan howlgallo xoreyn ah. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in madaxweynaha la filayo inuu gaaro…

Read More »

Sawirro: Duqa Muqdisho oo xalay booqasho lama filaan ah ku tegay suuqa Bakaaraha

0 Visits: 78 | Monday April 01, 2024 - 18:41:16
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay kormeer shaqo ku tegay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha, taas oo uu ugu kuurgalayay xaaladda guud. Madaale ayaa waxaa booqashadan ku wehlinayay, mas'uuliyiin ka tirsan gobolka, maamulka…

Read More »

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo Muqdisho ka sagootiyey safiirkii Shiinaha + Sababta

0 Visits: 75 | Monday April 01, 2024 - 18:36:43
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah la qaatay Danjiraha muddo xileedkiisa diblumaasiyadeed uu dhammaaday ee Jamhuuriyadda Shacbiga ah ee Shiinaha u fadhiyey dalkeenna, Safiir Fei Shengchao. Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Danjire Fei doorka…

Read More »

Erdogan oo guul darro wayn kala kulmay doorashada

0 Visits: 63 | Monday April 01, 2024 - 18:34:00
Xisbiga ugu weyn mucaaridka Turkiga, ayaa guulo waaweyn kasoo hooyay doorashooyinki dowladaha hoos ee Axaddii shalay ka dhacay guud ahaan 81-ka gobol ee dalkaasi. Xisbiga CHP ayaa dib ugu guuleystay guud ahaan magaalooyinka Istanbul, Ankara iyo Izmir, sidoo kalana ka fara-maroogsaday xisbiga talada…

Read More »

NISA oo xalay MUQDISHO ku qabatay rag qaraxyo waday

0 Visits: 69 | Monday April 01, 2024 - 18:05:30
Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Nabad-sugidda Soomaaliya ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu qabtay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. NISA oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan lagu qabtay laba nin oo…

Read More »

QM oo ka digtay halis weyn oo ka dhalaneysa xiisadda DF Soomaaliya iyo Puntland

0 Visits: 79 | Monday April 01, 2024 - 18:01:54
Qaramada Midoobay ayaa haatan si toos ah usoo faragelisay xiisadda kasii dareysa ee u dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland, kuwaas oo haatan ku kala tegay arrinta dastuurka KMG ah. Ergeyga gaar ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Marwo Catriona Laing oo shalay…

Read More »

Maxay tahay arrinta yaabka leh ee banaanka usoo baxday kadib tallaabadii Madaale?

0 Visits: 53 | Monday April 01, 2024 - 17:59:09
Kadib warbixin ay Caasimada Online ka qortay kormeer uu duqa magaalada Muqdisho xalay ku tegay suuqa wayn ee Bakaaraha ayaa waxaa ka dhashay falcelin la xiriirta bilicda suuqa iyo dhammaan wadooyinka muhiimka ah ee gala. Cabdullahi Maxamed Suldaan oo kamid ah saaxibada ku xiran boggeenna Facebook oo…

Read More »

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degmo muhiim u ah dagaalka kooxda Al-Shabab

0 Visits: 51 | Monday April 01, 2024 - 17:55:29
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyow wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhoweyd gaaray furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Degmadan uu maanta gaaray madaxweyne Xasan Sheekh ayaa toddobaadyadii u dambeeyay wajaheysay culeys xooggan, oo uga imaanayay kooxda Al-Shabaab,…

Read More »