
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 04-5-25
Shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanada Carabta oo ka furmay dalka Algeria
Shirweynaha Guddoomiyaasha Baarla-maanadda Carabta ayaa si rasmi ah uga furmay Magaalada Algiers ee caasimadda wadanka Algeria, waxana shirka sanadkan looga hadli doonaa arrimaha wadamada Carabta gaar ahaan xaaladda Falastiin.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan wadanka Algeria ayaa Soomaaliya ku matalaya shirkaas oo shalay si rasmi ah u furmay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirka ka jeedin doona khudbad dhinacyo taabaneysa oo uu kaga hadli doono muhiimadda shirkaasi uu dalkeena u leeyahay iyo kaalinta firifircoon ee ay Soomaaliya ku leedahay shirka iyo guud ahaan baarlamaanadda Carabta.
Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa inta uu ku suganyahay wadanka Algeria waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda ugu sareysa wadanka shirka martigelinaya ee Algeria, sidoo kalena waxa uu kulamo gaar gaar ah oo lagu xoojinayo xiriirka Baarlamaamka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kan baarlamaanada carabta la qaadan doonaa Gudoomiyaasha Baarlamaanadda ee ka qeybgalaya shirka.
Ra’iisulwasaaraha XFS oo xilka u kala wareejiyey Wasiirkii hore Arrimaha Dibedda iyo Wasiirka Cusub
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala warejiyey Wasiirka Cusub e Wasarada Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay iyo Wasiirkii hore, Mudane Axmed Macallin Fiqi, munaasabad xil wareejin ah oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda ayaa waxa ka soo qayb galay Madax kala duwan oo ka socday haya’addaha Dowladda.
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo shalay xilka la wareegaya
Wasiirka cusub ee Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa shalay si rasmi ah xilkiisa ugala wareegi doona Wasiir Axmed Macalin Fiqi oo isagana dhawaan loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, waa Wasiirka 33aad ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, sida ku xusan diiwaanka tan iyo markii ay Soomaaliya gobonnimada qaadatay 1 Luulyo, 1960, waxa ay tani muhiim u tahay sooyaalka taariikheed ee qormaya ee diblomaasiyadda dalka.
Wasiirka Batroolka XFS oo ku dhawaaqay in Shidaalka dalka dhowaan la soo saari doono
Wasiirka Batrolka iyo Macdanta Somalia mudane Daahir Shire Maxamed oo ka qeyb galayay Shirka Kheyraadka Dabiiciga ah ee Istanbul ka socda, ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan ay Soomaaliya ay soo saaran doonto Shidaalka ku jira dhulkeeda.
Waxa uu xusay in dadaallada sahaminta Shidaalka ay sii dardargelinayaan, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Soomaaliya ay iskaashi la leedahay Dowlada Turkiga iyo saaxiibbada kale Caalamka si loo xoojiyo wax soo saarka khayraadka dalka iyo Kobaca Dhaqaalaha Soomaaliya.
Shirkaan arrimaha Kheyraadka dabiiciga looga hadlaayay ee ka dhacayay Istanbul, ayaa sanadkaan halkudhiggiisu waxaa uu ahaa Doorka Isbeddelka Tamarta Macdanta iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah, ee ku aaddan Macdanta iyada oo lagu saleynayo baahida dunida ee tamarta nadiif ka ah iyo macdanta waarta.
Waxaa jiray Shirkaan intuu socday doodo oo ay ka qayb qaadanayeen Wasiirrada Macdanta ee dalalka Niger, Libya, Hungry, Azerbaijan iyo Saudi Arabia ayadoo uu dooda qaybinayay Wasiirka Tamarta ee dalka Turkiga Alparslan Bayraktar.
Ugu dambeyntiina wasiir Bayraktar ayaa dhankiisa adkeeyay in dawladda Turkigu, ay marwalba garab taagan tahay dawladda Soomaaliya, sidii ay ulasoo bixi lahayd shidaalka dhex ceegaaga dhulkeeda.
Wasiir Fiqi oo sharaxay sababta dowladda Soomaaliya u mamnuucday baasaboorka Taiwan
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa faahfaahin dheerad ah ka bixiyay go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku mamnuucday baasaboorka Taiwan.
Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in go'aanka lagu mamnuucay Baasaboorka Tiawan uu salka ku hayo qorshe ay wateen masuuliyiin sare oo ka socda Taiwan oo doonayay iney tagaan Somaliland, iyagoo aan wax ogolaansho ka haysan dowladda Fedaraalka Soomaaliya.
"Taiwan waxay qorsheyneysay iney booqato Somaliland iyadoo aan lala tashan dowladda Soomaaliya, taasi waa mid si cad lidi ugu ah maxbanaanida iyo midnimada dalka” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.
Axmed Macalin Fiqi oo horay u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay in wafdiga Taiwan ee qorsheynaayay iney booqasho ku tagaan Somaliland uu hormuud u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Taiwan, isagoona ku eedeyay Taiwan iney Soomaaliya ku faafineyso fikrado lagu kala qeybinaayo midnimada dalka.
"Waxaan Taiwan u aragnaa halis amni iyo mid siyaasadeed labadaba, Taiwan waa maamul si cad u taageereya kala qeybsanaanta dadka Soomaaliyeed" ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.
Hadalka Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa kusoo aadaya, iyadoo todobaadkii hore hay’adda socdaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in baasaboorka Taiwan aan laga aqbali doonin dalka, iyadoo talaabadasi ay cambaareeyeen Somaliland iyo Taiwan, waxaana xusid mudan in Taiwan oo ka carootay xayiraaddaasi ay Soomaaliya kusoo rogtay dadka sita baasaboorkeeda ineyn dhankeeda soo saartay xayiraad dhanka socdaalka ah oo ay kusoo rogtay dadka sita baasaboorka Soomaaliga.
Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Hambalyo u Dirtay Saxaafiyiinta Soomaaliyeed
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukumada Federalka Somalia waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo bahda warbahinta guud ahaan, munasabada Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda oo ku beegan shalay, 3-da May 2025.
Sanadkan Hay’adda Waxbarashada, Cilmiga iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay ( UNESCO) waxa ay halkudhig uga dhigtay xuska munnaasabaddani Saameynta Casriyaynta Warbaahinta iyo Adeegsiga Garaadka Macmalka ah ee Warbaahinta.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa sheegay in maalintani ay tahay fursad lagu xuso kaalinta muhiimka ah ee suxufiyiintu ku leeyihiin horumarinta bulshada, ilaalinta dimuqraadiyadda, iyo xaqiijinta daahfurnaanta.
"Munaasabadda qiimaha leh ee Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda awgeed, waxaan rabaa in aan halkaan hambalyo diirran uga diro wariyayaasha kaalintooda wax ku ool ah ee nolosha bulshada, run sheegista, daahfurnaanta, iyo dimuqraadiyadda. Waxaan qirayaa in doorkiina wacyi-dhiska dadweynaha uu yahay mid muuqdo oo lagama maarmaan ah,” ayuu yiri Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac.
"Halkudhigga sanadkan ee UNESCO waxa uu ka tarjumayaa horumarka casriyaynta warbaahinta iyo adeegsiga saameynta Macmalka ah, waxaa muhiim ah in iyada oo laga faa’iidaysanayo aaladaha casriga ah haddane, in ay warbaahintu kor u qaaddo hubinta wararka, ka feejignaanta marin habaabinta iyo been abuurka” ayuu ku daray Wasiir Daa’uud Aweys.
Wasiirka ayaa sidoo kale ku booriyay suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay door weyn ka qaataan wacyigelinta bulshada ee ka hortaga fikradaha xagjirka, xoojinta nabad dhiska, fahamsiinta dadweynaha ee saameynta ka dhalata isbeddelka cimilada, taas oo si weyn u saameysay dunida oo dhan, Soomaaliya-na ay ka mid tahay dhibbanayaasha isbeddelka cimilada deegaanka.
"Waxaa ajande weyn inoo ah taageerada iyo dhiirrigelinta warbaahinta. Ka dowlad ahaan, waxaa naga go’an in aan kor u qaadno xoriyadda saxaafadda oo mas’uuliyad ku dheehan tahay, xoojinta tayada warbaahinteena iyo tababarada ay helaan suxufiyiinta. Waxaan aaminsanahay in wariyayaal tababaran oo wacyi ahaan dhisan ay muhiim u yihiin dowlad wanaagga iyo horumar waara oo waddankeenu gaaro,” ayuu yiri Wasiirka.
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay mar kale u xaqiijinaysaa suxufiyiinta Soomaaliyeed in ay ka go’an tahay ilaalinta xorriyadda saxaafadda, badqabka suxufiyiinta, iyo xaqa ay u leeyihiin helitaanka xogta.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu xoojinayo warbaahinta, iyadoo la dhiirrigelinayo dhaqangelinta mabaadi’da iyo anshaxa suuban ee saxaafadda.
Xildhibaanadii golaha shacabka ee laga hakiyay fadhiyada golaha oo dib loogu fasaxay
Warqad kasoo baxday xafiiska ku-simaha guddoomiyaha golaha shacabka ahna Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa xildhibaano ka tirsan Golaha dib loogu fasaxay fadhiyada Golaha ka dib markii dhowaan laga hakiyay ka qeyb galka fadhiyaha Golaha Shacabka.
Xubnahan xildhibanada golaha shacabka ee magacyadooda hoos ku xusan yihiin ayaa horay looga hakiyay fadhiyada golaha shacabka sababo amni dartood
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 04-5-25
.....