
Wararkii ugu dambeeyay ee geerida ku timid Boqorka Bartamaha iyo Xasan Kaafi Qoyste
Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u wada naxariistee, Wariye Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha) iyo Wariye Xasan Kaafi Cabdiraxmaan Sheekh Isxaaq (Qoyste), kuwaas oo ka mid ahaa wariyeyaasha ruugcaddaaga ah ee Soomaaliyeed, isla markaana muddo dheer kusoo jiray saxaafadda dalka.Boqorka Bartamaha oo ka tirsanaa bahda Warbaahinta Qaranka ayaa lagu dilay magaalada Darmstadt ee dalka Jarmalka, kadib markii uu mindi ku dhaawacay nin kale oo Soomaali ah, waxaana markii dambe uu u geeriyooday dhaawaca soo gaaray.
Sida ay sheegayaan wararka horudhac ah Boqorka Bartamaha iyo ninka dilka geystay ayaa horay u murmay, iyada oo kadib uu xigay dilka marxuumka, waxaana haatan baaritaanno wada laamaha amniga ee dalka Jarmalka.
Wasasaarada Warfaafinta Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Wariye Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha), waxaana qoraalka tacsi loogu diray ehellada marxuumka.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo dhammaan hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, ehelkii, qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Weriye Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha) oo ka tirsanaa bahda Warbaahinta Qaranka. Wasiir Cabdulfitaax Qaasim ayaa Alle SWT uga baryay Marxuum Maxamed Aweys Muudey inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, qoyskii, ehelkii, qaraabadii, bahda saxaafadda iyo dhammaan umadda Soomaaliyeedna ka siiyo samir iyo iimaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Dhinaca kale, waxaa saaka magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wariye Xasan Kaafi Cabdiraxmaan Sheekh Isxaaq (Xasan Kaafi Qoyste) oo isna ahaa wariye ruugcadaa ah, kana soo shaqeeyay laanta afka Soomaaliga ah ee VOA-da.
Xasan Kaafi Qoyste ayaa lasoo wariyay inuu u geeriyooday xanuun deg-deg ah oo kusoo booday, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah ehelladiisa.
Maamulka iyo shaqaalaha Caasimada Online waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehellada, qaraabada, bahda saxaafadda iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen labada suxufi.
Waxaan Alle uga baryeynaa inuu marxuumiiinta ku gallado naxariistiisa, kana waraabiyo Jannatul Firdowsa, ehelladii iyo qaraabadiina uu samir iyo iimaan ka siiyo.
SIDOO KALE WAXAA TACSI TIIRAANYO LEH U DIRAYAAN MAAMULKA waregsyaka mogadishu times daily newspepr iyo wabka www.mogtimes.combka WWW.M.TIMES .COM
Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.


0 



Wararkii ugu dambeeyay ee geerida ku timid Boqorka Bartamaha iyo Xasan Kaafi Qoyste
.