
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 03-5-25
Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Shaqaalaha Soomaaliyeed
Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Somalia, Mudane Xasan Sheikh Maxamud, ayaa hambalyo u diray dhamaan shaqalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskoda, munaasabadda Maalinta Shaqaalaha awgeed. Madaxwenaha ayaa ku amaanay shaqaalaha Soomaaliyeed dadaalkooda, kartidooda iyo doorkooda muuqda ee ay ka qaadanayaan horumarinta dalka, dowlad-dhisidda, iyo difaaca Qaranka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shaqaalaha Soomaaliyeed ay mudan yihiin ammaan gaar ah maadaama ay yihiin laf-dhabarta horumarka bulshadeenna. Wuxu xusay in ansixinta Xeerka Shaqaalaha ee la cusbooneysiiyay sanadkan ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo ilaallinta xuquuqda shaqaalaha. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an hirgelinta Ajandaha Shaqo Wanaagga si loo yareeyo shaqo la’aanta, loona xoojiyo xiriirka shaqaalaha iyo loo shaqeeyeyasha.
"Waxaan Shaqaale weynaha Somaliyed ugu hambalyeynayaa, Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May. Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay ku suntanyihiin hawl-karnimo, hufnaan iyo dhabar adayg, waxaana ku amaanayaa kaalintooda muhiimka ah ee ay xilligaan ka qaadanayaan halganka dib u dhiska dowladnimada iyo horumarinta dalka.”
Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ku booriyay dhammaan hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay in ay ilaaliyaan xuquuqda shaqaalaha, korna loo qaado xushmadda iyo xaq-dhowrka shaqo. Wuxuu Alle uga baryay naxariis waalidinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee naftooda u huray adeegga dalkooda.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 03-5-25
.........