
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 01-5-25
Wasiir dowlaha Arrimaha Guddaha oo shir-guddoomiyay shirka Guddi Howleedka Xiriirka Arrimaha Xasilinta
Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Sadad Alio ayaa guddoomiyay shirka joogtada ah ee Guddi Howleedka Farsame ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta.
Kulanka oo ay martigelisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Caydaruus Macallin Xasan, iyada oo ay qeyb ka yihiin; dhammaan Agaasimayaasha waaxyaha Xiriirka ee Wasaaradaha iyo Hey’adaha kala duwan ee dowladda heer federaal ee ka shaqeeya arrimaha Xasilinta.
Wasiir Saadaad, oo ka hadlay Kulanka ayaa bogaadiyey howlaha guddiga isaga oo carabka ku adkeeyey in ay heer Wasiir garab taagan yihiin. Wasiirka ayaa adkeeyey muhiimadda ay Dowladda Soomaaliya u leedahay mideynta farriimaha warbaahineed iyo wacyigalinta deegaanada Cadowga Al-shabaab laga xorreeyay iyo in sidoo kale ay xafiisyada warbaahineed ee dowladda yeeshaan ajendeyaal mideysan oo loogu adeego Ummadda Soomaaliyeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka digtay Faafinta Been Abuurka iyo Dacaayadaha Al-shabaab
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka warhaysaa baraha bulshada iyo shaqsiyaad ku howlan faafinta warar been abuur ah oo lagu qalqal gelinayo amniga dalka. Dhacdadii ugu dambeysay ee been abuurka ahayd waxay la xiriirtay weerar hoobiyayaal ah oo Al-shabaab ku beegsadeen qaybo ka mid ah Muqdisho.
Warbaahinta taageerta Al-shabaab iyo shaqsiyaad baraha bulshada isticmaala oo aan hubin xaqiiqda ayaa si aan sugneyn u faafiyay warar sheegaya in weerarkaasi lagu bartilmaameedsaday Xerada Xalane iyo qeybo ka mid ah Garoonka Muqdisho, ayna ku dhinteen dhowr qof oo ajanabi ah, war gabi ahaanba ahaa been abuur iyo buunbuunin laga badbadiyay.
Al-shabaab Al-Shabaab ayaa sameeyay weerarro aan lahayn bartilmaameed cad oo lagu dhibaateeyay shacabka Muqdisho, iyaga oo adeegsanaya hoobiyayaal si dhuumaalaysi ah loo soo tuuray, kuwaas oo marar badan geystay khasaaro rayid ah, oo ay ku jireen carruur u socotay dugsi Qur’aan oo toddobaadyo ka hor dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa shaqsiyaadka ku hawlan baahinta wararka been abuurka ah iyo dacaayadaha Al-shabaab, kuwaas oo si toos ah ama dadban uga qayb qaadanaya qalqal gelinta amniga shacabka, gudaha iyo dibaddaba. Dowladda waxay uga digaysaa falalkan khatarta ku ah amniga bulshada, waxayna ka qaadi doontaa tallaabooyin sharciga waafaqsan.
Wasiirka ganacsiga XFS oo la kulmay Safiirka dalka Qatar
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Aadan Geesood, ayaa la kulmay Safiirka Dowlada Qatar ee Soomaaliya, Mudane Dr. Abdullah Salem Al Nuaimi.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal iyo horumarinta fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, iyadoo la isla gartay muhiimadda ay leedahay in la kobciyo warshadaha dalka, lana abuuro jawi ganacsi oo soo jiidan kara maal-gashadeyaal caalami ah.
Wasiir Geesood ayaa carabka ku adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dhaqaale ee kala dhexeeya dalalka saaxiibada la ah, gaar ahaan Dowladda Qatar, oo uu uga mahadceliyay taageerada ay si joogto ah u siiso Soomaaliya.
Shirka Arrimaha Maareynta Khataraha Musiibooyinka oo ka furmay Ruwanda
Waxaa magaalada Kigali ee xarunta dalka Rwanda ka furmay kal-fadhigii 15aad ee shirweynaha sanadlaha ah oo ay isugu yimaaddaan wadamada xubnaha ka ah hay’adda African Risk Capacity (ARC) oo qaaradda Afrika u qaabilsan arimaha Mareynta Khataraha Musiibooyinka.
Kal-fadhiga shirka qeeybtiisa farsamada ayaa waxaa lugu falanqeyay arrimaha ay ka midka yihiin:
(1)- Doorashada gudoonka kalfadhiga 15aad ee sanadkan 2025
(2)- Doorashadda madaxtinnimadda Hay’adda ARC ee afarta sano ee soo socota
Waxaana sidoo kale isla shirka qeeybtiisa farsamo lugu go’aamiyay go’aammo farsamo oo la hordhigayay madaxda hay’addaha wadamadda xubnaha ka ah oo uu qeeyb ka ahaa Gudoomiyaha hay’adda SoDMA mudane Maxamud Macallim Cabdulle.
Dhinaca kale waxay hay’adda SoDMA qeeb ka ahayd dooda shir-madexeedka lagu ayidayay ajandayaasha iyo warbixinta muhiimka ah ee shirarkii heer farsamo ee kan ka horeyay lugu falanqeynayay, waxaana ajandayaashaas ugu muhiimsanaa soo jeedinta ah in la iska kaashado arrimaha la tacaalidda abaaraha qaarada Afrika ku soo laalaabtay.
Dhinaca kale gaba-gabadii shirka waxaa khudbado kala duwan halkaas ka soo jeediyay madaxdii shirka ka soo qeeybgashay, waxaana halkaas khudbad dhinacya badan taabaneeysa ka soo jeediyay Gudoomiyaha hay’adda SoDMA mudane Maxamuud Macalin Abdulle.
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha dastuurka XFS oo soo xirtay qiimaynta Heshiiska la dagaalanka musuqa Qaramada midoobay
Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha dastuurka XFS oo soo qiimaynta Heshiiska la dagaalanka musuqa Qaramada midoobay
Kulammada qiimeynta oo socday muddo laba maalmood ah (27–28 Abriil), ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay dalalka Belize iyo Equatorial Guinea, iyadoo ay ka qeyb galeen wakiillo ka socday Xafiiska UNODC, Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Xarunta Warbixinta Maaliyadeed (FRC), Booliska Soomaaliyeed, iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah (CSOs).
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Mudane Faysal Aadan Xasan, ayaa si rasmi ah u furay una xiray kulammada, isagoo adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay la-dagaallanka musuqmaasuqa, xoojinta hufnaanta, iyo hirgelinta isla-xisaabtan dhab ah.
Qiimeyntan ayaa muhiim u ah xaqiijinta waajibaadka ka dhashay ka mid noqoshada Soomaaliya ee heshiiska UNCAC, waxaana la filayaa in natiijooyinkeeda ay sii xoojiyaan dadaallada dowladda ee ku aaddan daahfurnaanta iyo maamul wanaagga.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 01-5-25
......