Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha dastuurka XFS oo soo xirtay qiimaynta Heshiiska la dagaalanka musuqa Qaramada midoobay

0
Wednesday April 30, 2025 - 16:51:57 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 53
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha dastuurka XFS oo soo xirtay qiimaynta Heshiiska la dagaalanka musuqa Qaramada midoobay

    Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha dastuurka XFS oo soo qiimaynta Heshiiska la dagaalanka musuqa Qaramada midoobay Kulammada qiimeynta oo socday muddo laba maalmood ah (27–28 Abriil), ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay dalalka Belize iyo Eq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha dastuurka XFS oo soo qiimaynta Heshiiska la dagaalanka musuqa Qaramada midoobay Kulammada qiimeynta oo socday muddo laba maalmood ah (27–28 Abriil), ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay dalalka Belize iyo Equatorial Guinea, iyadoo ay ka qeyb galeen wakiillo ka socday Xafiiska UNODC, Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Xarunta Warbixinta Maaliyadeed (FRC), Booliska Soomaaliyeed, iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah (CSOs). Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Mudane Faysal Aadan Xasan, ayaa si rasmi ah u furay una xiray kulammada, isagoo adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go'an tahay la-dagaallanka musuqmaasuqa, xoojinta hufnaanta, iyo hirgelinta isla-xisaabtan dhab ah. Qiimeyntan ayaa muhiim u ah xaqiijinta waajibaadka ka dhashay ka mid noqoshada Soomaaliya ee heshiiska UNCAC, waxaana la filayaa in natiijooyinkeeda ay sii xoojiyaan dadaallada dowladda ee ku aaddan daahfurnaanta iyo maamul wanaagga.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip