Wararka

Ahlu Sunna oo Galmudug iyo ciidanka Millateriga 21-aad ku eedeysay inay qayb ka ahaayeen Dagaalkii Dhuusamareeb

0 Visits: 207 | Wednesday March 02, 2016 - 18:38:02
Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe, ayaa Maamulka Galmudug waxa ay ku eedeeyeen inay qayb ka ahaayeen dagaalkii saacadaha badan qaatay ee ka dhacay Degmada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Read More »

Barakac ka bilowdaymagaalada Dhuusamareb iyo wararkii ugu dambeeyey dagaalada halkaas ka socda

0 Visits: 245 | Wednesday March 02, 2016 - 12:52:29
Boqolaal qoys ayaa bilaabay iney ka barakacaan magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, iyagoo cararaya dagaalka xalay illaa saaka ka socda halkaas ee u dhexeeya ciidamada ahlu sunna iyo ciidamo uu horkacayo sarkaal horey uga goostay ciidanka dowlada oo la yiraahdo Liibaan Madaxweyne.

Read More »

Wasiir Maareeye "Barakacayaasha dib u dajin ayaa loo sameynaa"

0 Visits: 237 | Wednesday March 02, 2016 - 12:45:58
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dib u dajin loo sameyn doono Barakacayaasha ku nool Magaalada Muqdisho si ay uga qeyb qaataan amniga Caasimadda.

Read More »

Ahlu Sunna oo dib ula wareegtay gacan ku haynta Dhuusamareeb iyo Liibaan Madaxweyne oo laga saaray

0 Visits: 388 | Wednesday March 02, 2016 - 12:39:36
Ciidamada Maamulka Ahlu Sunna, ayaa waxay dib ula wareegeen gacan ku haynta Magaalada Dhuusamareeb, ka dib markii dagaal muddo saacado ah qaatay ay kula galeen Liibaan Maxamuud Yuusuf (Liibaan Madaxweyne).

Read More »

SOMALILAND: Salaaddiin loo Xidh-xidhay Dilka Taliyihii Qaybta Gobolka Saaxil oo la Toogtay

0 Visits: 324 | Wednesday March 02, 2016 - 12:03:22
Taliska ciidanka Booliiska ayaa sheegay inay ku daba-jiraan kooxihii dilay Taliyihii Qaybta Gobolka Saaxil ee Somaliland, Col. C/risaaq Yuusuf Max'uud (Casayr) oo kooxo Hubeysan ay ku dileen shalay Deegaanka Biyoole oo Gobolka Saaxil ka tirsan.

Read More »

Madaxweynaha Kenya oo amar ku bixiyay in la dhiso ciidamo gaaraya 10-kun oo Askari oo Shabaab la dagaalama (SAWIRRO)

0 Visits: 299 | Wednesday March 02, 2016 - 12:00:28
Madaxweynaha Dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa amar ku bixiyay in la dhiso ciidamo gaaraya 10-kun oo Askari oo ka mid noqon doono ciidamada Booliska dalka Kenya, si ay u sugaan ammaanka.

Read More »

Ciidamada Dowladda oo duleedka Diinsoor ka soo qabtay rag Shabaab iyo hubkooda

0 Visits: 241 | Wednesday March 02, 2016 - 11:54:58
Howlgal ay si wadajir ah u qaadeen ciidamada Dowladda Federalka Somaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan Degmada Diinsoor, ayaa waxaa u suuragashay ciidamada inay soo qabtaan rag ka tirsan Ururka Shabaab iyo hubkooda.

Read More »

Madaxweynaha oo soo dhoweeyay go'aankii Golaha Wasiirada ee xoojinta amniga Muqdisho

0 Visits: 240 | Wednesday March 02, 2016 - 11:49:04
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo dhoweeyay go'aamadii ka soo baxay Golaha Wasiirada ee la xiriiray amniga magaalada Muqdisho.

Read More »

RW Soomaaliyaiyo taliyaasha Ciidamada oo maanta Hortagaya Fadhiga Baarlamaanka

0 Visits: 235 | Wednesday March 02, 2016 - 11:44:39
Cumar C/Rashiid Cali Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Wasiirka Amniga Gudaha, Taliyaasha Ciidamada Nabad Sugidda iyo Booliska Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay hortagaan Fadhiga Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Read More »

Usama Bin Laden oo $29m dhaxalkiisa ka mid ah ku dardaarmay in lagu bixiyo Jihaadka

0 Visits: 278 | Wednesday March 02, 2016 - 11:37:21
Dowlada Maraykanka ayaa soo bandhigtay qaar ka mid ah dukumintiyo laga helay gurigii uu ka degenaa hogaamiyihii hore ee Alqaacid Usama Bin Laden dalka Pakistan,iyadoo dukumintiyadaa ay ka mid ahaayeen dardaarankii Usama Bin Laden.Qoraalada la helay waxaa kamid ahaa qaar uu Usama Bin Laden ugu adkeynayo…

Read More »

Wasaaradda A. Gudaha oo sheegtay in Guddoomiyeyaasha degmooyinka lagula xisaabtamayo Amniga

0 Visits: 239 | Wednesday March 02, 2016 - 11:32:36
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir wixii hada ka dambeeyay lagula xisaabtami doono amniga degmada ay maamulaan.

Read More »

Dagaal weli ka soconaaya Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galguduud

0 Visits: 263 | Wednesday March 02, 2016 - 11:30:37
Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal xooggan oo u dhaxeeya Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca iyo koox hubeysan oo daacad u ah Liiban Maxamud Madaxweyne ayaa weli ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galguduud.

Read More »

Goodax "Nooma muuqato saan saan Amni ee lagu gaari karo Agosto in dalkan doorasho ka dhacdo"

0 Visits: 257 | Wednesday March 02, 2016 - 11:27:28
Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumaddii hore ayaa rajo xumo ka muujiyay in bisha Agosto ee soo socota in dalka doorasho ka dhacdo, xaalada amni ee dalka oo sii xumaanaya.

Read More »

DEGDEG: Dagaal xoogan oo ka socda degmada Dhuusamareeb

0 Visits: 251 | Wednesday March 02, 2016 - 11:12:39
Dagaal culus oo u dhexeeyaa Ciidamada Maamulka Ahlusunna iyo Ciidamo uu wato Sargaal horay uga goostay Dowladda Soomaaliya oo ku biiray Ahlusunna laguna Magacaabo Liibaan Madaxweyne ayaa weli ka soconaya Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Read More »

WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA ARBACO 2-DA MAARSO 2016-KA

0 Visits: 414 | Wednesday March 02, 2016 - 10:36:14
GUDDOONKA BAARLAMAANKA OO BANNAANKA SOO DHIGAY KHILAAF .. Guddoonka Golaha Baarlamaanka Federaalka ayaa markii ugu horeysay bannaanka soo dhigay sababaha loo ansixin waayay sharciga la dagaalanka kooxaha argagixisada ah, taasi oo uu sheegay inuu jiro khilaaf arrintaasi ku saabsan oo u dhaxeeya Baarlamaanka…

Read More »

Go'aamo ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada

0 Visits: 265 | Wednesday March 02, 2016 - 10:19:55
Shirkii Golaha Wasiirada ee aan caadiga ahayn ee socday saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, oo uu shir guddoomiyey Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, laguna Casuumay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,…

Read More »

War-saxaafadeed Ciidamada GalMudug oo Al-Shabaab ka saaray agagaarka Caad & Ceel-Cabdi

0 Visits: 299 | Wednesday March 02, 2016 - 10:14:27
01 March 2016 – Dowladda GalMudug ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Al-Shabaab laga saarayo dhammaan deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan, oo firxadkii argagaxisada ee agaagaarka Caad & Ceel-Cabdi ee maanta ayaana tusaale ugu filan nabad-diidka inay isaga cararaan deegaanada ama ay isu soo dhiibaan ciidamada…

Read More »

Wasiirka Macdanta oo la kulmay Ciyaar yahannadii Wakaaladdii Badroolka Soomaaliya

0 Visits: 282 | Tuesday March 01, 2016 - 20:06:22
Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Badroolka xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Ciyaar yahannadii kala duwanaa ee u ciyaari jiray Wakaaladdii Badroolka Ummadda Soomaaliyeed.

Read More »

Talyaaniga oo Qalab Ciyaaro Guddoonsiiyay Gabdhaha Kubadda Kolayga

0 Visits: 260 | Tuesday March 01, 2016 - 20:03:56
Munaasabadaan oo ahayd mid qalab Ciyaaraha lagu guddoonsiiyey Gabdhaha Kubadda Koleyga Lix Degmo oo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Read More »

Shirka gudiyada Baarlamaanka Pan Afrika oo ka furmay Johannesburg "SAWIRRO"

0 Visits: 318 | Tuesday March 01, 2016 - 19:51:01
Kulankaan Baarlamaanada Afrika oo ka furmay xaruntooda magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika ayaa socon doona muddo todobaad ah waxaana looga hadlayaa xaaladaha nabadgalyo iyo ammaanka Qaaradda, miisaaniyad sanadeedka 2017 ee Baarlamaanka Pan Afrika.

Read More »