Qorshaha Dejinta Ciidanka Badda ee Itoobiya, iyo Dekedaha Saylac iyo Lughaya…!!!

0
Thursday September 03, 2020 - 21:12:14 in Wararka by
  • Visits: 206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qorshaha Dejinta Ciidanka Badda ee Itoobiya, iyo Dekedaha Saylac iyo Lughaya…!!!

    taliyayaasha Dhinaca Siyaasada iyo Amaanka ee Ra`iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa la sheegay in ay soo diyaariyeen Qorshaha iyo Goobta Saldhiga u noqonaysa Ciidanka Badda ee Itoobiya, kuwaas oo qaarkood Tababarku u dhamaaday, qaar kale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

taliyayaasha Dhinaca Siyaasada iyo Amaanka ee Ra`iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa la sheegay in ay soo diyaariyeen Qorshaha iyo Goobta Saldhiga u noqonaysa Ciidanka Badda ee Itoobiya, kuwaas oo qaarkood Tababarku u dhamaaday, qaar kalena uu wali u socdo, Qorshaha ay soo bandhigeen, ayaa u qaybsan dhowr qaybood, kuwaas oo isugu jira Sahaminta, Diyaarinta, dejinta iyo fududayntaa hawsha Ciidanka Badda. Qaabka loo soo diyaariyay qorshaha dejinta saldhiga ciidanka Badda ee itoobiya, ayaa ah qaab farshaxanimo ka muuqato, waxana loo malaynayaa in diyaarinta nashqada saldhiga ciidanka Badda ee itoobiya lagu diyaariyay mudo dhowr sano ah Inkasta oo aan si cad loo muujin, Goobta iyo Dekeda la isticmaalaayo, hadana waxa loo malaynayaa in ay tahay Deked ku taala meel aan ka fogayn Xuduuda Itoobiya,               Lataliyaha Dhinaca Amaanka ee Ra`iisal Wasaare Abiy Ahmed, ayaa sheegay in Itoobiya la diyaar tahay dhismaha Dekeda iyo Saldhiga Ciidanka Badda, waxa kale oo uu sheegay in ay Dhismaha Dekedu noqon doono mid casri ah, oo ay ku soo xidhaan maraakiibta dagaalka ee casriga ah, kuwaas oo haatan lagu samaynaayo Dalka Faransiiska.

           Ra`iisal Wasaare Abiy Ahmed, ayaa la sheegay in uu aad madaxa ugu ruxay Qorshaha ay soo bandhigeen lataliyaashiisu, isago sheegay in fulintiisana ay ku dhaqaaqi doonaan, waxa kale oo uu sheegay in ciidanka Badda Itoobiya noqon doono ciidan xoog leh oo difaaca danaha Itoobiya.

Dadka siyaasada ka faallooda, waxa ay sheegeen in dekeda iyo Saldhiga Ciidanka Badda ee Itoobiya noqon doono, Dekedaha Saylac ama Lughaya midkood, maadama ay ku dhow yihiin xuduuda itoobiya ee dhinaca Galbeed.

Lamase garanaayo sida ay suurto gal u tahay in Dekedaha Saylac iyo Lughaya ay noqon doonaan Xarumo saldhiga u noqon doona ciidanka Badda ee Itoobiya.

Jamaal Ibrahim




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip