Dowladda Qatar oo Maraykanka u sheegtay inay raali ka tahay labo dowladood' ee Falastiin iyo Isreal.

0
Thursday September 03, 2020 - 22:01:11 in Wararka by
  • Visits: 235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Qatar oo Maraykanka u sheegtay inay raali ka tahay labo dowladood' ee Falastiin iyo Isreal.

    Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa la-taliyaha Aqalka Cad Jared Kushner u sheegay in Dooxa ay taageersan tahay qorshaha xalka labo dowladood oo Isreal iyo Falastiin ah, taas oo xarunteedu tahay bariga magaalada Qudus, si loo dhameeyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa la-taliyaha Aqalka Cad Jared Kushner u sheegay in Dooxa ay taageersan tahay qorshaha xalka labo dowladood oo Isreal iyo Falastiin ah, taas oo xarunteedu tahay bariga magaalada Qudus, si loo dhameeyo khilaafka Falastiin kala dhexeeya Isreal. Kulanka dhex maray amiirka Qatar iyo la-taliyaha madaxweyne Donald Trump Jared Kushner ayaa arbacadii ka dhacay magaalada Dooxa, waxaana uu daba socdaa dadaalada Mareykanka uu ku dhex dhexaadiyay Isreal iyo Imaaraadka taas oo keentay in Abu Dhabi ay caadiyeeyso xiriirka diplomaasiyadeed oo ay la leedahay Tel aviv. Sheikh Tamim ayaa Kushner u sheegay in Qatar wali baaqi ku tahay qorshihii 2002 ee ahaa hindisaha nabadda ee Carabta, kaas oo qeexayay in dalalka Carabta Isreal xiriir la yeelan doonaan haddii Isreal ay ogolaado dowlad Falastiin leedahay isla markaana ka baxdo dhulkii ay xooga ku qabsaday dagaalkii bariga dhexe ee dhacay 1967. "Kulanka intii socday waxay isla gorfeeyeen ahmiyadda ay leedahay xiriirka istiraatiijiyadeed ee Qatar iyo Mareykanka, sidoo kale waxay ka wadahadleen arrimo dhowr ah oo labada dhinac quseeya gaar ahaan hanaanka nabadda gobolka bariga dhexe," Wakaaladda wararka Qatar ayaa sidaa ku warantay. Kushner waxaa uu booqday Imaaraadka todobaadkan isagoo la socda wefdi Isreal ah oo caadiyeynayay xiriirka Imaaraadka iyo Isreal ka hor inta uusan u socdaalin dalalka Baxreyn iyo Sacuudiga. Imaaraadka ayaa noqday dalkii Carbeed ee sadexaad oo xiriir diplomaasi la yeesha Isreal ka dib Masar iyo Jordan. Kushner waxaa uu rajo ka qabaa in dalalka kale ee Carabta ay xiriirkooda Isreal ay caadiyeyn doonaan muddo billo ah. Isreal iyo dalalka Masar iyo Jordan ayaa is dhaafsaday safaarado ka dib heshiis nabadeed oo ka dhacay tobanaan sano ka hor, laakiin dalalka kale ee Carabta ayaa wali dalbanaya in Isreal ay ka baxdo dhulka Falastiin, is kastaba, go'aanka Imaaraadka ayaa waxaa si weyn u dhaliilay shucuubka gobolka bariga dhexe.
             Falastiiniyiinta ayaa cambaareeyay go’aanka Imaaraadka Carabta, waxayna ku sifeeyeen mindi dhabarka kaga dhuftay mid kamid ah dalalka awooda badan dunida Carabta xilli ay la’ yihiin wadan ayaga leeyihiin.

Turkiga ayaa ku goodiyay in uu hakin doono xiriirka uu la leeyahay Imaaraadka Carabta ka dib markii uu heshiis la galay Isreal.

              Dalka Isreal sida weyn u xafiiltamaan ee Iran ayaa si weyn u cambaareeyay Imaaraadka, hogaamiyaha sare ee dalkaas Ayatollah Ali Khamenei, ayaa tallaadadii twitter soo dhigay” Imaaraadku waxay khiyaameen dunida Muslimka, dalalka Carabta, wadamada gobolka iyo Falastiin”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip