Gudoomiye lagu dilay Beledweyne iyo raggii dilay oo mid ka mida la dilay

0
Thursday September 03, 2020 - 21:44:57 in Wararka by
  • Visits: 180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye lagu dilay Beledweyne iyo raggii dilay oo mid ka mida la dilay

    Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in caawa fiidkii lagu dilay Gudoomiyihii Deegaanka Hees ee duleedka Magaalada Matabaan ee Gobolka Hiiraan. Cabdullaahi Axmed Qanyare (Bilig Bilig) ayay kooxo hubeysani ku toogteen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in caawa fiidkii lagu dilay Gudoomiyihii Deegaanka Hees ee duleedka Magaalada Matabaan ee Gobolka Hiiraan. Cabdullaahi Axmed Qanyare (Bilig Bilig) ayay kooxo hubeysani ku toogteen xaafadda Xaawo Taako ee Magaalada Beledweyne, waxaana rasaastii lagu dilay ku soo baxay ciidamada ammaanka, oo iska horimaad uu dhex maray raggii weerarka soo qaaday. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen inay toogasho ku dilaan mid ka mid ah raggii dilka gaystay, halka mid kalana ay dhaawaceen.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in ciidamada ammaanka ay toogteen labadii nin ee dilka gaysatay.

Ciidan fara-badan oo kuwa dowladda ah ayaa gaaray halka uu falku ka dhacay, waxayna ka qaadeen meydadka laba qof, oo midi uu yahay Gudoomiye Bilig Bilig.

Allaha u naxariistee Bilig Bilig ayaa xilligan Xarunta Gobolka Hiiraan ee Magaalada Beledweyne u joogay fasax.

Maamulka Gobolka, kan degmada iyo Saraakiisha hay’adaha ammaanka ayaan weli ka hadlin dilka qorsheysan ee Cabdullaahi Bilig Bilig loogu gaystay magaaladaasi.

Cabdullaahi Bilig Bilig ayaa sidoo kale ka mid ahaa Saraakiisha Kooxda Macawiisley, oo dagaal adag kula jira mintidiinta Ururka Al Shabaab.

        



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip