Axmed Madoobe iyo Deni oo shuruud cusub ku xiray la kulanka madaxweyne Farmaajo

0
Thursday September 03, 2020 - 21:28:37 in Wararka by
  • Visits: 239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Madoobe iyo Deni oo shuruud cusub ku xiray la kulanka madaxweyne Farmaajo

    Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa shuruud cusub ku xiray kulankii la filayey inay la qaataan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sida ay illo wareedyo lagu kalsoonaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa shuruud cusub ku xiray kulankii la filayey inay la qaataan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sida ay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo xaqiijiyeen 2da Madaxweyne ayaa sheegay in aysan kulan la qaadan doonin madaxweyne Farmaajo haddii aysan kulanka qeyb ka aheyn madaxweynayaasha Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug. 2da madaxweyne ayaa si cad ugu sheegay madaxweynaha Soomaaliya in uusan kulankaas dhici karin haddii aysan qeyb ka noqoneyn madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada horey uga qeyb galay saxiixa Shirkii Dhuusamareeb 3 maadaama ay doonayaan in qodobadii laga soo saaray wax laga badalo. Go'aankaan cusub oo ay qaateen Axmed Madoobe iyo Deni ayaa laga yaabaa inuu dib usii dhigo kulankii la filayey inay la qaateen madax weyne Farmaajo si looga wada heshiiyo qaabka ay noqoneyso doorashada dalka ka dhici doonto. Kulankaan ayaa Xalay horey u baaqday kadib markii ay shuruud ka timid Jubbaland oo ku saabsan arrinta Gobolka Gedo oo ah in Dowladda Federaalka ka soo saarto Ciidamada ay geysay. Axmed Madoobe iyo Deni oo shuruud cusub ku xiray la kulanka madaxweyne Farmaajo

WIXII KU SOO KORDHA WARARKEENA DANBEĀ  INSHA ALLAAH



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip