Al-shabaab iyo Weerar Ku Qaaday Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Burundi

0
Thursday September 03, 2020 - 23:21:35 in Wararka by
  • Visits: 245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab iyo Weerar Ku Qaaday Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Burundi

    Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhigga ciidamada Dalka Burundi ee qeybta ka ah Howlagalka AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Xaaji Cali ee dhaca duleedka Degmada Cadalle ee Gobalka shabeellaha dhexe. Warar k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhigga ciidamada Dalka Burundi ee qeybta ka ah Howlagalka AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Xaaji Cali ee dhaca duleedka Degmada Cadalle ee Gobalka shabeellaha dhexe. Warar ka laga helayo deegaanka xaaji Cali aya sheegaya in halkaasi uu dagaal culus ku dhex-maray Al-shabaab iyo ciidamada Dalka Burundi ee qeybta ka ah Ciidamada Amisom waxaana dagaalka ka dhashay khasaare kala duwan sida lagu daabacay Warhaabinta Baraha Bulshada ee Al-shabaab tageerta.             Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya inay maqlayeen dhawaaqa rassaasta Qoryaha Fudud iyo Hoobiyaal lagu weerar gudaha saldhigga Ciidamada Burundi , waxaana soo baxaya warar ku aadan khasaaraha halkaasi ka dhashay Al-shabaab ayaana Guulo ka sheegatay Weerarkaan oo ay Tilmaameen inay ku dileen tiro askar ah oo ku sugnaa Saldhiga Militariga Burundi ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

           Warka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu yiri "Khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu gaarsiiyey Ciidamada Burundi inta dagaalkaas uu Socday ka dib weerar lagu qaaday Saldhiga Deegaanka Xaaji Cali inkastoo aysan sheegin tirakoob rasmi ah oo ku aadan khasaaraha ka dhashay Dagaalkaasi.

           Al-shabaab ayaa dhowr jeer Weeraro gaadmo ah ku qaaday saldhiga ciidamada Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Xaaji Cali ee duleedka degmada Cadalle kuwaasi oo inta badan guulo ka kala sheegtay Dagaalada ka dhaca Gobalka shabeelaha dhexe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip