Wararka

Obama oo qaraar kasoo saaraya hubka sharci darada.

0 Visits: 763 | Tuesday January 05, 2016 - 12:46:04
Madaxweynaha dalka Mareykanka Barak Obama ayaa qaadi doona sharciyo lagu xakameenayo hubka sharci darada ah ee ay heestaan shacabka wadankaasi.

Read More »

Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo Dhuusamareeb Gaaray

0 Visits: 716 | Tuesday January 05, 2016 - 12:40:56
Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa Maanta gaaray degmada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud oo ay Gacanta ku hayso Ahlusunna Waljamaaca.

Read More »

Meydka Ugaas C/raxman Ugaas Khaliif oo loo qaaday Deegaanka Daaro Ugaas (SAWIRRO)

0 Visits: 822 | Tuesday January 05, 2016 - 12:35:08
Meydka Marxuum Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, ayaa Saaka salaada Janaasada, waxaa lagula tukaday Garoonka Kubadda Cagta ee Laqanyo oo ku yaallo magaalada Baledweyne, waxaana halkaasi isugu yimid Boqolaal Dadweyne ah. Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Qaybaha Bulshada iyo Maamulka Gobolka Hiiraan,ayaa ka…

Read More »

Baxreyn, Imaaraadka Carabta iyo Sudan oo xiriirka u jaray Iiraan

0 Visits: 752 | Tuesday January 05, 2016 - 12:15:51
Dowladaha Baxrayn, Sudan iyo Imaaraadka Carabta oo ka mid ah Xulafada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay inay xiriirka u jareen dowladda Iiraan, kadib weerarkii dibad baxayaal careysan ku qaadeen Safaaradii Sacuudiga ee Tehran.

Read More »

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida oo u digtay Askarta Dowladda

0 Visits: 784 | Tuesday January 05, 2016 - 12:04:26
Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa uga digtay Askarta Dowladda inay ka qeyb qaataan dagaal beeleedyada ka dhaca Dalka. Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Maxkamadda…

Read More »

Real Madrid oo Eriday Tababaraheedii iyagoo Tababare Cusub u Magacowday Zinedine Zidane

0 Visits: 887 | Tuesday January 05, 2016 - 11:58:49
Kooxda kubada cagta ee Real Madrid ee dalka Spain, ayaa waxa ay eryeen tababarahoodii Rafa Benitez. Real Madrid ayaa haatan kaalinta saddexaad kaga jirta kala horreynta shaxda horyaalka Spain ee La Liga, waxa ayna ka hoosaysaa kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid oo kow iyo laba ku kala jira.

Read More »

XILDHIBAAN DALXA: Xabsiyada Dowladda FS waxaa ku jira dad Masaakiin ah oo loo awood sheegtay

0 Visits: 779 | Tuesday January 05, 2016 - 11:52:53
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo xildhibaanada baarlamaanka Somalia ka tirsan ayaa sheegay inay xabsiyada Muqdisho ay ka buuxaan dad badan oo maxaakiin ah, kuwaasoo uu xusay in loo awoood sheegtay.

Read More »

Kooxo hubaysan oo weerar ku qaaday Xarun Turkiga ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho

0 Visits: 676 | Tuesday January 05, 2016 - 10:18:13
Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Nawaaxiga Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, kooxo hubaysan ayaa weeraray Xarun ay degan yihiin muwaadiniin Turki ah, kaasi oo ku dhaw Garoonka Aadan Cadde.

Read More »

Sirdoonka Britain oo aqoonsaday nin ka soo muuqday Muuqaal IS soo bandhigtay

0 Visits: 752 | Tuesday January 05, 2016 - 09:54:50
Sirdoonka Britain ayaa aqoonsaday nin ka soo muuqday Muuqaal ay soo bandhigtay maalin ka hor Kooxda dowladda Islaamiga oo ku saabsanaa dilka shan nin oo lagu eedeeyay inay u basaasayeen dowladda Britain.

Read More »

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo cambaareeyay weerarkii Safaaradda Sacuudiga ee Tehran

0 Visits: 810 | Tuesday January 05, 2016 - 09:46:11
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa si xoogan u cambaareeyay weerarkii Safaaradda Sacuudiga uu ku lahaa magaalada Tehran iyo dhismaha Qunsuliyadda ee Magaalada Mashhad ee dalka Iiraan.

Read More »

Diyaarado Saanad Millateri u sida ciidanka Ethiopia oo Kismaayo ka degay

0 Visits: 809 | Tuesday January 05, 2016 - 09:37:49
Xilli Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose la geeyay ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia ee howlgalka Midowga Afrika ee Somaliya, ayaa Magaalada Kismaayo waxaa shalay ka degay Diyaarado Helicopter ah oo Saanad Millateri u sida ciidanka Ethiopia.

Read More »

WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 5TA JANNAAYO 2016KA

0 Visits: 1301 | Tuesday January 05, 2016 - 08:57:22
CALI MAXAMED GEEDDI & C/WELI SHEEKH AXMED OO GAROOWE KULA KULMAY C/WELI GAAS .. Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay la kulmay siyaasiyiin xilal ka soo qabtay xukuumadihii Somalia soo maray oo ay ku jiraaan Cali Maxamed Geeddi iyo C/weli Sheekh Axmed oo labadu horey RWyaal kasoo…

Read More »

Soomaaliya oo ka badisay Marocco tartanka African Chess Champion ee ka socda Seychelles

0 Visits: 843 | Monday January 04, 2016 - 12:10:39
Jasiirada Mahe ee dalka Seychelles waxaa si habsami leh uga socda tartanka African Chess Champion 2015-ka, iyadoo ay ka qeyb galeen kooxaha Shataranjiga ee ka socda dalalka Afrika, waxaana tartankaasi ka qeyb galay wafdi iyo ciyaartoy ka socota xiriirka Shataranjiga Soomaaliya.

Read More »

Munaasabad ballaaran oo lagu taageerayay Farmaajo oo lagu Qabtay Buffalo NY (SAWIRRO)

0 Visits: 966 | Monday January 04, 2016 - 11:55:28
Munaasabad Qaaraan Qaran ahayd laguna Taageerayay Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu qabtay magaalada Buffalo, New York ee dalka Mareykanka, iyadoo ay ka qaybgaleen in ka badan 1,000 qof.

Read More »

Magaalada Sanca ee wadanka Yeman oo laga taagay boorar loogu mahad celinayo Soomaaliya (Waa maxay sababta?)

0 Visits: 719 | Monday January 04, 2016 - 11:46:26
Magaalada Sanca ee caasimadda wadanka Yeman waxaa laga taagay boorar waaweyn oo loogu mahad celinayo Soomaaliya, iyadoo tallaabadaan ay siyaabo kala duwan uga hadleen shacabka dalkaasi degan oo qaarkood sheegay in arrintaani muujineyso xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

Read More »

BAAQ AY SOO SAAREEN BEESHA MADHIBAAN

0 Visits: 1150 | Monday January 04, 2016 - 11:38:12
Beesha Madhibaan oo ka kooban, Odayaasha Dhaqanka, Culumada, Siyaasiinta, Aqoonyahanada, Haweenka, Dhalinyarada iyo Dhamaan Qurba Joogta, waxay si wadajir ah u soo saareen Baaq ay u dhan yihiin, oo ku saabsan Higsiga cusub ee sanadka 2016 oo Soomaaliya laga hirgelin doono iyo qaabka ay Beesha uga qeyb…

Read More »

Gargaar doonyo lagu gaarsiiyey dad waxyeelo ka soo gaartay fatahaada Shabeelaha Dhexe

0 Visits: 705 | Monday January 04, 2016 - 11:32:02
Waxaaa la adeegsaday doomo si loo gaaro bulshooyin hafiyey biyaha daadka, Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) waxay in ka badan 16,000 qoysas ku nool hareerahga Webi Shabeelle waxyeelana ka soo gaartay fatahaada u qeybiyeen cunto, agabka guryaha oo…

Read More »

Donald Trump oo aan waxba ka soo qaadin muuqaalkii uu ka soo muuqday ee Shabaabku soo saareen

0 Visits: 674 | Monday January 04, 2016 - 11:19:23
Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Mareykanka, Donald Trump, ayaan waxba ka soo qaadin in uu ka soo muuqdo muuqaal video ahaa, oo Ururka Al Shabaab uu soo saaray. Waxaana muuqaalka ka soo muuqday Musharaxan oo olole ka waday Gobolka South Carolina, bishii December, xilligaa oo uu ku baaqaayay in Muslimiinta…

Read More »

Sacuudiga oo si rasmi ah xiriirka ugu jaray Iran

0 Visits: 722 | Monday January 04, 2016 - 10:54:24
Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa si rasmi ah xiriirka ugu jartay dalka Iran, maalin ka dib markii dad careysan ay xoog ku galeen Dhismaha Xarunta Safaaradda Sacuudigu uu ku leeyahay Magaalada Tehran. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Adel al-Jubeir oo ku dhawaaqay in xiriirkii…

Read More »

Al-Shabaab oo saaka dagaal kula wareegay deegaanka War-Maxan

0 Visits: 755 | Monday January 04, 2016 - 10:52:55
Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa saaka waabarigii dagaal culus ku qaaday deegaanka War-Maxan ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo fariisin ku lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Read More »