
Madaxweynaha Kenya oo ammaanay Muslimiin badbaadiyay Dad Kirishtaan oo Shabaab ay dili rabeen
Wuxuu sheegay in lagu war geliyay in ay u kala baxaan Muslim iyo Kirishtaan,waxaase dadkii Muslimiinta ahaa ay diideen in ay u kala baxaan dalabka Al-shabaabna fuliyaan.
Dadkii Muslimiinta ahaa ayaa g’aansaday in aysan is sheegin,kana horyimid dalabka dadka ka tirsanaa Al-shabaab,waxana markaas kadib Rasaas ay fureen ku dhintay Labo Ruux iyaga oo sidoo kalena dhaawacay 4 kale.
Madaxweynaha Kenya ayaa ku ammaanay dadkaasi Muslimiinta ah sida geesinimada leh ee ay uga bad-baadiyeen Dadka Kirishtaanka ah ee Shabaab ay doonayeen inay si gaar ah u beegsadaan.
Waxa uu sheegay tallaabadaasi inay muujinayso sida dadka Muslimiinta qaar ay u jecel yihiin Nabadda iyo in dadka wada noolaadaan.
Shabaab ayaa dhowr mar dad ay qabteen gudaha dalka Kenya waxa ay u kala saareen Muslimiin iyo Masiixiyiin, kadibna waxa ay laayeen dadka Masiixiyiinta ah.
Kenya waxaa ku sii kordhaayo weerarada ay ka geysanayaan dalkaasi Shabaabka Soomaaliya ka dagaalama ee fariisimada ku leh Keymaha Boni ee dalkaasi.


0 


Madaxweynaha Kenya oo ammaanay Muslimiin badbaadiyay Dad Kirishtaan oo Shabaab ay dili rabeen
Madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta, ayaa ammaanay Dad Muslimiin ah oo bad-baadiyay dad masiixiyiin ah oo ay wada saarnaayeen Bas ay raacaan Bulshada, kadib markii Shabaab ay wadada u galeen Baskaasi duleedka Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi