
FBI-da oo muwaadin Somali Maraykan ah ku dacwaynaysa inuu ku biiri lahaa Daacish
Waxaa shalay mar kale maxkamad la soo taagay C/risaaq Maxamed Warsame oo 20-jir ah, iyadoo uu Sarkaal ka tirsan Waaxda Dembi baarista Federalka ee FBI ku soo eedeysay inuu Eedeysanaha khibrad u leeyahay samaynta Gantaallo lagu cabsi gelin karo Diyaaradaha ku soo degayo Garoonka Diyaaradaha ee Saint Paul ee magaalladda Minneapolis. Sarkaalka Daniel Higgins ayaa sheegay in Dacwadda loo haysto
C/risaaq Maxamed Warsame oo deggan Gobalka Minnesota, iyadoo FBI-da
maxkamadda u soo bandhigay codad si qarsoodi ah looga soo duubay
Eedeysanaha oo uu ku sheegayo inuu awoodi karo inuu sameeyo Gantaal
nooca guri ku samays ah "Homemade Rockets”, kaasi oo gaari kara ilaa
2,000 oo cagood.
Sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay inuu Eedeysanaha Xamaali ka ahaa Garoonka Diyaaradaha ee Minneapolis muddadii u dhexeysay April ilaa August ee sannadkii hore ee 2014-kii.
Becky Thorson oo ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Minnesota ayaa qaaday Dhegeysiga Dacwadaasi, waxayna ayiday Warbixinta ay soo gudbiyeen FBI-da, iyadoo sheegtay inaan la sii dayn karin Eedeysanaha oo ay sheegtay inuu khatar ku yahay Diyaaradaha iyo Bulshada intaba.
Dhanka kale eedeysanaha ayaa la sheegay inuu ka mid yahay 10 dhallinyaro Somali deggan Gobalka Minnesota, kuwaasi oo tan iyo bishii April ee sannadkan ku socotay Dacwad la xiriirta inay ku biiri lahaayeen Kooxda Daacish.


0 



FBI-da oo muwaadin Somali Maraykan ah ku dacwaynaysa inuu ku biiri lahaa Daacish
Waxaa shalay mar kale maxkamad la soo taagay C/risaaq Maxamed Warsame oo 20-jir ah, iyadoo uu Sarkaal ka tirsan Waaxda Dembi baarista Federalka ee FBI ku soo eedeysay inuu Eedeysanaha khibrad u leeyahay samaynta Gantaallo lagu cabsi gelin karo Diyaar