Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo la-tashiyo ah ka wada magaaladda Beledweyn.

0
Wednesday December 23, 2015 - 10:48:33 in Wararka by
  • Visits: 718
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo la-tashiyo ah ka wada magaaladda Beledweyn.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa habeenkii labaad ku hoyanaya magaaladda Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiran ayaa kulamo la-tashiyo ah la qaadanaya odayaasha dhaqanka beelaha dega Gobolka, Siyasiy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa habeenkii labaad ku hoyanaya magaaladda Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiran ayaa kulamo la-tashiyo ah la qaadanaya odayaasha dhaqanka beelaha dega Gobolka, Siyasiyiinta iyo ururada bulshadda rayidka ah.

  Kulamadaan la-tashiyada ah ee uu sida gaar gaarka ah madaxweynuhu iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ay la qaadanayaan odayaasha dhaqanka beelaha dega gobolka Hiiran, Siyasiyiinta iyo bulshadda rayidka oo bilaawday saaka aroortii ayaa wali socda iyada oo ay guulo ku soo dhamaadeen kulamada dhacay.

La-tashiyadaan madaxweynaha uu ka wado magaaladda Beledweyn ayaa ah sidii dhamman beelaha dega gobolladda Hiiran iyo Shabellaha Dhexe uga qeyb qaadan lahaayeen maamulka ay dhisanayaan labada gobolka iyo in aysan gobolka Hiiran dib uga dhicin dagaalo sokeeye.

Shirka maamul dhisidda gobolladda Hiiran iyo iyo Shabelaha Dhexe ayaa todobaadka soo socda ka furmi doona magaaladda Jowhar.

DHAMMAAD

IB0A8720
IB0A8551
IB0A8612
IB0A8639
IB0A8757
IB0A8801
IB0A8804


1px
©2015 Office of the President of Somalia | 1 Villa Somalia


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip