
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 23-KA DICEMBAR 2015-KA
Latashiyadaan madaxweynaha uu ka wado magaaladda Beledweyn ayaa ah sidii dhamman beelaha dega gobolladda Hiiran iyo Shabellaha Dhexe uga qeyb qaadan lahaayeen maamulka ay dhisanayaan labada gobolka iyo in aysan gobolka Hiiran dib uga dhicin dagaalo sokeeye.
Shirka maamul dhisidda gobolladda Hiiran iyo Shabelaha Dhexe ayaa todobaadka soo socda ka furmi doona magaaladda Jowhar.
HUB LAGU QABTAY DEKEDDA MAGAALADA MUQDISHO
Waxaa shalay Dekeda Magaalada Muqdisho lagu qabtay hub iyo dareyska Ciidamada Dowladda Soomaaliya, oo ganacsato ay kala soo degtay Dekedda.
Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Dekeda Magaalada Muqdisho, ayaa waxay xabsiga dhigeen xubno ka tirs an ganacsatada Gobolka Banaadir, halka kuwo kalana lagu raad jooggo.
Hubka iyo dareyska la qabtay oo ku jiray kunteenar, ayaa waxaa la wareegay Ciidamada Booliska, wax aana socdo baaritaano la xiriira halkii lagu waday.
Ilo wareedyo, ayaa xaqiijinaaya in kunteenarkaasi laga helay qoriga garbaha laga tuuro ee saban ka/baasuukaha, waxaana shaki laga muujinayaa in loo adeegsan rabay weerar ka dhan ah Dekedda.
Ciidamada Dowladda, ayaa Axadii adkeeyay ammaanka Dekedda iyo Xarunt School Polizio, xilligaa oo Magaalada Muqdisho looga dabaaldegaayay sanad guuradii 72aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka Booliska Somaliyeed.
MADAXWEYNE XASAN OO AMAR HORAY U SOCON WAAYAY KU SOO ROGAY SHACABKA HIIRAAN IYO JOWHAR
Qeybaha bulshada ku dhaqan gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay amar ka soo baxay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud kaasi oo horay uga socon waayay dhismihii maamul goboleedka Galmudug.
Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in caasimadda maamul goboleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe ay noqoneyso magaalada Bu ulo Burte, isagoona tilmaamay in dowladiisu dadajineyso dhameystirka maamul u sameynta labada gobol.
Amarka ka soo baxay Madaxweyne Xasan ayaa noqonaya caqabad kale oo la soo deristay ta asi oo u muuqata faragelin aan geed loogu soo gabban oo Madaxweynuhu ku sameeyay arrimaha maamul u sameynta iyo inay bulshada iyadu go’aan ka gaarto dowlad goboleedka sameysanayaan.
Aqoonyahano, xubno howl wadeeno ka ah arrimaha maamul goboleedka Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa sheegay in faragelinta dowladda Federaalka ay faraha ka baxday, iyagoona sheegay in Wasaa radda arrimaha gudaha ay shaacisay inaan loo baahneyn guddi farsamo, isla markaana sheegtay inay iyadu la wareegtay howlihii guddiga uu qaban lahaa.
Dhinaca kale amarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku soo beegmay xilli uu xilka ka qa aday Guddoomiyihii gobolka Hiiraan C/Fataax Xasan Afrax, kuna bedelay Yuusuf Dabageed oo ka mid ah shaqsi laba jeer oo hore Guddoomiye u soo noqday, iyadoo tallaabadani noqotay sii seeta dheereyneysa hannaanka dhismaha maamulka labadaasi gobol.
Amarka Madaxweyne Xasan ayaa horay amaraan mid la mid ah horay ugu soo rogay shacab ka ku dhaqan gobolada dhexe, isagoo sheegay in maamulka Galmudug caasimadiisa noqoneyso magaalada Dhuusamareeb, taasi oo socon weysay kaddib markii dhaqdhaqaaqa Ahlu Sunna kula wareegay dagaal aan dhiig ku daadan, isla markaana maamulka uu hoggaamiyo C/Kariin Xuseen Guuleed.
SHEEKH NUUR BAARUUD: "HOTELADA MUQDISHO WAXAAN UGA DIGAYAA INAY MUQDISHO KU QABTAAN DABAAL DEGGA SANADKA CUSUB”
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ah Afhayeenka hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa mar kii ugu horeysay digniin ka soo saaray diyaar garow loogu jiro dabaal degga sanadka cusub ee 2016 - ka, iyadoo Hoteelada Muqdisho qaarkood ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo lagu xusayo ciida Christmaska.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta Dowladda Federaalka Sheekh Maxa med Kheyrow ayaa isna soo saaray wareegto lagu mamnuucayo in magaalada Muqdisho laga dhigo munaasabado loogu dabaaldegayo sanadka 2016ka.
Qeybaha ciidamada ammaanka sida Booliska iyo Nabadusgidda ayaa laga dalbaday inay ka hortagaan xuska lagu maamuusayo sanadka cusub ee soo socda.
"Magaalada Muqdisho ilaa degmo iyo tuulo kasta oo dalka ka mid ah laguma qaban dab aaldegga la sheegayo in lagu xusayo sanadka cusub” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo she egay in dalka Soomaaliya uu yahay dal heysta diinta Islaamka.
Waxaa kale oo uu tilmaamay Sheekh Nuur in dabaaldegyada sanadka cusub ay marmarsiinyo Al-Shabaab iyagoo qiil ka dhiganaya in dalka diintiisa meel looga dhacayo.
Dhinaca kale waa markii ugu horeysay oo magaalada Muqdisho laga soo saaro munaasabado loogu dabaal degayo sanadka cusub, iyadoo digniintaan lagu sheegay in ammaanka dalka ay khatar ku tahay.
GUDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR OO ADKEEYAY DIGNIINTII KA SOO BAXDAY WASAARADA DIINTA
Kulan looga hadlayo wacyi gelinta Bulshada iyo xoojinta is dhex galka ayaa shalay ka furay magaalada Muqdisho,,kaasi oo ay taaba gelineyso Wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka Xukuumada Soomaaliya.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, kuxigeenada guddoomiyaha gobolka, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka, xubno ka socday Ururka Haweenka Qaranka, Golaha Abwaanada Soomaaliyeed, Hay’adda Culimada, Odayaasha Dhaqanka iyo Ururada Bulshada Rayid ka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo furay shir ka ayaa sheegay in kulanka uu yahay mid looga tashanayo sidii wacyi gelin guud loogu sameyn lah aa bulshada ku dhaqan caasimadda, waxaana uu shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan laam aha amniga, ayna gacan ka geystaan bilic soo celinta caasimadda.
Sidoo kale,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa soo hadal qaaday war ka soo baxay Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Dowlada Soomaaliya oo ku aadan in laga fogaado xuska Ciida Kirismaska oo laga yaabo iney ka dhacaan Muqdisho iyo meelo kale oo shac abka Soomaaliyeed ay ku sugan yihiin.
Wuxuu sheegay in shacabka iyo Hotelada Muqdisho looga baahan yahay iney ka fogaadan wa xyaabaha ka hor imaanaya Diinteen Suuban sida Ciida Kirismaska ee la sheegayo,isagoo gudo omiyaha carabka ku adkeeyay inaan lagu xadgudbin diinta.
Ugu danbeyntii,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Shacabka kula dardaarmay in la adke eyo digniinta ka soo baxday Wasaarada Diinta iyo Awqaafta lagana fogaado Ciida Masiixiga ee la sheegay oo loo dabaal dego Bilowga sanadka walba.
Hadalka Gudoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ku soo aadaya,xilli war ka soo baxay Was aarada Diinta iyo Awqaafta Dowlada digniin loogu jeediyay Shacabka Muqdisho iney ka fogaadaan xuska Ciida Masiixiga.
WASAARADDA DIINTA OO KA DIGTAY XUSKA CIIDDA KIRISMASKA
Wasaarada Owqaafta arimaha Diinta Dowlada Soomaaliya ayaa ka digtay Xuska Munaasa badda Ciidda Kirismaska oo loo dabaaldago Bilowga Sanadwalba, Isagoo ku amray laamaha Am maanka Dowladda inay ka hortagto isku Dayo lagu Abaabulayo Xuskaas.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Maxamed Kheyroow ayaa sheegay in Arrintaan haddii Umadda Soomaaliyeed ay sameeyaan waxbadan u dhimayso Caq iidadooda, isagoo soo jeediyay in laga feejignaado Arrimahaan.Wuxuu sheegay Agaasimaha Guud Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta in dabaal degaan ee xuska Ciida Kirismiska meelo badan oo caalamka oo ay ku sugan yihiin Masiixiyiinta laga dabaal degayo Bilowga Sanad walba.
Laamaha amaanka Dowlada ayaa lagu amray in arintaan ay ka hortagaan,islamarkaana ilgaar ah ay ku eegaan si aysan arintaan u dhicin.
Waxaa maalmo kooban inaga xiga bilashada Sanadka Cusub ee 2016’ka iyadoo Dadka aan muslimiinta ahayn ay sameeya dabaaldagyo loogu magacdaray Ciidda Kirismaska.
DIYAARADO DRONE AH OO DUQEYMO KA FULIYAY SHABEELAHA HOOSE
Diyaarado nuuca duuliye la’aanta ah ayaa duqeymo xalay ka geystay deegaanno hoostaga Gobolka Shabeelaha Hoose.
Duqeymaha oo lala bartilmaamsaday Saldhigyo Al Shabaab ay leeyihiin ayaa waxa ay ka dhaceen Deegaanka Shanta America oo hoostaga degmada Kuntuwaareey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Guddoomiyaha Maamulka degmada Kuntuwaareey Muxuyidiin Cali Caliyow oo Shabelle u warramay ay aa sheegay in ay filayaan duqeymaha in ay ku dhinteen Saraakiil sar sare oo ka tirsanaa Al Shabaab ay na dib uga soo warbixin doonaan kadib markii ay u kuur galeen.
Dhinaciisa Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdi Ibraahim Shaamow ayaa tib aaxay in ay u xuuraansanayaan sida ay wax u dhaceen iyo khasaaraha duqeymahaas ka dhashay isagoo tilmaamay in ay ku kalsoon yihiin in khasaaro ay gaartay Saraakiil iyo dagaalamayaal Al Shabaab ka tirsan oo ku sugnaa halka la weeraray.
Ma jiro wax war ah oo illaa iyo iminka ay ka soo saareen Al Shabaab duqeymahaas lagu qaaday Sal dhigyadooda.
WASIIRO KA TIRSAN DOWLADDA IYO SIYAASIYIIN GAARAY MAGAALADA JOWHAR EE G/SH/DHEXE
Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaa gaaray Wafdi uu hog aaminaayo Wasiirka Kalluumeysiga Xukuumadda Somaliya Maxamed Cumar Ceymooy, waxaana ku wehliyay Wasiiro kale iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya.
Wafdigan waxaa sidoo kale qayb ka ah Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka Finland, iyo Siyaasiyiin uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaarihii Somaliya Cali Maxamed Geedi.
Ujeedka socdaalka Wafdigaan ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay in Deeq Dawo ah ay gaarsiiyaan Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Deeqdaasi oo ka timid Dowladda Finland.
Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Somaliya Maxamed Cumar Ceymooy, ayaa sheegay in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka Finland ay ku wehliyaan socdaalkooda.
"Dadka Dagan Magaalada Jowhar Aadbey inoo soo dhaweeyeen maamul iyo Shacab ino oma kala harin waana ku ammaanayaa, waxaan qalabkaan aan waddno ee Cafimaadka ku waree jinaynaa Maamulka Gobolka” Ayuu yiri Wasiirka Ceymooy.
Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, maadaama Wafdigan ay ku sugan yihiin Magaalada.
Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Dowladda Somaliya u iclaa misay inay tahay halka lagu marti gelinaayo Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
RA'IISUL WASAARAHA JABUUTI OO SHALAY KA HADLAY RABSHADIHII DARAAD KA DHACAY MAGAALADA JABUUTI
Warsaxaafadeed shalay kasoo baxay xafiiska RW dalka Jabuuti, C/qaadir Kaamil Maxamed ayaa looga hadlay rabshidihii ka dhashay daraad xaafadda Balbala ee magaalada Jabuuti.
Qoraalka ayaa lagu xusay in rabshadihii daraad dhacay ay ahaayeen kuwo lagu doonayo in carqalad lagu geliyo ammaanka dalka Jabuuti, iyadoo lagu sheegay warsaxaafadeedka inay soo abaabuleen rabshadahaas kooxo xagjiriin ah oo ka tirsan mucaaradka dalka Jabuuti.
Sidoo kale, bayaanka kasoo baxay xafiiska RW Jabuuti ayaa lagu sheegay inay rabshadihii da raad sababeen khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, inkastoo aan lagu xusin tirada dadka labada dhi nac kaga dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay.
Bayaanka ayaa waxaa kaloo lagu xusay in dadkii dibadbaxyadan soo abaabulay aysan tixgelin warsaxaafadeed uu horay u soo saaray xafiiska RW Jabuuto oo ahaa in muddo laba bilood ah aan la qaban karin muddo laba bilood ah si looga hortago inay dhibaatooyin amnixumo dhacaan.
Warsaxaafadeedkii hore ayaa la sheegay in Jabuuti lagu soo rogay Jabuuti xaalad degdeg ah inaan muddo laba bilood ah la qaban karin wax isku soo baxyo ah; go'aankaasoo salka ku hayay we erarradii kooxo hubeysan ay ku qaadeen bishii hore caasimadda Faransiiska ee Paris iyo caasimadda Mali ee Bumako.
"Kooxihii soo abaabulay Rabshadihii khasaaraha dhaliyay ee daraad ka dhacay Magaalada Ja buuti waxay ahaayeen kuwo doonayay inay qalqalgeliyaan amniga dalka Jabuuti,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay xafiiska RW dalka Jabuuti.
Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf oo AFP la hadlay ayaa sheegay in toddoba qof ay ku geeriyoodeen shaqaaqadii daraad ka dhacday magaalada Ja buuti, isla markaana ay ku dhaawacmeen 73qof, kuwaasoo uu xusay inay kala ahaayeen 50askari oo ciidamada Jabuuti ka tirsan iyo 23qof oo shacab ah.
Wararka ayaa waxay intaas ku darayaa in dadkii ay dhaawacyadu soo gaareen daraad uu ka mid ahaa; Wasiirkii hore ee Arrimaha Diinta & Owqaafta Jabuuti, Xaamud Cabdi Suldaan iyo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Jabuuti.
Mucaaradka Jabuuti ayaa dhankooda daraad ku eedeeyay dhibaatadii ka dhacday Jabuuti ciidamada dowladda oo ay sheegeen inay weerareen shacab dhiganayay xus lana laayay, iyagoo axsaabta mucaaradka iyo dad goobjoogayaal ah ay xaqiijiyeen inay rabshadahaas ku geeriyoodeen 19ruux oo shacab u badnaa.
Ugu dabmeyn, Xaaladda magaalada Jabuuti ayaa shalay degen iyadoo isku socodka dadka iyo gaadiidka ay caadi kusoo laabteen, sidoo kalena ay furan yihiin goobaha ganacsiga, isla markaa na Ciidamada Booliiska Jabuuti ay nadiifiyeen goobihii ay Rabshaduhu ka dhaceen daraad.
QARAX CIIDAMADA AMISOM LAGULA EEGTAY MAGAALADA MUQDISHO
Qarax ayaaKolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM waxaa lagula eegtay wada u dhex eysa Ceymiska iyo Carafaat ee degmada Yaaqshid.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa khasaaro uu ka soo gaaray Ciidamada AMISOM laakiin aan la ogeyn xadigeeda sababo markii qaraxu dhacay oo Ciidamada Afarta Gees ay rasaas u fureen , dadkii ka ag dhawaa nawaaxigaasna ay meesha isaga carareen.
Hayeeshee Goob Joogayaasha waxa ay sheegeen in indhahooda ay qabteen Gaari Booyad ah oo qaraxu haleelay taas oo gubaneysay.
Ma jirto cid sheegatay Masuuliyadda Qaraxaasi laakiin Al Shabaab ayaa horay looga bartay qaraxyo nuucaasi ah oo ay la eegteen Gawaarida Ciidamada AMISOM ay saaran yihiin.
Sidoo kale ma jiro wax war ah oo Taliska AMISOM ay uga warbixiyeen Qaraxaasi lagula eeg tay Kolonyadooda Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
TIRADA MUDANAYAASHA BAARLAMAANKA EE AAN KA QEYB GALIN KULAMADA GOLAHA SHACABKA OO LA SOO BANDHIGAY
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in tiro koob uu ku sameeyay Mudunayaasha Barlamaanka uu ku ogaaday Xildhibaano inta badan aan soo xaadarin kalfadhiyada Barlamaanka Somaaliya.
Jawaari ayaa sheegay in 75 Fadhi oo ay yeesheen aysan soo xaadarin % kuwaas oo uu she egay inloo gudbiinayo Gudiga Ansharaxa ee Barlamaanka si tilaabo looga qaado wuxuuna intaas uu ku daray Gudoomiyaha in ay jiraan dhowr iyo labaatan kale oo mudane kasta oo 600 oo dollar la gan aaxay.
Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya ayaa Waxaa uu qeexay in howlo Fara badan uu hor yaallo barlamaanka Soomaaliya islamarkaana Xildhibaanada laga Doonayo in ay gutaan Waaj ibaadkooda.
Inta badan Kalfadhiyada Barlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa si joogta ah u maqnaada Xil dhibaano ka tirsan Barlamaanka iyadoo ay xusid ay mudan tahay in Mararka qarkood Kalfadhiyada Barlamanka uu u qabsoomi waayo kooram ay buuxin waayaan Xildhibaanada kuwaasoo waxqabad ay ka sugayaan Bulshada Soomaaliyeed .
XUKUUMADDA SOOMAALIYA OO KA DIGTAY XUSKA MUNAASABADDA CIIDDA KIRISMASKA EE MASIIXIGA IYO XAFLADAHA KALE EE LOOGU DABAALDAGO BILLOWGA SANAD IN MUQDISHO LAGA DHIGO..
Wasaaradda owqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya ayaa ka digtay Xuska munaasabadda ciidda kirismaska ee masiixiga iyo xafladaha kale ee loogu dabaaldago billowga sanad walba, iyadoo ku amartay hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya inay ka hortagto haddii la isku dayo in Mu qdisho laga abaabulo xaflad noocaas ah.
Agaasimaha wasaarada Owqaafta iyo arrimaha Diinta Somalia Sheekh Maxamed Kheyrow ay aa sheegay in haddii shacabka Soomaaliyeed ay sameeyaan munaasabado loogu dabaaldagayaan diinta maxiisiga ay wax u dhimayso caqiidadooda, isagoo shacabka ku boorriyay inay ka fogaadaan arrintaas.
"Waxaad la socotaan inay nagu soo wajahan yihiin 25ka December oo ay masiixiyiintu u dabaaldagaan Chrismska, maalmahaasna waa caado iyo caqiido gaar u ah masiixiyiinta, dadka mus limka ahna aysan shuqul ku lahayn,” ayuu yiri Sheekh Kheyrow.
Sidoo kale, agaasimaha ayaa ugu baaqay hay’adaha amniga dowladda Somalia, gaar ahaan ciidamada booliiska iyo nabadsugida inay ka hortagaan arrintan, isla markaana ay ilgaar ah ku h ayaan abaabullo arrintan la xiriira oo Muqisho ka dhaca.
Waxaa isna isla arrintaan ka hadlay Sh. Nuur Baaruud Gurxan oo culumada Soomaaliyeed ka mid ah, isagoo yiri. "Waxaan u sheegayaa mas’uuliyada dalka iyo ciidamada ammaanka inaan dalkan fasahaad iyo fidno sabab loogu noqon in ciidda masiixiga oo aan muslimiinta khuseyn dabaa ldaggeeda lagu qabto dalka. In dad Muslim ah ay yiraahdaan waxaanu xus u dhigaynaa masiixiga sax ma ahan, culumadu arrintaas waa ka digayaan, waana mid diin la’aan lagu mudan karo.”Ugu dambeyn, Digniinta kasoo baxay shalay Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Somalia ayaa kusoo beegmayaa iyadoo maalmo kooban ay naga xigto 25ka December oo ay masiixiyiintu xusaan waxay ugu yeereen dhalashadii Nebi Ciise CS oo ay u haystaan arrin aanay diinta Islaamku ogoleyn.
RAGGII KA DAMBEEYAY WEERARKII LAGU QAADAY TALIYAHA CIIDAMADA BOOLISKA MAGAALADA KISMAAYO GABOOBE XASAN BARRE..
Afar nin oo sida la sheegay ka dambeeyay weerar lagu qaaday Taliyaha ciidamada Booliska Magaalada Kismaayo Gaboobe Xasan Barre 19kii Bishan ayaa lagu xiray Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose.
Maalmahan Magaalada Kismaayo waxaa ka socday kulamo kala duwan oo ay yeelanayeen Madaxda Maamulka Jubbaland, kulamadaasi oo looga hadlaayay sidii loo xalin lahaa Shaqaaqadii lagu weeraray Taliyaha ciidamada Booliska Magaalada Kismaayo.
Ciidamada Nabad Suggida Magaalada Kismaayo ayaa xalay xabsiga dhigay Afar nin oo ku hayb ah Wasiirka Arimaha Bulshada Macalin Maxamed, Afartaasi nin oo la sheegay inay ka dambeeyeen weerarkii 19kii Bishan lagu qaaday Taliye Xasan Gaboobe.
Amarka lagu xiray Afartaasi nin ayaa waxaa bixiyay Wasiirka Arimaha Bulshada Jubbaland Macalin Maxamed, maadama uu sheegay in Raggaasi si qaldan ay u weerareen Taliyaha ciidamada Booliska Kismaayo.
Daraad Magaalada Kismaayo waxaa ka dhacay kulan ay wada qaateen Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Wasiirka Arimaha Bulshada Macalin Maxamed, waxaana kulankaasi lagu bixiyay magtii nin lagu dilay weerar ciidanka Booliska ay ku qaadeen Boos Banaan oo muran uu ka taagnaa oo ku yaallo Xaafada Dalxiiska ee Magaalada Kismaayo.
Taliyaha ciidamada Booliska Kismaayo Gaboobe Xasan Barre, ayaa lagu amray inuu si caadi ah shaqadiisa u wato, maadaama la xaliyay Shaqaaqadii dhawaan isaga lagu weeraray.
Arimahan ayaa salka ku haayay arimo qabiil, balse hada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Wasiirka Arimaha Bulshada Jubbaland ayaa go’aan ka gaaray oo xaliyay.
CIIDAMO KU DHEEREEYAY HOWLAHA MIINO BAARISTA OO SOOMAALIYA LOO SOO DIRAYO.
Mariniska Maraykanka ayaa soo gebagebeeyey Tababar socday muddo 2 bilood ah oo ay sii nayeen Ciiddamo ka tirsan kuwa dalka Uganda ee UPDF, kuwaasi oo la doonayo inay ka howlgalaan Soomaaliya.
Ciidamada uganda ayaa lagu tababaraayay Xeradda Tababarka Ciiddanka ee Singo oo ku ta alla dalkaasi, waxaana Ciiddankaasi la baray 8 Xirfado Milliteri oo kala duwan, oo ay ugu muhiinsan tahay Miinobaarista iyo Isticmaalka Gaadiidka Military ee dulmari kara goobaha ay ku aasan yihiin waxyaabaha qarxa ee loo yaqaano IED.
Ciiddanka la tababaray ayaa la sheegay inay ku soo biiri doonaan Hawlgalka AMISOM, si ay uga taageeraan Ka hortaga Khataraha Miinooyinka oo ay inta badan waxyeello ka soo gaaraan Ga adiidka iyo Ciiddanka AMISOM.
Titus Ekain oo ka mid ah Sraakiisha ka qeyb gashay Tababarkaasi ayaa sheegay inuu Tabab arkaasi kaalin ka qaatay Dhismaha Aqooneed ee Ciiddanka Uganda eeloo diyaarinayo inay ku bii raan Hawlgalka AMISOM.
"Waxay AlShabaab inta badan isticmaalaan Miinooyinka, balse haatan waan baranay qaabka looga hortegi karo, si loo badbaadiyo nolosha ciiddanka AMISOM” ayuu yiri Gaashaanle Titus Ekain oo ka tirsan Ciiddanka Uganda.
Dhanka kale Gawaarida Gaashaaman ee dul mara meelaha lagu aaso miinooyinka ayaa la sheegay inay bixinayaan digniin hore oo ku aadan Waddada lagu aasay Miinooyinka.
DOWLADA SOOMAALIYA OO SHAQAALAHEEDA FASAXDAY MAANTA OO KU BEEGAN DHALASHADII NABIGEENA MUXAMED NNKH.
Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha iyo arrimaha Bulshada ayaa fasaxday Shaqaalaha Dow ladda iyo kuwa gaarka ah maanta ah oo ku beegan Dhalashadii Nabigeena Muxamed NNKH.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Liibaax Ibraahim ayaa sheegay in dhamaan Shaqaalaha Dowladda iyo kuwa gaarka ahba ay fasaxan yihiin maalinta ah oo ku beegan 12 ka Bisha Mowliidd oo ah markii uu dhashay Nabigee na Muxamed NNKH,
Waxaanu sheegay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada in iyadoo wasaaradda weyneyney Munaasabadda dhalashada Nabi Muxamed NNKH ay u fasaxday Dhamaan Shaqaalaha Soomaaliyeed si muunasabadaas ay uga wada qayb qaataan.
BEESHA WACAYSLE OO NABADOON CUSUB KU CALEEMA SAARTAY MAGAALADA JOWHAR
Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo ay ka qeyb galeen waxgarad, aqoonyahano, culum aa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, laguna caleemo saarayay Nabadoon cusub oo ay ye elanayso Beesha Warculus Abgaal(Waceysle) ee gobolka Sh/dhexe ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Xaflada ayaa waxaa hadalo guubaabo iyo soo dhoweyn isugu jira ka soo jeediyay qaar ka mid ah nabadoonada gobolka Sh/dhexe.
Nabadoonka cusub ee Beesha Waceysle gobolka Sh/dhexe Cabdullahi Maxamuud Gacal ayaa wa xaa lagu doortay kulamo isdaba jog ah oo waxgaradka,duqeyda,dhalinyarada iyo culumaa’udiinka be esha ugaga socday Jowhar toddobaadyadii la soo dhaafay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.
Xaaji Yuusuf Maxamuud Weheliye oo ka mid ah waxgaradka beesha Wacaysle ee gobolka Sh/dhexe ahna guddoomiyaha ganacsatada gobolka ayaa sheegay in beeshu ay ku faraxsan tahay duubista nabadoon Xaaji Cabdullaahi Maxamuud beeshuna ay isku wada raacsan tahay.
Nabadoon Cali Shiikh Yuusuf oo ka mid ah nabadoonada caanka ka ah gobolka Sh/dhexe mu ddo ka badan konton sanana ahaa nabadoon ayaa ku ammaanay beesha Waceysle inay caleemo sa arto Xaaji Cabdullahi Maxamuud Gacal oo si weyn loogaga yaqaan magaalada Jowhar muddo dhee rna ku soo dhex jirey nabadaynta iyo ka qeybqaadashada horumarka gobolka Sh/dhexe.
Sidoo kale waxgaradkii ka hadlay munaasabadan ayaa waxaa ka mid ahaa Nabadoon Xaaji Maxamuud Hilowle,nabadoon Axmed Tifow Gacal iyo qaar kale.
Nabadoonadii iyo Waxgaradka ka qeybgalay munaasabada caleemo saarka nabadoonka ayaa kula dardaarmay inuu dardar geliyo howlaha loo igmaday, waxayna kula taliyeen in waajibka saaran uu si cadaalad ah kaga soo baxo.
Nabadoon Xaaji Cabdullahi Maxamuud Gacal oo halkaas ka hadlay ayaa u mahadceliyay dad kii ka soo qeybgalay munaasabada caleemo saarka waxana uu sheegay in uu ku dhaqi doono be esha cadaalad isla markaana ay diyaar u yihiin inay ka qeybqaataan horumarinta gobolka Sh/dhe xe oo ay deegaano badan beeshu ka degto.
Ugu dambeyntii Nabadoonka ayaa Waxgaradka iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay kala shaqeeyaan masuuliyada la saaray, isagoo xusay inuu kaligii wax qaban karin.
WASIIR KOOFUR GALBEED KA TIRSAN OO IS CASILAY …
Wasiirkii Dalxiiska iyo Duur Joogta maamulka Koofur Galbeed Cumar Dheere oo la soo xari iray Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa sheegay in uu iska Casilay xilkiisa.
Cumar Dheere ayaa ku micneeyay iscasilaadiisa in Wasiirada maamulka aysan kuwa u Madax banaan howshooda balse talada oo dhan uu kopr ka heysto Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Wasiirka is casilay ayaa ka mid ahaa Wasiirada maamulka Koofur Galbeed oo Xilkooda loo dhaariyay Bishii January ee aan ka soo gudubnay.
Maamulka Koofur Galbeed ayaa lagu eedeeyaa in howlihiisa ay yihiin kuwa gaabis ah marka loo eego dhaq dhaqaaqyo fiican oo la taaban karo maadaama aysan ka jirin deegaanadiisa.
CIIDAMADA BADDA LIBYA OO SOO SOO BADBAADIYAY BOQOL MUHAAJIRIIN AH KUWAASOO DOON KU SII JEEDAY DALKA TALYAANIGA
Ciidamada badda ayaa soo badbaadiyay boqol muhaajiriin ah kuwaasoo doon ku sii jeeday dalka Talyaaniga ay saarnaayeen ay ku timid cillad farsamo.
Afhayeen u hadlay ciidamada badda dowlada Libya ee is khilaafsan Ayou Qassem ayaa she egay in 108 tahriibayaal ah ay ka soo badbaadiyeen badda.
Afhayeenka ayaa intaa ku daray labo ka mid ah dadka tahriibayaasha ah ay dhinteen halka la bo kalana ay xaaladoodu liidato. Dhammaan dadka tahriibayay ayaa waxa ay ka soo jeedaan dalalka qaarada Yurub.
Dadkan tahriibayay ayaa waxaa ay sheegeen in ay doonayeen in ay u socdaalayeen dalka Italy balse matoorka doonta ay saarnaayeen ay cillad soo gashay.
Dadka sii mara dalka Libya iyagoo u tahriibaya qaarada Yurub ayaa lacago faro badan ku bix iya iyadoo dadkaasina ay inta wadada ku sii jiraan la kulma jidil iyo dhac iyo weliba mararka qaarkod kufsi ay la kulmaan haweenka.
Dadka tahriibaya iyo koritaanka ururka IS ee dalka Libya ayaa ah labo arrin oo sababtay in wa damada reer Galbeedka ah xoojiyaan Qaramada Midoobay in ay heshiis dhex dhigto labada daraf ee isku haysta maamulka dalka Libya.
BAARLAMAANKA BURUNDI OO GANAFKA KU DHUFTAY IN DALKOODA LA GEEYO CIIDAMMO NABADILAALIN AH
` Baarlamaanka dalka Burundi ayaa kasoo horyimid in ciidammo nabadilaalin ah oo ka socda Midow ga Afrika dalkooda la keeno, iyadoo tani ay imaanayso xilli xukuumadda dalkaas ay iyaduna horay uga di gtay in ciidammo la keeno dalkooda iyadoo aan ogolaasho laga haysan.
Xildhibaannada dalka Burundi ayaa ku tilmaanay faragelin qorshaha Midowga Afrika uu ku she egay toddobaadkii hore inuu 5,000 oo askari oo nabadilaalin ah Burundi u dirayo, si ay u ilaalinayaan dad ka rayidka ah.
Sidoo kale, Xildhibaannada Baarlamaanka Burundi ayaa ugu baaqay Xukuumadda dalkaas inaysan Midowga Afrika gacanta u gelin madaxbannaanida dalka Burundi, waxaana lagu macneeyay middaas ina anay dowladdu ogolaan in ciidammo nabadilaalin ah Burundi la keeno.
"Burundi waa nabad,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka waddanka Burundi, Pascal Nyab en da, isla markaana ah guddoomiyaha xisbiga talada haya ee CNDDFDD. Isagoo intaas ku daray. "Waa xa qiiqo in xaafado yar oo ka mid ah magaalada Bujumbura. Sidaas darteed uma baahin ciidammo nabadil aalin ah oo ka socda Midowga Afrika.”
Mudanayaasha baarlamaanka Burundi ka tirsan ayaa iyagana ku eedeeyay waddamada reer galbee d ka ah inay buunbuuninayaan rabshadaha ka jira dalkooda; iyagoo sheegay in aysan waxba ka jirin war arka sheegaya in Burundi ay suurogal tahay inuu ka dhaco xaquuq.
Jimcihii lasoo dhaafay ayay 54ka xubnood ee ururka Midowga Afrika waxay isku raaceen in 5,000 oo as kari loo diro dalka Koonfur Afrika, si ay u difaacaan dadka shacabka ah, isla markaana looga hortago in ay rabshaduhu sii xoogeystaan.
Laakiin, ku xigeenka afhayeenka madaxtooyada waddanka Burundi, JeanClaude Karerwa oo warbaahinta la hadlay Axaddii ayaa hoosta ka xariiqay in go’aanka dowladda Burundi uu cad yahay, aysanna ogolaan doonin in ciidammo ka socda Midowga Afrika dalkooda la keeno.
"Haddii ururka Midowga Afrika uu ciidan keeno Burundi, isagoo aan wax ogoalasho ah ka haysan xuk uumadda Bujumbura, taasi wuxuu micnaheedu yahay duullaan lagu soo qaaday Burundi, xukuumadduna waxay qaadan doontaa tallaabo ay ciidamadaas uga hortagayso,” ayuu JeanClaude Karerwa hadalkiisa ku daray.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Burundi, AlainAime Nyamitwe ayaa u sheegay Warfidiyeen ka Isniintii daraad ka hor goa’anka Baarlamaanka dalkaas, in xukuumaddu ay kalsooni buuxda ku qab to in ciidamada amniga dalkeedu ay howshooda qabsan karaan.
Magaalada Bujumbura ayaa waxaa tan iyo bishii Abriil ee la soo dhaafay waxaa ka socday rabshado uu dhiigbadani ku daatay, kuwaasoo lagu dilay in ka badan boqolaal ruux, kuwo kalena ay ku barakaceen.
Ugu dambeyntii, toddobaad ka hor ayay ahayd markii waddooyinka magaalada Bujumbura laga helay ma ydadka ugu yaraan 87qof oo isugu jiray ciidammo iyo shacab, kuwasaoo ku dhintay iskudhacyo ka dha shay weerarro lagu qaaday saldhigyo ay millateriga dalkaas ku leeyihiin duleedka Bujumbura.
Si kastaba ha ahaatee, dalka Burundi ayaa waxaa Somalia kaga sugan kumannaan askari oo ciidammo ah, kuwaasoo qayb ka ah howlgalka nabadilaalinta Midowga Afrika ee Somalia oo loosoo gaabiyo AMISOM.
DOWLADDA CIRAAQ OO SHEEGTAY INAY DIB U QABSATAY RAMADI KADIB DAGAAL CULUS OO SHALAY DHACAY
Ciidamada Ciraaq iyo xoogagga kooxda Islaamiga ah ee IS ayaa shalay ku dagaalamay bartamaha magaalada Ramadi oo ku taalla galbeedka dalka Ciraaq, iyadoo xukuumaddu ay sheegtay inay magaalad aas ka saareen xoogagga ISIS oo maamulayay maagaladaas tan iyo horraantii sannadkan 2015ka.
Af-hayeenka howlgalka argagaxiso la dirirka dalka Ciraaq, Sabah alNumani oo la hadlay warbaahinta ay aa sheegay dagaalka uu ka dhacay deegaanno ka tirsan magaalada Ramadi, isagoo xusay inay taageer ayeen diyaaradaha dagaalka isbahaysiga ku sugan dalka Ciraaq, ayna ciidamadu ka gudbeen qaraxyo jid gooyo ahaan loogu aasay waddooyinka.
Diyaaradaha dagaalka isbahaysiga uu horkacayo Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay duqeymo u geysteen xarumo ay Kooxda Daacish ku lahayd dulleedka Ramadi, kuwaasoo khasaare xooggan u geystay kooxda Daacish.
Magaalada Ramadi oo qiyaastii 100km galbeedka ka xigta caasimadda Ciraaq ee Baqdaad ayaa wa xaabishii May ee sannadkan qabsaday Kooxda ISIS, iyadoo laga saaray ciidamadii Ciraaq ee ku sugnaa. Iyadoo dib u qabsashada magaaladaas la sheegayaa inay timid kaddib markii muddo bil ah sahayda laga jaray xoogagga ISIS.
Howlgallada ay ciidamada Ciraaq dib ugu Qabsadeen magaalada Ramadi ayaa la sheegay inuu soo billowday horraantii bishii lasoo dhaafay; ayna si rasmi ah u soo gabagabowday shalay.
Ciidamada dalka Ciraaq oo taageero ka helaya isbahaysiga uu Mareykanku hoggaaminayo ayaa waxay bilhii lasoo dhaafay kala wareegeen kooxda ISIS magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla waqooyiga iyo galbeedka dalka Ciraaq, kuwaasoo xoogagga ISIL ay kala dowladda kala wareegeen bartamihii sannadkii 2014kii.
Sidoo kale, toddobaadkii hore ayaa wuxuu wasiirka difaaca dalka Mareykanka, Ash Carter booqasho aan horay loo sii shaacin ku tagay dalka Ciraaq, isagoo mas’uuliyiinta dalkaas ku boorriyay inay muhiim ta hay inay ISIS ka saaraan Ramadi oo ka mid ah magaalooyinka ay ISIS haysato.
"Xukumadda Mareykanka waxaa ka go’an inay ka caawiyaan howlgalka ay ku doonayaan ciidamada Cir aaq inay dib ugu qabsadaan magaalooyinka gacanta ugu jira ISIS,” ayuu yiri Ash Carter intii uu kulanku socday.
Ugu dambeyn, Magaalada Mosul ee Dalka Ciraaq ayaa la sheegay inay tahay tan keliya ee hadda ga can ta ugu jirta kooxda Islaamiga ah ee ISIS, iyadoo dowladda Ciraaq ay sheegtay inay billaabayso howl gallo ay dib ugu qabsanayso Mosul.
DADKA KENYANKA EE DEGAN LAMU OO BILAABAY INAY BARAKACAAN, CABSI SHABAAB AY KA QABAAN
Dadka Kenyanka ee ku nool deeganada ku xeeran Degmada Lamu ee Gobolka Xeebta dalka Kenya, ayaa bilaabay inay halkaasi isaga barakacaan, kadib markii ay cabsi ka muujiyeen Ururka Shabaab oo fariimo hanjabaad ah u diray dadkaasi.
Nin ka mid ah dadka deegaanka Pandaguo oo dhulka Keynta u doontay Malab, ayaa si lama filaan ah ula kulmay rag hubaysan oo Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo tiradooda gaaraysa 6 ruux.
Mr Musa Genje ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 6 nin oo aad u hubeysan, kuwaasoo handaday kadibna ugu hanjabay in ay af duubanayaan, iyagoo markii dambena iska sii daayay.
Ninkaan ayaa sheegay meesha uu ku arkay dadkaasi hubaysan ee Shabaabka ka tirsan inay tahay meel 6 KM u jirta Xaafada uu degan yahay, taasi oo walaac xoogan ku abuurtay.
Markii uu soo gaarsiiyay dadka deegaanka Fariinta ayaa waxaa halkaasi ka biloowday Bara kac ay sameynayaan dadka, maadaama ay muujiyeen walaac ku aadan Shabaab inay dilaan.
BOOLISKA KOONFUR AFRIKA OO KA DALBADAY AJANBIGA IYO SOOMAALIDA INAY AMNIGA KALA SHAQEEYAAN
Kusimaha taliyaha booliiska xaafadda Soomaalidu ay ku badan tahay ee Bellville oo ka tirsan magaalada Cape town ee dalka Koonfur Afrika oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka ha dlay arimo ay ka mid yihiin amniga deegaanka Soomaalidu ku badan tahay.
Andre Van Dyk oo ah kusimaha taliyaha booliiska ee xaafadda Bellville ayaa ugu baaqay Soo maalida in laga wadashaqeeyo amniga, maadaama bisha December ay tahay xilli ay kordhaan wee rarrada loo geysto ajaanibta ganacsiga ku haysata waddanka Koonfur Afrika.
Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in bishaan December ay kordhinayaan dhankooda howlgall ada si loo sugo amniga deegaanka; isagoo xusay inay muhiimaddu tahay in laga wadashaqeeyo amn iga booliis iyo shacab.
"Waxaan rabnaa in bulshada aan ku wargalinno inay la shaqeeyaan ciidanka booliiska inta xil ligan lagu jiro, si ay noogu soo gudbiyaan faldambiyeed kasta oo ay goobjoog u yihiin; taasoo qayb ka qaadanaysa in ganacsigaooda uu ammaan noqdo. Haddii dambiyadu bataan waxay saameyn ku yeelan doontaa ganacsiga waxaana dareemi doonnaa inay yaraadaan dadka halkan yimaada si ay wax uga iibsadaan,” ayu hadalkiisa ku daray Andre Van Dyk.
Kusimaha taliyaha booliska ee xaafada Bellville oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri. "Waxaan codsi gaar ah u jeedinanayaa bulshada ajaanibta ah oo tirada ugu badan oo farasmagaalaha ganacsiga ku leh ayna Soomaalidu ka mid yihiin inay xaqiijinta amaanka qayb kaga aadan ka qaataan, taasoo dha aanteed ay naga saaran tahay mas’uuliyad, si amniga iyo ganacsigu u socdaan.”
Ugu dambeyn, hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan la galayo ciidda masxiiiyiintu xus aan oo ku beegan 25ka bishan December; waxaana xilliyadaan oo kale bata weerarrada lala beegsa do ganacsiyada ay ajaanibtu Koonfur Afrika ku leeyihiin.
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 23-KA DICEMBAR 2015-KA
MADAXWEYNAHA OO KULAMO LATASHIYO AH KA WADA MAGAALADDA BELEDWEYN … Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay habeenkii labaad ku hoyanaya magaladda Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiran ayaa kulamo latashiyo ah la qaadanay