
Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasay Muqdisho iyo madaxweyne Xasan oo…
.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda, duubabka dhaqanka iyo culumaa’udiin Soomaaliyeed kala qayb-galay salaadda Janaasada Allaha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo maanta lagu aasay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa sheegay in marxuumku uu door weyn ku lahaa nabadeynta bulshada, dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay kaalintii uu ku lahaa xoojinta dowladnimada iyo dhismaha nabadda Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dhaxalka wanaagsan ee uu ka tagay Imaam Maxamed Yuusuf Cali uu sii ahaan doono mid ay bulshada Soomaaliyeed ku xusuusan doonto, gaar ahaan dadaalladii uu ku bixiyay isku soo dhawaanshaha iyo wada noolaanshaha bulshada.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale si gaar ah tacsi iyo tiiraanyo ula wadaagay ehellada, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka, isaga oo Alle uga baryay inuu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa.
Waxaa uu sidoo kale Alle uga rajeeyay qoyska iyo dadka uu ka baxay Imaamka samir iyo iimaan, isaga oo ku booriyay inay ku sabraan geerida ku timid mid kamid ah hoggaamiyeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed.
Allaha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo ahaa Imaamka beesha Mudulood, kana mid ahaa dhaqanka Soomaliyeed kuwooda ugu waaweyn ayaa maalmo ka hor ku geeriyooday dalka Hindiya, halkaas oo muddooyinkii dambe lagu dabiibayay xaaladdiisa caafimaad.
Imaamka ayaa muddo dheer ka shaqeynayay nabadeynta bulshada, xoojinta midnimada iyo xalinta khilaafaadka, waxaana lagu xusuusan doonaa kaalintii uu ku lahaa arrimaha dhaqanka iyo nabad-dhiska Soomaaliya.












0 



Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasay Muqdisho iyo madaxweyne Xasan oo…
.