Xildhibaan geeriyooday, iyadoo uu socdo kulanka Baarlamaanka

0
Wednesday December 23, 2015 - 10:34:38 in Wararka by
  • Visits: 654
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan geeriyooday, iyadoo uu socdo kulanka Baarlamaanka

    Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Kuwait ayaa ku dhex geeriyooday Xarunta Baarlamaanka dalkaasi, kadib markii Xildhibaankaan uu miyir doorsoomay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Kuwait ayaa ku dhex geeriyooday Xarunta Baarlamaanka dalkaasi, kadib markii Xildhibaankaan uu miyir doorsoomay. Nabiil Al-Fadl, oo ah Xildhibaanka geeriyooday, ayaa inta uusan geeriyoon ka hor Shan Daqiiqo oo uu hadlaayay, waxa uu eedeeyay qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka dalkaasi, waxaana uu ka dhiidhiyay waxyaabo wax u dhimaayo Baarlamaanka dalkaasi.

Markii Xildhibaanka uu soo fariistay kursigiisa ayaa waxaa dhacday in miyir Doorsoomay, waxyar kadibna uu sidaasi ku geeriyooday.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegay in hay’adaha gargaarka deg dega isku dayeen in ay badbaadiyaan laakin ay ku guuldareysteen, isla markiina uu geeriyooday Xildhibaanka.

Xildhibaanka geeriyooday ayaa da’diisa waxa ay aheyd 65 sano jir, muddo ayuuna ku jiray Baarlamaanka dalka Kuwait.

Xildhibaan Nabiil Al-Fadl ayaa geeriyooday shalay oo tallaado ah, xilli kulanka Baarlamaanka dalkaasi uu si caadi ah kaga socday Xarunta Baarlamaanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka dalka Kuwait, ayaa geerida Xildhibaankaasi ku tilmaamay mid argagax leh.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip