Dowladda Jabuuti oo sheegtay Shaqaaqadii ka dhacday dalkaasi inay ku geeriyoodeen 7 ruux

0
Wednesday December 23, 2015 - 10:37:10 in Wararka by
  • Visits: 672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Jabuuti oo sheegtay Shaqaaqadii ka dhacday dalkaasi inay ku geeriyoodeen 7 ruux

    Dowladda Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday Shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Magaalada Jabuuti inay ku geeriyoodeen 7 ruux oo shacab ahaa, kadib markii Ciidamada ammaanka iyo dadkaasi shacabka ah ay isku dhaceen, xilli dadka ay doonayeen inay dhigtaan Xafla

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday Shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Magaalada Jabuuti inay ku geeriyoodeen 7 ruux oo shacab ahaa, kadib markii Ciidamada ammaanka iyo dadkaasi shacabka ah ay isku dhaceen, xilli dadka ay doonayeen inay dhigtaan Xaflad ku aadan xuska Nabi Muxamed NNKH. Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Arimaha Dibada dalka Jabuuti oo la hadlay Idaacada BBC, ayaa sheegay Ciidamo Boolis oo gaaraya 50 Askari oo aanan hubaysnayn kolkii hore inay u direen goobta Bulshada ay isugu timid, si halkaasi looga daadgureey Bulshada oo goob amnigeeda la xaqiijiyay la geeyo.

Laakiin Bulshadii goobta isugu timid qaar ka mid ah ayuu sheegay Wasiirka ciidamada Booliska ee aanan hubaysnayn inay u adeegsadeen Qoryaha daran dooriga u dhaca iyo Mindiyo ay doonayeen inay ku waxyeeleeyaan ciidamada Booliska.

Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf ayaa tilmaamay dadkii dhiganaayay xaflada Xuska Nabi Muxamed NNKH inay ku soo dhex dhuunteen dad argagixiso ah oo hubaysan, islamarkaana doonaayay inay geystaan shaqaaqo ammaanka lidi ku ah.

Ilaa 7 ruux oo shacab ah ayuu sheegay inay ku geeriyoodeen halkaasi, kadib markii ciidamada ammaanka ay rasaas ku fureen Bulshada xilli la xakameynaayay ammaanka.

Kooxaha Mucaaradka dalka Jabuuti ayaa sheegay rasaasta ay ku fureen ciidamada Booliska dalka Jabuuti shacabkii dhiganaayay Xuska Nabi Muxamed NNKH inay ku geeriyoodeen ku dhawaad 20 ruux oo shacab ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip