
Duqeymaha Ruushka uu ka wado Syria oo lagu laayay ilaa 200 oo ruux
Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegtay inay hayaan cadeymo rasmi ah oo ku aadan Duqeymaha Ruushka Bishii Septmeber ay ka geysteen dalka Syria inay ku dhinteen Boqolaal qof oo shacab ah.
Wareysiyo lala yeeshay dad goobjoogayaal ah ayeey sheegtay Amnesty inay ku cadeeyeen tacadiga Ruushka uu ka geystay dalka Syria.
Amnesty waxay diiradda saartay lix weerar, midkasta oo ka mid ahna waxay ku shegtay in dad shacab ah ay dhibaato ka soo gaartay isla markaasna aysan jirin saldhigyo millitari oo la yaqaanay oo ka ag dhawaa goobahaasi.
Warbixinta ka soo baxday Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ayaa lagu sheegay meelaha ugu badan ee dadka ay ku dhinteen inay tahay Suuqyada, Isbitaalada iyo Guryaha duqeynta ay ku garaaceen Diyaaradaha Ruushka.
Diyaaradaha Ruushka ayaa Syria kula dagaalamaya Ururka Daacish ee dalkaasi ka dhisan, balse dagaalka Daacish ay ku hayaan ayaa galaaftay nolosha dad badan oo rayid ah.
Duqeymaha Ruushka uu ka wado Syria oo lagu laayay ilaa 200 oo ruux
Warbixin ay soo saartay Hay'adda Xuquuqda Aadanaha ee loo yaqaan Amnesty International ayaa lagu sheegay in Ruushka uu tacadi Bini'aadinimo ka geystay dalka Syria, xilli Diyaaradaha Ruushka ay Duqeymo ka geysanayaan dalkaasi,.