Wararka

Hawlgalkii Nuseirat oo lagu dilay la haysteyaal Israeliyiin ah

0 Visits: 294 | Sunday June 09, 2024 - 19:32:29
Ururka Xamaas ayaa ku dhawaaqay in Ciidamada Israel ay Sabtidii tiro ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ku dileen hawlgalkii ay ka fuliyeen xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza. Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in hawlgalka gaarka ah ee xerada Nuseirat ay ku soo furteen afar…

Read More »

Yaasiin Faray: Alshabaab labo jiho ayay kasoo weerareen degmada Ceeldheer, waxayna kala kulmeen jab xooggan

0 Visits: 290 | Sunday June 09, 2024 - 19:27:53
Taliyihii hore ee hay'adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA, Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa sheegay, in Alshabaab ay jab xooggan kala kulmeen dagaalkii ay shalay subax kusoo qaadeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Yaasiin Farey, ayaa sheegay, Alshabaab inay labo jiho kasoo weerrareen…

Read More »

Ciidamada Puntland oo Garowe kusoo bandhigay hub sharci darro ah iyo maandooriye

0 Visits: 262 | Sunday June 09, 2024 - 19:22:35
Saraakiisha ciidanka amniga Puntland iyo masuuliyiinta gobolka Nugaal ayaa maanta magaalada Garowe kusoo bandhigay hub iyo maandooriye lagusoo qabtay howgallo malamihii ugu dambeeyay ka socday magaalada Garowe. Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa warbaahinta u sheegay in ay magaalada…

Read More »

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Jabhadii Buurta Gacanlibaax la maxkamadayn doono

0 Visits: 269 | Sunday June 09, 2024 - 19:18:43
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in maxkamad la horkeeni doono xubnihii Jabhadii Buurta Gacanlibaax ee weerarka ku dilay in ka nadan 10 booliis ah 11, August, 2023. Madaxweynaha oo qudbad sannadeedii dastuuriga ahayd ka horjeediyay baarlamaanka, ayaa sheegay in jabkii ciidamada…

Read More »

Ciidanka dowladda oo goordhaw wareegay deegaanka Ruunirgood

0 Visits: 265 | Sunday June 09, 2024 - 19:14:33
Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa goordhaw si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Ruunirgood oo ku yaala xadka gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe. Ciidamada ayaa kulaalayay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay deegaanka Ruunirgood oo ah deegaan istaraatiiji ah oo ay gacanta…

Read More »

Madaxweynaha Galmuduga oo guddi u magacaabay xal u raadinta colaadda ka jirta waqooyiga Galgaduud

0 Visits: 123 | Sunday June 09, 2024 - 19:11:03
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa guddi ka kooban shan wasiir u magacaabay xal u raadinta colaadda u dhaxaysa beelaha walaalaha ah ee wada dega inta u dhaxeysa degmooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee waqooyiga Gobolka Galgaduud. Madaxweyne Qoorqoor ayaa sidoo kale…

Read More »

Wasaaradda Amniga Gudaha XFS oo ku baaqday in la joojiyo Colaad Sokeeye oo ka taagan qeybo kamid ah Galgaduud

0 Visits: 117 | Sunday June 09, 2024 - 19:07:16
Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaanka Laandheer ee waqooyiga Galgalduud, waxayna laamaha ammaanka Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug fartay in laga hortago shaqaaqooyinka iyo xasaradaha soo cusboonaaday

Read More »

Qaramada Midoobay oo mar kale ku baaqday in la joojiyo waxyeelleynta dadka rayidka ee Gaza

0 Visits: 120 | Sunday June 09, 2024 - 19:03:41
Madaxa gargaarka Qaramada Midoobay ayaa Sabtidii walaac ka muujiyay weerar ay Israa'iil ku qaadday xerada qaxootiga ee Nuseirat ee bartamaha marinka Qaza, halkaas oo ay ku dhinteen 210 qof,ayna ku dhaawacmeen in ka badan 400 oo kalena. "Sawirrada dhimashada iyo burburka ee ka dhashay hawlgalkii…

Read More »

Mas'uuliyiin katirsan Galmudug oo gaaray Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

0 Visits: 125 | Sunday June 09, 2024 - 19:00:21
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka howlaha guud ee dowlad goboleedka Galmudug Axmed Dhiblaawe oo ay wehliyaan maamulka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa saakay gaaray goobihii uu shalay ka dhacay dagaalkii lagu jabiyay Khawaarijta. Masuuliyiinta ayaa kormeer dhiirigelin ah ugu tegay ciidamada…

Read More »

Wasiirka Amniga Gudaha XFS iyo Ergeyga gaarka ah ee arrimaha xasilinta oo ka wada hadlay joojinta colaada ka taagan Galmudug

0 Visits: 138 | Sunday June 09, 2024 - 18:58:20
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee XFS Mudane Abdullahi Sheikh Ismail – Fartaag iyo Ergeyga gaarka ah ee xasilinta iyo ilaalinta rayidka Madaxweynaha Cumar Xaashi ayaa ka wada hadlay xasilinta nabad gelyada iyo deganaanta guud ahaan dalka, gaar ahaan sidii xal loogu heli lahaa arrimaha soo laa-laabtay…

Read More »

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Safar Shaqo ugu ambabaxay dalka Norway

0 Visits: 222 | Sunday June 09, 2024 - 18:56:30
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay dalka Norway, halkaas oo uu ku tagi doono booqasho shaqo oo muddo saddex maalmood ah. Madaxweynaha ayaa Inta uu ku sugan yahay Oslo, waxaa wadahadallo laba geesood ah la yeelan doonaa Ra'iisul Wasaaraha…

Read More »

Wasiirka Cadaaladda XFS oo dahfuray bilaabidda la tashiyada Dadweyne ee cutubyada 5-aad ilaa 9-aad Dastuurka KMG

0 Visits: 125 | Sunday June 09, 2024 - 18:54:13
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macalim oo kulan fogaan arag ah la yeeshay wasiirada Dastuurka ee dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka ayaa daahfuray bilaabidda la-tashiyada shanta cutub ee hadda lagu sameeynayo dib-u-eegista farsamo kuwaas oo laga fulinaayo…

Read More »

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Kismaayo ku soo xiray Shirka Guddiga joogtada

0 Visits: 123 | Sunday June 09, 2024 - 18:51:12
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulanka banbaxa guddiga ah ee Golaha Shacabka oo maanta lagu soo gaba gabeeyay Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah Dowlad Goboleedka Jubaland, waxaana kulanka sidoo kale ka qeyb gashay Guddoomiye…

Read More »

Dowladda Ruushka oo ugu hambalyeysay Soomaaliya ku biirista Golaha Ammaanka

0 Visits: 223 | Sunday June 09, 2024 - 18:45:21
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Ruushka, Maria Zakharova, ayaa sheegtay in ay ugu hambalyeynayso Dowladda Soomaaliya ku biirista Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Zakharova oo wareysi gaar ah siisay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa ku nuuxnuuxsatay muhiimadda…

Read More »

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo loo doortay madaxa Ergadda Afrika ee Nairobi

0 Visits: 263 | Sunday June 09, 2024 - 18:40:39
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, isla markaana ah Wakiilka Joogtada ah ee UNON, UNEP & UN-Habitat, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa loo doortay in uu noqdo Guddoomiyaha Wakiilada Joogtada ah ee dalalka Afrika (Africa Group) ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi. Danjire Jabriil Ibraahim…

Read More »

halkan ka aqriso wararka wargeyska mog times 9.6.24

0 Visits: 138 | Sunday June 09, 2024 - 10:28:21
.

Read More »

alkan ka aqriso wararka wargeyska mog times 8.6.24

0 Visits: 129 | Sunday June 09, 2024 - 10:25:43
.

Read More »

PSF oo gacanta ku dhigtay labo ajaanib ah oo ka badbaaday duqayntii Maraykanka ee gobolka Bari

0 Visits: 141 | Saturday June 08, 2024 - 19:32:57
Ciidanka nabad sugidda Puntland ee lagu magacaabo PSF, ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen labo xubnood oo katirsan kooxda Daacish oo kasoo jeeda dalka Tanzania. Labadan xubnood ayay ciidanka PSF sheegeen inay ka bad baadeen duqayntii uu todobaadkii hore Maraykanku la beegsaday saldhig Daacish ay…

Read More »

Dagaal beeleed khasaare badan geystay oo ka socda gobolka Galgaduud

0 Visits: 110 | Saturday June 08, 2024 - 19:26:22
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo ka socda deegaanka Laandheere oo ah deegaan u dhaxeeya magaalooyinka Xeraale iyo Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Dagaalkaan ka socda deegaanka Laandheere oo 20 KM u jira deegaanka Huurshe ayaa ah mid u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo kasoo kala…

Read More »

Xuseen Sheikh Ali: Dhacdadii Cowswayne ka hor madaxda Shabaabku waxay diyaar u ahaayeen inay isisoo dhiibaan

0 Visits: 116 | Saturday June 08, 2024 - 19:23:47
La taliyaha amniga qaranka, Xuseen Sheikh Cali, ayaa sheegay guul darradii ciidanka dowladda kasoo gaartay dagaalkii Cowswayne in ay sabab u noqotay, in madax katirsan Shabaab oo isisoo dhiibi rabay ay helaan fursad ay ku baxsadaan. La taliyaha amniga qaranka oo bixinayay wareysi ayaa sheegay, maalmo…

Read More »