
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 30-06-25
Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha garoon diyaaradeed iyo mashaariic kale
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa deegaanka Haawaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe si rasmi ah uga dhagax dhigay dhismaha garoon diyaaradeed oo casri ah, Dekad iyo mashaariic kale.
Madaxweynaha ayaa dhagax dhigga waxaa ku wehlinayay Madaxweynaha D/G Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo madax kale.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax Dhigay Dib U Dhiska Waddada Zoobe
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax dhigay dib-u-dhiska Laamiga Zoobe oo muhiim u ah isku socodka bulshada caasimadda, isla markaana ku burburay roobabkii xoogganaa ee ka da’ay Magaalada Muqdisho.
Duqa Muqdisho ayaa ballanqaaday in dhawaan la dhisi doonno waddada shaqaalaha oo burbur xoogan uu ka jiro iyo waddooyin dhowr ah oo ku yaala Magaalada Muqdisho, asigoona adkeeyay in canshuurta laga qaado bulshada dib loogu celin doonno.
"Waxa aan ballanqaadeynaa in canshuurta laga qaado bulshada aan dib ugu celino, si aan ugu horumarino adeegyada aasaasiga ah oo ay ugu horeeyaan helidda dugsiyo waxbarasho oo lacag la’aan ah, horumarinta adeegyada caafimaadka iyo dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.
Munaasabadda dhagax dhigga waxaa goobjog ka ahaa Gudomiye Kuxigenada Mamulka Gobolka Banadir, Gudomiyaha Degmada Hodan, Ganacsato, Odayaasha dhaqanka, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.
Safaaradda JFS ee Kenya oo si heer sare ah u xustay sanad-guuradii 65-aad ee Maalinta Xorriyadda
Safaarada Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya ee dalka Kenya oo xustay 65-sano guuradii kasoo wareegatay maalintii xorriyadda qarankeenna ee 26-kii June sanadkii 1960-kii.
Munaasabadda oo qeyb ka ahayd xuska Todobaadka Xorriyadda, waxaa ka qeybgalay in ka badan 100 danjire oo ka kala socoday safaaradaha iyo qunsuliyadaha ku yaala dalka Kenya, sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa madax ka socotay hay’adaha QM, UN-Habitat, UNDP, iyo UNHCR, taas oo muujineysa muhiimadda caalamku siinayo xiriirka iskaashi ee ay leedahay Soomaaliya.
Danjiraha dowladda Soomaaliya ee Kenya Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ka hadlay munaasabadda ayaa xusay in xiriirka labada dal uu gaaray heer istiraatiiji ah, isagoo hoosta ka xariiqay horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, ganacsiga
Wasiiru Dowlaha Qorsheynta oo ka Qayb Galaya Shirka 2aad ee Guddiga Sare ee Machadka Qorsheynta Carabta (API)
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqalaha, Mudane Axmednuur Sheekh Maxamed ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Tripoli ee dalka Liibiya, isagoo ka qayb galaya Shirka 2aad ee Sannadlaha ah ee Guddiga Sare ee Machadka Qorsheynta Carabta (API).
Soo dhaweynta Wasiiru Dowlaha waxaa hormuud ka ahaa Wasiirka Qorsheynta ee Liibiya, taas oo muujinaysa midnimada iyo iskaashiga Carabta ee dhinacyada qorsheynta iyo horumarinta dhaqaalaha.
Wasaaradda Qorsheynta waxay uga mahadcelinaysaa Dowladda Liibiya soo dhaweynta sharafta leh, waxayna caddeyneysaa sida ay uga go’an tahay Soomaaliya in ay xoojiso iskaashiga gobolka ee qorsheynta iyo dhaqaalaha.
Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday Heshiis iskaashiga dhinaca gaadiidka ah
Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Somalia, Mudane Abdulkadir Mohamed Nur ayaa sheegay in shalay uu soo idlaaday saxiixidda heshiis is-afgarad oo u dhaxeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayasha Dhaqaale ee Jamhuuriyadda Türkiye iyo Wasaara-daha u xilsaran Gadiidka iyo Kabayasha Dhaqaale ee dalalka Afrika ee xeebaha leh.
"Shalay waxaa si guul leh noogu soo idlaaday saxiixidda heshiis is-afgarad oo u dhaxeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaale ee Jamhuu-riyada Türkiye iyo Wasaaradaha u xilsaaran Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaale ee dalalka Afrika ee xeebaha leh”ayuu yiri wasiirka Gaadiidka XFS
Heshiiskan waxaa diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga dhinaca gaadiidka, kor u qaadista isku xirka ganacsiga, kobcinta wax-soo-saarka, iyo dhiirrigelinta dhaqaalaha guud ahaan gobolka.
Tallaabo muhiim ah oo mideyneysa dalalka Afrika ee leh xeebaha istiraatiijiga ah iyo Türkiye, si si wadajir ah loo horumariyo kaabayaasha isku xirka, loona dhiso mustaqbal dhaqaale oo xooggan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ka duuleysa istaraatiijiyaddeeda kobcinta kaabeyaasha, waxaa naga go’an hormarinta dekedaha Soomaa-liyeed, kuwaas oo ah il dhaqaale muhiim u ah dalka. Ujeeddadeennu waa in aan gaarno isku filnaansho waarta, loona abuuro fursado shaqo iyo horumar dhaqaale.
Wasaaradda Amniga oo ku baaqday in la joojiyo Colaadda ka dhacday Caabudwaaq
Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa ugu baaqyay dhinacyada shalay ku dagaallamay degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga gobolka Galgaduud in ay joojiyaan dagaalka iyo daadinta dhiigga, lagulana xisaabtami doono cid walba oo horseed u ahayd colaadda uu dhiiggu ku daatay.
"Culumada, odayaasha dhaqanka, iyo waxgaradka degmada Caabudwaaq, waxaan ugu baaqayaa in ay u istaagaa xal u helidda colaadda, dhexdana ay u xirtaan sidii ay u dejin lahaayeen, qof walba oo gacan ku leh hurinta dhibaatada waa lagula xisaabtami doona, sharciga ayaana horgeynaynaa”.
Wasiir Fartaag ayaa ku adkeeyey hay’adaha amniga gobolka iyo maamulka Galmudug in ay si dhow uga wada shaqeeyaan nabadaynta iyo joojinta colaadda deegaanka ka soo cusboonaatay. Isaga oo Alle uga baryey in dadka Soomaaliyeed qalbigooda isu soo jeediyo, nabad iyo barwaaqana ku manneysto dalkeenna.
Dowladda Fedaraalka oo sheegtay in lala xisaabtami doono dadka hurinaya xiisada ka taagan magaalada Caabudwaaq
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaalia Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud iney si deg deg ah u joojiyaan dagaalka dhiiga ku daadanayo.
Wasiir Fartaag ayaa si adag u sheegay in lala xisaabtami doono dadka hurinaya xiisada ka taagan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ee sababtay khasaaraha isugu jira dhimashada iyo dhaawaca.
War qoraal ah oo uu soo saarey Wasiirka ayuu ugu baaqay Culamada iyo Waxgaradka degmada Caabudwaaq in nabada la ilaaliyo, islamarkaana laga fogaado wax kasta oo keeni kara inuu markale dhiig daato.
"Culumada, odayaasha dhaqanka, iyo waxgaradka degmada Caabudwaaq, waxaan ugu baaqayaa in ay u istaagaa xal u helidda colaadda, dhexdana ay u xirtaan sidii ay u dejin lahaayeen, qof walba oo gacan ku leh hurinta dhibaatada waa lagula xisaabtami doonaa, sharciga ayaana horgeynaynaa” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.
Wuxuu sidoo kale Wasiirka Aminga Gudaha ee Soomaaliya uu faray hay’adaha amniga gobolka iyo maamulka Galmudug iney si dhow uga wada shaqeeyaan nabadaynta iyo joojinta colaadda deegaanka ka soo cusboonaatay magaalada Caabudwaaq.
Baaqa Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa imaanaya, iyadoo dagaal daraad ka dhacay magaalada Caabudwaaq ay ku geeriyoodeen ilaa afar ruux oo isugu jira dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ahaa, waxaana dagaalkaas uu ahaa mid salka ku haya muran ka dhashay dhismaha saldhiga Booliiska Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga gobolka Galgaduud.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo si rasmi ah hirgelisay nidaamka PISCES
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) ayaa si rasmi ah u hirgelisay nidaamka PISCES (Personal Identification Secure Comparison and Evaluation System), kaas oo hadda si buuxda uga holgala Garonka Diyaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho.
Hirgelinta nidaamkan ayaa la socda tababar heer sare ah oo loo qabtay saraakiil ka tirsan waaxyaha kala duwan ee hay’adda, si loo xoojiyo xirfadooda la xiriirta adeegsiga nidaamka iyo sugidda amniga xuduudaha dalka.
Munaasabadda xiritaanka tababarka iyo daahfurka nidaamka cusub oo ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa waxa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, wakiillo ka socday Dowladda Mareykanka oo uu hoggaaminayay Mr. Bob, iyo saraakiil ka socday hay’adaha amniga gudaha iyo kuwa caalamiga ah sida Interpol.
Wasiirka Amniga Gudaha ayaa xusay in nidaamka PISCES uu sare u qaadayo awoodda dowladda ee la socodka dhaq-dhaqaaqa dadka, xakameynta tahriibka iyo dambiyada la xiriira, isla markaana uu kaalin mug leh ka qaadan doono sugidda amniga qaranka. Wasiirka ayaa dhiirrigeliyay in saraakiisha tababarka dhammeystay ay si hufan uga faa’iideeyaan aqoonta ay barteen.
Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa tilmaamay in nidaamkan uu yahay tallaabo weyn oo lagu hormarinayo maamulka socdaalka iyo adeegsiga tiknoolojiyadda casriga ah, taasoo lagu gaari karo adeegyo degdeg ah oo ammaan ah.
Sidoo kale, wakiilka Mareykanka, Mr. Bob, ayaa sheegay in taageerada ay siiyeen hirgelinta PISCES ay ka tarjumayso iskaashi qoto dheer oo u dhexeeya labada dal, isagoo muujiyay kalsoonida ay Dowladda Mareykanku ku qabto dadaalka Soomaaliya ee dhinaca amniga.
Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Jubbadda Hoose
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa saaka waaberigii fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbadda Hoose.
Howlgalka ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday godad ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Al-shabaab iyo horjoogayaal sar sare, kuwaas oo qorsheynayay falal amni darro iyo dhibaateyn shacabka ah.
Ciidamada ayaa ku guuleystay burburinta gawaari qaraxyo ah iyo godad ay gabbaad ka dhiganayeen.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa xaqiijiyay in weerarka uu ahaa mid qorsheysan isla markaana uu qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Al-shabaab iyo argagixisada guud ahaan deegaannada Jubaland.
Al-shabaab oo shan ruux ku toogatay fagaare ku yaala degmada Ceelbuur
kooxda Al-shabaab ayaa fagaare ku yaala degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ku toogtay ilaa shan nin oo dhallinyaro ahaa oo ay kooxdu ku eedeysay iney ahayeen jawaasiis la shaqeysay dowladda Fedaraalka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka.
Ragaan dhalinyarada ahaa ayaa fagaaraha lagu toogtay waxaa u soo daawasho tagay boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid dhamaan xaafadaha magaalada Ceelbuur, kuwaas oo ay kooxdu ku amartay iney u soo daawasho tagaan.
Maxkamada Al-shabaab ee degmada Ceelbuur ayaa fagaaraha ka sheegtay in ragaan ahaayeen jawaasiis la shaqeeya Sirdoonada dowladda Federaalka, Mareykanka iyo sidoo kale sirdoonada qaar ka mid ah maamul goboleedyada.
Shanta nin ee toogashada lagu dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Yuusuf Xuseen Maxamad (Abwaanka) oo da’diisu aheyd 36-jir, Cabdiwahaab Maxamad Axmad oo da’diisu tahay 25-jir, Gaabow Cali Faarax oo da’diisu tahay 28-jir, Mukhtaar Axmad Caliyow Garas, iyo Axmad Xassan Sheekh Xusseen Mad’aanoy (Toorrey) oo da’diisu tahay 42-jir.
Si kastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeysay oo kooxdu Al-shabaab ay xukun toogasho ah sidaan oo kale ah ugu fuliso dhalinyaro Soomaaliyeed oo ay ku eedeyneyso iney ahayeen Jaajuusiin la shaqeeyo dowladda Fedaraalka, dowladda Mareykanka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka.
Kulan Kaftan iyo xiiso leh oo dhexmaray Trump iyo gabadh wariye Afrikan ah "Waxad tahay qof qurux badan"
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa aad ula dhacay amaan ay usoo jeedisay gabadh wariye Afrikan ah oo ku bogaadisay dadaalka uu ka galay heshiis ay daraad gaadheen dalalka Rwanda DRC Congo.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si lama filaan ah u dhaliyay hadal hayn kadib markii uu amaan gaar ah u jeediyay weriye haween ah oo u dhalatay Afrika oo la yidha Hariana Veras, intii lagu guda jiray munaasabad rasmi ah oo lagu saxiixay heshiis nabadeed oo u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC) iyo Rwanda.
Munaasabaddan ayaa ka dhacday Aqalka Cad, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen madax sare oo ay kamid yihiin Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance, Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Marco Rubio, iyo wasiirada arrimaha dibadda ee labada dal ee Afrika, Therese Kayikwamba Wagner iyo Olivier Nduhungirehe.
Hariana Veras, oo ah wariye u shaqeysa Aqalka Cad kana timid Afrika, ayaa ka warbixisay xaaladda rajo ee ay ku aragtay gudaha dalka Congo kadib markii la shaaciyay heshiiska nabadeed. Waxay sheegtay in shacabka reer Congo ay muujiyeen farxad iyo rajo cusub oo ku aaddan mustaqbalkooda isla markaana ay ka mahadsheeganayeen Trump.
Waxa ay sidoo kale sheegtay in Madaxweynaha Congo, Felix Tshisekedi, uu doonayo in uu Trump u sharaxo abaalmarinta Nabadda Adduunka, taas oo uu Trump aad uga helay isagoo yidhi: "Si qurux badan ayaad u sheegtay, waana sax, waxaad sidoo kale tahay qof qurux badan.”
Trump oo sii wata hadalkiisa ayaa yidhi: "Maaha inaan sidaa dhaho, waxa laga yaaba in hadalkani uu galaafto mustaqbalkayga siyaasadeed, laakiin waan odhanaya, waadka qurux badan tahay gudaha iyo dibaddaba. Waxaan jeclaan in dhamaan wariyayaashu sidaada wada noqdaan.”
Inkastoo hadalkiisa uu ahaa "kaftan ah", isla markaana Trump uu kaftamo markasta, haddana waxa uu si weyn uga leexday wejiga rasmiga ah ee munaasabadda oo ahayd mid lagu xalinayay mid kamid ah dagaallada ugu mudada dheeraa ee Afrika.
Madaxweyne Trump ayaa kamid ah dadka ugu ashalay jecel, iyada oo marka la amaanayo uu dadka u dhag raariciyo oo uu si dhab ah u dhagaysto isaga oo ku raaxaysanaya, hadaba Trump ayaa intii lagu gudajiray munaasibada heshiiska hadiyad siiyay wariye Veras, isaga oo uga mahadceliyay ashalay ay usoo jeedisay.
Heshiiska dhemaray labada dal ayaa loo bixiyay magaca "Washington Accord”, balse Trump ayaa isaga oo kaftankiisa sii wata markale yidhi waxa fiicnaan lahayd in heshiiska loo bixiyo "Trump Accord” kadibna dadkii goobta joogay ayaa mar qudha qosol la dhacay.
Heshiiskan ayaa sidoo kale Mareykanka u ogolaanaya in uu maalgashado macdanta qaaliga ah ee Congo sida dahabka, lithium-ka, iyo naxaasta, kuwaas oo muhiim u ah warshadaha casriga ah, gaar ahaan kuwa tignoolajiyadda iyo tamarta nadiifta ah.
Trump ayaa ku faanay in mudadii gaabnayd ee uu xilka hayay uu ku guulaystay heshiisyo waa wayn oo nabadeed kuwaas oo uu dhexdhigay Hindiya iyo Pakistan, Israa'iil iyo Iran, iyo heshiiska daraad la saxeexay ee dhexmaray hadda DRC iyo Rwanda.
Wasiirka Haweenka Puntland: Markaan kiisaska kufsiga maxkamadda geyno, waxaan la kulannaa odayaal doonaya inay ku dhameeyaan heshiisa
Wasiirka Haweenka Puntland, Maryan Axmed Cali, ayaa muujisay walaac xooggan oo ku aaddan hirgelinta Xeerka Kufsiga Puntland, iyadoo sheegtay in odayaasha dhaqanku ay caqabad ku yihiin fulinta sharciga, maaddaama ay mararka qaar ka awood badan yihiin nidaamka dowladeed.
Wasiir Maryan, oo daraad hortagtay Baarlamaanka Puntland, ayaa tilshalayy in odayaasha dhaqanku ay si toos ah u hor istaagaan ciqaabta dambiilayaasha kufsiga geysta, iyagoo doorbidaya in kiisaska lagu dhameeyo hab dhaqameed.
Waxay ku eedeysay inay dhaqaale ka helaan heshiisyada la dhex dhigo qoysaska dhibbanayaasha iyo ehelada eedeysanayaasha.
"Tani waxay sababtay in kiisaska kufsigu si weyn ugu soo bataan Puntland, maaddaama dambiilayaashu ka badbaadaan ciqaabtii ay mudnaayeen,” ayay tiri Wasiirka. Waxay intaa ku dartay in qaar kamid ah eedeysanayaasha ay xabsiyada ka baxsadaan iyagoo sugaya in maxkamad la horkeeno.
"Markaan kiisaska maxkamadda geyno, waxaan la kulannaa odayaal doonaya inay ku dhameeyaan arrinta heshiis, waalidka gabadha oo leh waan is-afgarannay, sharcigii oo aan la fulinaynin, iyo gabadha la kufsaday oo dareemaysa cadaadis oo ka caga-jiidaysa inay qaadato garsoor rasmi ah,” ayay tiri Wasiirka.
Waxay codsi u dirtay Baarlamaanka, iyadoo ka dalbatay inay gacan ka geystaan dhaqan-galka xeerka kufsiga Puntland, oo dhigaya in qof kufsi geysta lagu xukumo xabsi ka badan 10 sano.
Dhinaca kale, Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Baarlamaanka Puntland ayaa dhowaan sheegay in sannadkan kaliya ay Puntland ka dhaceen ku dhowaad 60 kiis oo kufsi ah, kuwaas oo qaarkood ahaa kufsi iyo dil. Guddigu wuxuu sidoo kale shaaciyey in 17 kamid ah kiisaskaasi lagu dhameeyey hab dhaqameed kasoo horjeeda xeerarka Puntland iyo shareecada Islaamka.
Wiil Soomaali ah oo loo heystay inuu geystay dil gilgilay Britain oo loo masaafuriyay Soomaaliya
Hanad Xasan oo toorreey ku dilay wiil la oran jiray Kiyan Prince, waqooyi-galbeed UK ayaa loo masaafuriyay Soomaaliya sida uu qoray wargeyska The Irish Sun.
Hanad waxa uu Kiyan Prince ku dilay bannaanka iskuulkii ay dhiganayeen iyadoo lagu xukumay ugu yaraan 13 sano markaa kadibna la eegayo hab-dhaqankiisa xabsiga.
Maganglayo la siiyay sanadkii 2001-dii ayuu dalka ku joogay Hanad oo ka soo jeeda Soomaaliya. Balse shan sano kaddib waxa uu dilay Kiyan oo ka mid ahaa ciyaartoyda da'yada yar ee naadiga QPR. Ciyaartoyga oo xiligaas jiray 15 sano ayaa isku dayay in uu kala dhexgalo dagaal socday.
Hanad waxa uu jiray 17 sano, waxaa uuna Kiyan wadnaha ka geliyay tooreey bishii May sanadkii 2006-dii. Dilka oo ka dhacay xaafada Edgware oo ku taal Waqooyi Gableed London waxa uu noqday mid si weyn u gilgilay Britan.
Waxaa Hanad lagu xukumay 13 sano iyadoo sanadkii la soo dhaafay loo diiday in la sii daayo. Sababta loogu diiday in la sii daayo ayaa la sheegay in ay la xiriirto kaddib markii la ogaaday in uusan wax horumar weyn ah sameyn mudadii uu xirnaa iyadoo uu si aan qumaneyn ula dhaqmi jiray qaar ka mid ah shaqaalaha xabsiga.
Naadiga Queens Park Rangers oo magacooda loo soo gaabiyo QPR waxay u bixiyeen garoonkooda Kiyan Prince sanadkii 2019-kii kaddib markii taageerayaasha naadiga ay u codeeyeen balse saddex sano kaddib ayey dib ugu soo celiyeen magacoodii hore ee Loftus Road.
Sababaha keenay masaafurinta waxaa ka mid ah sida dilka u dhacay oo aheyd arrin murugo leh oo qof da' yar naftiisa ku waayay iyo horumarka yar uu sameeyay intii uu xabsiga ku jiray iyo cadeymaha kale ee la geliyay diwaankiisa. Guddiga sii deynta ayaan ku qancin in Hanad uu yahay qof ku haboon in bulshada uu dib ugu laabto.
Kaddib xariggiisa waxaa ka hadlay garsoore Judge Paul Worsley oo sheegay in ay tahay wax aad uu xun oo khalad ah in aad disho qof aan waxba kaa sameyn oo ahaa 15 jir ciyaal iskuul caan ahaa kaas oo ku yaqanay.
Sidee dilka u dhacay?
Marka dilka dhacayay Hanad Xasan waxaa uu jiray 17. Waxa uu Kiyan ku weeraray tooreey uu wadnaha ka geliyay kaddib markii Kiyan uu isku dayay in uu kala dhexgalo dagaal ka dhacay dugsiga London Academy School ee ku yaal xaafadda Edgware bishii May ee sanadkii 2006-dii.
Hanad ayaa oggolaaday in uu dilka geystay balse diiday in uu si ula kac ah u dilay, wuxuu ku dooday in ay aheyd dhacdo si kam ah ku timid. Labadii bishii July ayuu xukunkiisa dhacay. Maxkamadda waxa ay u sheegtay markaas in uu 13 sano falkaas u galo xabsi.
Inta badan marka qofka xabsiga dhameysto, dhaqankiisuna fiican yahay oo guddiga ku qancaan waa la sii daayaa. Haddii dhaqankiisa sidii hore uu u xun yahay waxaa dhacda in aan loo oggolaan qofkaas in uu ku laabto bulshada.
Hanad iyo Kiyan iskuulka ayey wada dhiganayeen balse hal sano ayuu Hanad ka sareeyay Kiyan. Si xoog leh ayuu u soo qabtay kaddibna waxa uu ula soo baxay middi uu ku tilmaamay in ay ay tahay mid yar oo lagu ciyaaro taas ayuuna kaddib wadnaha ka geliyay.
Sidoo kale waxaa maxkamadda laga sheegay in labo toddobaad ka hor markii uu falkaas geyestay uu gabar kale ugu hanjabay in uu mindi gelinayo kaddib markii labo koox oo iska horjeeda ay ku murmeen kuraasta baska.
Xigasho BBC
Muxuu yahay nidaamka PISCES ee Mareykanka ee lagu soo kordhiyey socdaalka Soomaaliya?
Hay'adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa hirgelisay hannaan cusub oo loo yaqaan PISCES, kaas oo ah nidaam casri ah oo ay mas'uuliyiinta hay'adda ku sheegeen inuu wax weyn ku soo kordhinayo horumarka socdaalka dalka.
Sida uu BBC-da u sheegay agaasimaha guud ee Haya'dda Socdaalka iyo Jinsiyadaaha Soomaaliya, Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, nidaamkan PISCES, oo ay isticmaalaan in ka badan labaatan dal ayaa Soomaaliya u sahlaya inay la jaanqaaddo nidaamyada caalamiga ee adduunka.
"Barnaamij wuxuu ka mid yahay dadaalo ay ka wadno haya'adda taas oo ugu talagalnay inaan dadka siino adeeg fiican há'yadduna la jaanqado adduunka intiisa kale"ayuu yiri Dhuxulow.
Hannaankan PISCES, ayaa baddelaya barnaamijkii horey ay hay'addu isticmaali jirtay.
Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo ka qayb galay kulanka lagu daahfurayey nidaanka PISCES, ayaa xusay in hannaankan uu sare u qaadayo awoodda dowladda ee la socodka dhaq-dhaqaaqa dadka, xakameynta tahriibka iyo dambiyada la xiriira, isla markaana uu kaalin mug leh ka qaadan doono sugidda amniga qaranka.
Yaa ka caawiyey nidaanka PISCES ee Soomaaliya?
Qoraalka sawirka,Agaasimaha guud ee Haya'dda Socdaalka iyo Jinsiyadaaha Soomaaliya, Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow
Dowladda Maraykanka ayaa ka gacan ka siiyey Soomaaliya hannaankan cusub ee PISCES, kaas oo ay sidoo kale tabarayaal ka socda Maraykanku ay Muqdisho ku tababareen saraakiil ka tirsan hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo ku shaqaynaya hannaankan cusub sida uu BBC-da u sheegay agaasime Dhuxulow.
Qalabka nidaamkan cusub ee PISCES, ayaa lagu rakibay Muqdisho kaas oo hadda looga shaqa bilaabay garoonka Aadan Cabduule ee magaalada Muqdisho.
"Barnaamijka waa la rakibay waa la tijaabiyey, waana lagu guuleystay, wuxuu u saamaxayaa Soomaaliya inay qayb ka tahay socdaalka adduunka, dadka soo galaya iyo dadka ka baxayana in Soomaaliya heli karto xogtooda, lana aamini karo haya'addeena Socdalka lana jaanqaadi karno hay'addaha socdaalka ee adduunka inteeda kale" ayuu yiri Mustaf Dhuxulow.
Agaasime Mustaf dhuxulow, wuxuu sheegay inay wadashaqayn yeellan doonaan dowladaha ku jira hannaanka PISCES, iyo booliska caalamiga ee Interpol taas u ogolaanaysa inaysan Soomaaliya noqon meel halaq mareena.
"Waxaa si horumarsan u ogaan karaynaa cidkasta, waxaana adkaan doonto in dalka Soomaaliya ay ku dhuumaaleystaan dadka Al-qaacidada ah, ama alshabaab ah ama xagjirka ah ama dadka dambiyada adduunka ka soo galay, waxaanana nalaga aamini doonnaa adduunyada , garoomada Soomaaliya uu ugu horreeyo kan Muqdishana dadka ka duulana waxaa la ogaan doonaa inay yihiin dad soo maray nidaamka, qalabyo farabadan ayaa lagu soo kordhiyey oo lagu ogaan karo, iska daa Soomaaliyee kaliye dadka dambiyada adduunka ka galay ayaa halkan lagala socon karaa,"ayuu BBC-da u sheegey agaasime Mustaf Dhexe.
Dhuxulow, waxaa uu xusay in dhawaan si weyn loogu eedeyey sida dukumentiyada ay ku bixiyaan Basaboorka, balse ay hadda billaabeen wadashaqaynta hay'adda NIRA, iyo CID-da.
Isagoo sharaxay isbaddelo lagu sameeyey qaabkii hore ee lagu qaadan jiray Basaboorka ayuu xusay Dhuxulow, in hadda la joojiyey badddelka da'da ama magacoodii hore.
"Qofku wuxuu noqon karaa qof dambi soo galay, qof deyn ka soo qaatay Bankiyo oo lacag fara badan lagu leeyahay qof wuxuu noqon karaa dal intuu ka soo guuray mid kale u guuraya ma rabno in hay'addaha socdaalka adduunka in qofka Soomaaliya tagan yahay im maalin walba la joojiyo oo xog cusub lagu helo, waxaana hubin doonaa in xogta ay haystaan ay tahay mid sharaci taas ayaana lagu aamini karaa baasaboorkeena"ayuu yiri Musftaf.
Muxuu yahay nidaamka PISCES?
Nidmaanka PISCES, waxaa bilowday wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka waaxdeeda Ka Hortagga Argagixisada sanadkii 1997-dii . Ujeedada mashruucan ayaa ahayd in dalalka la siiyo nidaam kombiyuutar ah oo casri ah si ay u horumariyaan awooddooda la socodka dadka laga shakiyo – gaar ahaan kuwa argagixisada lala xiriiriyo – iyo fududeynta habka socdaalka iyo soo gelidda dalka.
Dowladaha shisheeye ayaa loo xilsaaray inay isticmaalaan nidaamka si ay u sameeyaan liisaska dadka laga shakiyo, ulana wadaagaan xogtaas Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.
Xogta ay la socdaan waxaa ka mid ah sawirrada wejiga, faraha, iyo macluumaadka shakhsiyadeed ee dadka u socdaalaya Mareykanka kana soo baxaya dalal "khatar sare leh".
PISCES, ayaa ka kooban qalabyo kala duwan sida Kamarado, barayaal baasaboorda ah kuwaas oo bixiya tababaro, rakibaad iyo taageero farsamo intaba.
Xarumaha socdaalka, booliska, iyo hay'adaha sirdoonka ee dalalka ka qeybgalaya nidaamkan ayaa si toos ah uga heli kara xogta laga aruuriyay xarumaha socdaalka iyadoo loo marayo wide area network (WAN).
Sanadkii 2007-dii ayaa nidaamka lagu kordhiyey kartida ogaanshaha dukumentiyada been abuurka ah, baadhitaanka biyomeetrikada (faraha ) iyo hagaajinta habka raadinta magacyada.
Sidaas oo kale sanadkii 2010-2011ayaa hannaanka laga qayb galiyey dalal Maraykanku arko kuwa khatar sare oo ammaan leh sida dalalka Ciraaq, Afganistan iyo Pakistan.
Xigasho BBC
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 30-06-25
........