
Liiska Golaha cusub ee Baarlamanka Hirshabelle oo la shaaciyey
.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah, 19-ka Oktoobar 2026, shaaciyay liiska xubnaha ku guulaystay kuraasta Golaha Wakiillada ee dowlad-goboleedka Hirshabeelle.
Guddigu wuxuu sheegay in shaacinta liiska xubnaha la doortay ay waafaqsan tahay qodobbada sharciga doorashooyinka qaranka iyo sharciga lagu dhisay guddiga.
Doorashada Golaha Wakiillada Hirshabeelle ayaa la qabtay 3-dii Sebtembar 2026, waxaana natiijada xubnaha ku guulaystay kuraasta lagu soo bandhigay warbixinta guddiga.
Guddigu wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in natiijada doorashada ay ansixisay Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka hor inta aan si rasmi ah loo shaacin liiska xubnaha cusub.
HOOS KA DAALACO MAGACYADA

XIGASHO:-ALLBANAADIR .ORG


0 


Liiska Golaha cusub ee Baarlamanka Hirshabelle oo la shaaciyey
.