
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 29-06-25
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA SULDAAN CABDIQAADIR XAAJI MAXAMUUD
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee, Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo ahaa Madaxweyne Ku-xigeenkii 2-aad ee Dowlad-goboleedka Jubbaland.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu door ka soo qaatay nabadeynta, mideynta iyo dowlad dhiska, isagoo si gaar ah ugu tacsiyeeyey ehelka, qaraabada iyo bulshada Jubbaland ee uu ka baxay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdows, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirweynaha 3-aad ee anshaxa garaadka macmalka ah
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Axmed Cusmaan Diiriye, ayaa ka qayb galay Shirweynaha 3-aad ee Anshaxa Garaadka Macmalka (Global Forum on the Ethics of AI) oo lagu qabtay Bangkok, Thailand.
Mudane Axmed ayaa ka qayb galay doodo kala duwan oo lagu soo bandhigay madasha waxaana qeyb ka ahaa "Ministerial Dialogue on International Cooperation on AI”, taasoo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 20 wasiir oo ka kala yimid dalal kala duwan. Dooddaas waxa si gaar ah diiradda loogu saaray iskaashiga caalamiga ah ee lagu hagaajinayo maamulka iyo anshaxa teknoolajiyadda Garaadka Macmalka ah (AI).
Wasiiru dowlaha oo khudbad ka jeediyey shirka ayaa xusay:
– In Soomaaliya ay ku jirto marxalad muhiim ah oo la xiriirta isbeddelka dhijitaalka ah, iyadoo ay diyaarisay istiraatiijiyad qaran oo u dhaxaysa 2025–2029.
– In ay socdaan sharciyo muhiim ah oo dhanka tiknoolajiyadda ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xeerka Dhowrista Xogta, Xeerka E-Transaction-ka iyo Xeerka Amniga Se
saybar-ka.
– Iyo In dalka uu bilaabay dhismaha xafiis u gaar ah oo u xil saaran arrimaha la xiriira AI, si loo helo siyaasad sugan oo waafaqsan horumarka dunida.
Dhanka kale, Wasiir Axmed ayaa ka qayb galay dood dheer oo lagu falanqeeyey habka ugu habboon ee dalalku u sameyn karaan qiimeyn ku saabsan heerka isticmaalka AI-da, iyagoo raacaya habraaca ay dejisay UNESCO.
Wasiiru dowlaha wasaaradda ayaa ka mahad celiyey in Soomaaliya ay ka mid noqotay waddamada cusub ee la siiyey fursad lagu cabbiro heerka ay ka taagan tahay diyaar-garowga maamulka ee la xiriira Garaadka Macmalka ah (Artificial Intelligence).
Shirka wuxuu fursad weyn u ahaa Soomaaliya, si ay u xoojiso xiriirka caalamiga ah, u hesho taageero farsamo, una qayb qaadato go’aanada caalamiga ah ee la xiriira mustaqbalka tiknoolajiyadda Garaadka Macmalka ah.
Degmda Shibis oo ku guuleysatay tartanka kubadda Koleyga ee Gobolka Banaadir
Tartanka Kubadda Koleyga ee Degmooyinka Gobolka Banaadir oo dhowaanahaan si habsami leh uga socday magaalada Muqdisho ayaa daraad lagu soo gabagabeeyay Caasimdda iyadoona Shibis ay Koobka la hoyotay.
Kulankii finaalaha waxaa iskugu soo haray labada Xul ee Kolayga ee Degmooyinka kala ah Shibis iyo Hodan kuwaasi oo soo bandhigay Ciyaar aad usoo jiidatay Bulshada u daawasho tagtay tartankaan.
Ciyaarta oo guusha ay raacday Xulka Kubadda Koleyga ee Degmada Shibis ayaa la timid 62 Gool halka dhigeedi Hodan ay la timaaday 54 Gool, sidaasna ay guusha iyo Koobkaba ay ku hanatay Degmada Shibis.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Koobka Kubadda Koleyga ee Degmooyinka Gobolka Banaadir guddoonsiiyay Naadiga Kubadda Koleyga ee Degmada Shibis.
Duqa Muqdisho ayaa ugu hambalyeeyay Naadiga Kubadda Koleyga Degmada Shibis guusha ay ka gaareen Tartanka, waxaana uu tilmaamay in Maamulkiisa uu door weyn siin doono kor u qaadista tartamada qeybaheedi kala duwan oo lagu xoojinayo is dhexgalka Bulshada caasimadda ku dhaqan.
Ciyaartii daraad Waxaa u daawasha tagay taageerayaal badan oo labada degmo kala taageerayay, Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiiro, Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Agasimeyaal, Gudoomiyeyaal Degmo.
Dowladdaha Soomaaliya iyo Algeria oo iska kaashanaya horumarinta amniga Bulshada
Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha iyo Amniga Bulshada Algeria Faysal Bentaleb, ayaa magaalada Algiers ku qaabilay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Yuusuf Maxamed Aadam, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay isla wasaaraddaasi.
Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku faahfaahisay in kulankaasi uu ahaa fursad laisku dhaafsanaayay aragtiyo la xiriira sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada shaqada, iyo amniga bulshada, iyo sidii loo horumarin lahaa siyaasado bulsho oo gacan ka geysanaya taageeridda dadaallada horumarineed iyo horumarinta caddaaladda bulshada ee labada dal.
Wasiir Bentaleb wuxuu sheegay in Dowladiisa ay waayo aragnimo buuxa u leedahay amniga bulshada gaar ahaan marka la eego ballaarinta caymiska bulshada ee qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan qoysaska nugul.
Waxa uu tilmaamay in Algeria ay diyaar u tahay in Soomaaliya ay la wadaagto waayo-aragnimadeeda dhinaca ilaalinta bulshada iyo horumarinta nidaamka shaqo ee ku dhisan midnimada Carabta si loogu adeego rabitaanka labada dal iyo dadka walaalaha ah.
Dhankiisa, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Soomaaliya ayaa muujiyay sida weyn ee dalkiisu u xiiseeneyso waayo aragnimada Aljeeriya ee dhinacyada ilaalinta bulshada iyo shaqada iyo sida uu u doonayo in uu uga faa’iidaysto khibradda Aljeeriya ee arrimahan.
Labada dhinac ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan caqabadaha bulsho gaar ahaan marka la eego isbeddellada dhaqaale iyo bulsho ee ka dhacaya gobolka, iyaga oo xoogga saaraya muhiimadda iskaashiga Carabta iyo isdhaafsiga khibradaha guuleysta," sida lagu sheegay isla bayaankan.
Guddiga qaban qaabada maalmaha xoriyadda oo kormeeray Taliska Booliiska
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh oo ay wehliyaan Xubnaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda ayaa kormeeray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku jira diyaargarowga ugu dambeeyay ee Munaasabadda Koowda Luulyo halkaas oo ay ka samayn doonaan bandhig iyo gaardi ka cayaar.
Wasiir Cali Xoosh ayaa u mahadceliyay Taliyaha Booliska Jenaraal Asad Diyaano, Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada iyo Qaybaha kala duwan ee Booliska Soomaaliyeed dedaalladooda ku aaddan sugidda amniga iyo ka qaybgalka Maalmaha Xorriyadda.
Maxaabiis Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo qarka u saaran in lagu fuliyo xukun dil ah gudaha Sacuudiga
56 maxbuus oo kasoo jeeda Soomaaliya iyo Itoobiya, kuna xiran xabsiga Najiraan ee dalka Sacuudiga, ayaa la sheegay in dilkooda uu dhici karo "maalin kasta," sida ay warbaahinta Middle East ku warrantay. Maxaabiistan ayaa lagu helay dambiyo la xiriira ka ganacsiga mukhaadaraadka, kuwaas oo ah dambiyo ciqaabtoodu tahay dil.
Liis ay heshay MEE ayaa muujinaya in 43 Itoobiyaan ah iyo 13 Soomaali ah ay sugayaan fulinta
xukunka dilka ah, halka ugu yaraan lix qof la dilay bishii lasoo dhaafay.
Wararka ayaa sheegaya in maxaabiista loo sheegay inay is macsalaameeyaan, taas oo muujinaysa in dilalku si rasmi ah u billowdeen kadib ciidda Carafo.
Tirakoobka hay’adda Amnesty International wuxuu muujinayaa in ugu yaraan 52 qof lagu dilay Sacuudiga intii u dhaxaysay Janaayo ilaa Abriil 2025, kuwaas oo dhammaantoodna la xiriirinayay mukhaadaraad.
Warbixintu waxay xustay in dad badan lagu xukumay dil iyadoo lagu eedeeyay inay wadeen ama la haayeen daroogo sida Xashiish.
Waxaa kaloo jira eedeymo ah in maxaabiis badan aysan helin qareenno, turjubaano, ama caddayn sax ah oo lagu xukumo, iyadoo lagu qasbo inay saxiixaan qirashooyin aan la fahmin.
Mid kamid ah maxaabiista, Khalid Maxamed Ibraahim oo Soomaali ah, ayaa wajahaya dil, waxaana walaalkiis sheegay in Khalid uu ahaa muwaadin dhibaatooyin siyaasadeed iyo shaqo la’aan darteed uga baxay Itoobiya isagoo rajo ka qabay nolol wanaagsan, balse xabsiga la dhigay tan iyo 2018.
Wuxuu dil ku mutaystay kaddib markii uu rumaystay talo uu ka helay askari xuduudda ka howlgalla, kaasoo u sheegay inuu sheegto inuu yahay tahriibiye daroogo si loo sii daayo.
Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee Jubbaland oo ku geeriyooday dalka Kenya
Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee maamulka Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere ayaa shalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.
Allah u naxariistee Marxuumka ayaa la sheegay in maalmahii lasoo dhaafay xaaladiisa Caafimaad lagula tacaalayay Isbitaal ku yaala magaalada Nairobi oo uu ugu dambeyn shalay ku geeriyooday.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa uga tacsiyadeeyay Shacabka Jubbaland iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed geerida ku timid madaxweyne ku xigeenkiisii labaad Marxmuum Cabdiqaadir Lugadheere.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sidoo kale xusay inuu marxuumka ahaa shaqsi door weyn kasoo qaatay dadaaladii dib u heshiisiineed ee Jubbaland iyo horumarka bulshada ku nool deegaanadaas.
"Marxuumku wuxuu ahaa halyey kaalin muuqata ka qaatay dadaalladii dib u heshiisiinta Jubaland, isagoo noloshiisa inta badan u huray midnimada, wadajirka, iyo horumarka bulshada" ayuu yiri madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe.
Ugu dambeyntii madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in marxuumka uu ahaa shaqsi ay ka go’aneyd xal u helida dhibaatooyinka ka taagan Jubbaland iyo sidii la isugu keeni lahaa bulshada Jubbaland.
Taliyaha Ciidamada Dhulka ee Uganda oo booqasho ku tagay saldhigyada Ciidamada Uganda ee Gobolka Shabeellaha Hoose
Taliyaha Ciidamada Dhulka ee dalka Uganda General Kayanja Muhanga ayaa dhawaan booqasho uu ku yimid Soomaaliya ku booqday saldhigyada ciidamada Uganda ee Shabeellaha Hoose si uu ugu kuur galo xaalada jiidaha hore ee dagaalka gaar ahaan deegaanada Sabiid iyo Caanoole.
Booqashadan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo ay socdaan dadaallo lagula dagaalamayo Al-Shabaab iyo sidii ciidamada xoogga dalka Soomaaliya looga taageeri lahaa howlgallada ay wadaan.
Jeneraal Muhanga ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa waxa uu la kulmay saraakiisha ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya laga wado, waxaana uu bogaadiyay dagaalka ay Ciidamadiisa kula jiraan Al shabaab.
Waxa uu tilmaamay in muhiimad gaar ah ay u leedahay Ciidamada Uganda iyo kuwa Soomaaliya degaanka Sabiid iyo Canoole oo ah goob istiraatijiyadeed oo ay Kooxda Al shabaab weeraro kasoo abaabuli jireen.
Ciidamada Uganda ayaa la kulmay caqabado waaweyn, iyadoo la sheegay in 7 askari looga dilay dagaal xooggan oo dhawaan ka dhacay agagaarka Sabiid iyo Caanoole.
Khasaarahan soo gaaray ayaa la sheegay in uu muujinayo qatarta ay la kulmayaan ciidamada ku jira howlgallada la dagaalanka Kooxaha Argagexisada.
General Muhanga ayaa bogaadiyay geesinimada iyo dadaalka ay muujiyeen ciidamada Uganda, isagoo carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la xoojiyo dadaalada lagu xasilinayo gobolada laga saaray Al shabaab, Hadalkiisa ayaa la sheegay inuu ka tarjumayo sida ay uga go’an tahay in la ilaaliyo guulihii adkaa ee la gaaray iyo in la soo celiyo amniga si bulshada ula kulmin dhibaato.
Uganda waxa ay si firfircoon uga qaybqaadatay hawlgallada milatari ee Soomaaliya tan iyo 2007, iyada oo door muhiim ah ka ciyaartay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, Wadashaqeynta joogtada ah ee ay la leeyihiin ciidamada Soomaaliya ayaa la sheegay in ay muujineyso muhiimadda iskaashiga gobolka ee wax ka qabashada caqabadaha amni ee Geeska Afrika.
Dagaal khasaare geystay oo Caabudwaaq ku dhexmaray Booliiska degmadaas iyo Maleeshiyaad hubeysan
Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo shalay ka dhacay Saldhiga magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaray ciidanka Booliiska degmadaas iyo maleeshiyaad hubeysan.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyaadka hubeysan ay weerar ku qaadeen Saldhiga Booliiska degmadaas, waxaana lasoo wariyay in dagaalka uu sababay dhimasho iyo dhawawac kala gaaray labada dhinac.
Dagaalkaan ayaa la sheegay inuu yahay mid salka ku haya muran la xiriira dhismaha saldhiga Booliska degmadaas oo maalmahi dambe uu khilaaf aad u xoogan ka taagnaa.
"Maleeshiyaad hubeysan waxay ka soo horjeedaan in dhismaha Albaabka Saldhiga laga soo wareejiyo halkiisi hore loona soo wareejiyo dhinaca kale oo ay ku yaalaan hotelo iyo goobo ganacsi oo laga cabsi qabo inuu saameyn ku yeesho saldhiga oo waxa jirtay in labadii bil ee u dambeysay xiisadaan soo taagneyd" ayuu yiri qof ka mid ah dadka ku nool degmada Caabudwaaq.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalka shalay ay ku dhinteen ilaa 3 sadax ruux oo isugu jira jira dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah, waxaana wali gudaha magaalada laga dareemaya xiisada dagaalka oo mar waliba la filan karo inuu dib u qarxo.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka degmada Caabudwaaq iyo laamaha amaanka degmadaas oo ku aadan dagaalka shalay ka dhacay gudaha magaaladaas iyo khasaaraha ka dhashay.
Madaxweynaha Somaliland oo saaka u safray dalka Boqortooyada Qatar
Madaxweynaha Somaliland, abdiraxman Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa saaka safar ugu baxay dalka Boqortooyada Qatar, waxana u noqonaya madaxwenihi ugu horreeyay ee Somaliland ee dalkaas booqda.
Ilaa hadda, madaxtooyada Somaliland kamay hadal safarkan, mana cadda ujeedada rasmiga ah ee safarka, hase yeeshee waxa la filayaa inuu la xidhiidho arimo dhaqale, maadama madaxwenuhu mudooyinkii u dambeeyay ka raadinayay waddamada Carabta fursado maalgashi.
Safarka waxa ku weheliya Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Diinta iyo Awqafta io Lataliyaha Gaarka ah ee Arrimaha Dhaqaalaha.
Safarkani waxa uu ku yimi si lama filaan ah, maadaama aanu hore u jirin xidhiidh rasmi ah oo ka dhaxeeyay Somaliland iyo Qatar, oo ka mid ah saaxiibada dhow ee Soomaaliya ku leedahay waddamada Khaliijka.
Waxa la xasuustaa in Somaliland ay sanadkii 2017 la safatay waddamada Imaaraatka Carabta iyo Boqortooyada Sacuudiga, xilligaas oo ay dalalkaasi cunaqabatayn siyaasadeed iyo dhaqaale kusoo rogeen dalka Qatar.
Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo markaa safar ku joogay Imaaraatka Carabta, ayaa shir jaraa'id ku sheegay in Somaliland ay garab taagan tahay Imaaraatka, isla markaana ay taageersan tahay cunaqabataynta lagu soo rogay Qatar, oo lagu eedeeyay inay maalgeliso argagixisada.
Qatar ayaa ka mid ah dowladaha xidhiidhka dhow la leh Soomaaliya, arrintaasina oo laga yaabo inay adkayso in Dooxa iyo Hargeysa yeeshaan xidhiidh diblumaasiyadeed oo rasmi ah ama ay is-weydaarsadaan xafiisyo matalaadeed.
Haddaba, waxa la sugayaa sida loo qaabilo Madaxweynaha Somaliland iyo natiijooyinka kasoo baxa safarka uu ku tegay Qatar, oo ah dal aan hore xidhiidh ula lahayn Somaliland.
Dalka Pakistan oo ku jira xaalad murugo ah kadib daad qaaday qoys dalxiis ahaa oo ka koobnaa 18 qof
Ugu yaraan 32 qof, oo ay ku jiraan 16 carruur ah, ayaa ku dhintay daadad ka dhashay roobab culus oo ka da’ay gudaha Pakistan 36-kii saac ee ugu dambeeyay.
Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa 18 qof oo isku qoys ahaa, kuwaas oo dalxiis uga yimid gobolka Punjab. Qoyskaasi ayaa ku go’doomay biyaha webiga Swat ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa, kadib markii daadad degdeg ah ku dhufteen goobtii ay dalxiiska u joogeen.
Muuqaallo laga duubay qoyska oo ku xayirmay dhul yar oo ay biyuhu go’doomiyeen, una muuqday kuwo naawilaya badbaado, ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada. Taas oo dhalisay cadho xooggan oo lagaga soo horjeedo maamulka gobolka oo lagu eedeeyay in uu ka daahay gurmadkooda.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in qoyskaasi uu in ka badan saacad ku sugnaa goob halis ah oo uu daadku si tartiib tartiib ah ugu soo korayay, iyadoo aanu jirin wax gurmad ah oo la soo gaadhsiiyay waqtigaas. Qoyska ayaa la sheegay inay u joogeen goobta si ay u quraacdaan, carruurta qaarna ay sawirro ka qaadanayeen meel u dhow webiga, taas oo sababtay in waalidiintu ay biyaha u galaan si ay carruurta u badbaadiyaan.
Sheekh Waqas Akram, xoghayaha warfaafinta xisbiga PTI ee uu horay u hoggaamin jiray ra’iisul wasaarihii hore ee Imran Khan, ayaa sheegay in afar mas’uul oo sare oo ka tirsan maamulka Swat iyo waaxyaha gurmadka degdegga ah shaqada laga joojiyay.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Wasiirka Kowaad ee gobolka, Ali Amin Gandapur, uu amar ku bixiyay in baadhitaan degdeg ah la sameeyo, iyadoo la sugayo warbixin toddobaad gudihiis. "Gobolku wuxuu qabtay kulan ku saabsan daadadka degdegga ah 21-kii Juun,” ayuu Akram u sheegay wargeyska The Guardian. "Digniino ayaan soo saarnay, kadibna waxaan ku shaacinay masaajidda si dadka loo wargeliyo, loogana digtoonaado u dhawaanshaha webiga.” Wuxuu intaas ku daray in ugu yaraan 71 qof lagu dacweeyay kadib markii ay jabiyeen digniintii dowladda.
Akram ayaa sheegay in 17 qof ay daadadku ku qaadeen gudaha webiga Swat, iyadoo la helay maydadka 12 xubnood oo ka tirsan qoyska, midna weli la la’yahay. Afar qof ayaa la badbaadiyay, halka saddex kalena ay weli maqan yihiin, waxaana socda dadaallo gurmad oo ay wadaan hay’adaha dowladda.
Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Gobolka (PDMA) ayaa kadib soo saartay digniin cusub, iyadoo sheegtay in heerka daadadka ay sare u kaceen, shacabkana laga rabo feejignaan dheeraad ah.
Waxaa xusid mudan in Pakistan, oo ay ku nool yihiin 240 milyan oo qof, ay ka mid tahay dalalka ugu nugul saameynta isbeddelka cimilada. Daadadkii roobabkii 2022 ayaa sababay dhimashada in ka badan 1,700 qof, iyagoo si toos ah u saameeyay in ka badan 33 milyan oo qof.
Dhacdadan murugada leh ayaa dhalisay dood xooggan oo ku saabsan kaalinta dowladaha hoose iyo maamulka gobollada ee ka hortagga masiibooyinka, wacyigelinta dalxiisayaasha, iyadoo sidoo kale loo jeediyay eedeymo musuqmasuq iyo karti-darro hay’adaha dowladda.
Wasiiraddii hore ee isbeddelka cimilada Pakistan, Sherry Rehman, ayaa si adag u dhaliishay dowladda, iyadoo sheegtay in aysan jirin abaabul wanagsan o lagu wajahayo musiiboyinka cimilada. Waxay tidhi: "Dowladdu waxay dayacday adeegyada. PDMA waxay ahayd inay adeegsato helikobtar si ay u badbaadiso qoyska biyuhu go’domiyeen. Waa gaf weyn in aysan taas samayn."
Dadka baraha bulshada isticmaala ayaa si kulul u canbaareeyay dowladda, iyagoo sheegay in qoyskaasi saacad ka badan sugayay gurmad, balse aanay jirin cid u timid.
Donald Trump oo sheegay inuu mar kale weerari doono Iran, hadii ay dib u bilowdo barnaamijka nukliyeerka
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa si adag u weeraray Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Cali Khumayni, isagoo shaaciyay inuu ka laabtay qorshihii uu ku doonayay in lagaga qaado cunaqabataynta saaran Iran.
Trump ayaa sidoo kale sheegay in aanu meesha ka saarin suurtagalnimada in mar kale la duqeeyo xarumaha nukliyeerka ee Iran, haddii la ogaado in Tehran ay dib u billowday bacriminta yuuraaniyamta.
Trump ayaa hadalkan jeediyay kadib markii Khumayni uu markii ugu horreysay ka hadlay dagaalkii 12-ka maalmood socday ee Iran iyo Israa’iil, kaasoo Mareykanku si toos ah uga qaybqaatay isaga oo weerar ku qaaday xarumaha nukliyeerka Iran toddobaadkii hore. Khumayni ayaa sheegay in Iran ay Maraykanka digniin u dirtay kadib weerarkii ay ku qaaday saldhig weyn oo Mareykanku ku leeyahay dalka Qatar, isagoo ku adkaystay in Iran ayna marnaba is dhiibi doonin.
Trump oo qoraal soo dhigay baraha bulshada ayaa sheegay inuu ogaa meesha uu Khumayni ku dhuumanayo balse uu isagu diiday in la dilo. Wuxuu intaa ku daray: "Waddankiisa waa la burburiyay, saddexdii goobood ee nukliyeerka ahaa waa la tirtiyay, waxaanan si fiican u ogaa meesha uu ku sugnaa. Waxaan diiday in Israa'iil ama ciidamada Mareykanka oo ah kuwa ugu awoodda badan dunidu ay ka takhalusaan noloshiisa.”
Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu ka badbaadiyay Khumayni "nabad xumo iyo geeri ceeb ah,” isagoo muujiyay in talaabadaas ay ahayd mid uu si gaar ah isagu u go’aansaday.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, ayaa sheegay in haddii Mareykanka ay dhab ka tahay inuu heshiis la gaadho Iran, uu joojinayo hadallada af-lagaadada ah ee ka dhanka ah Khumayni.
"Haddii Madaxweyne Trump uu si dhab ah u doonayo heshiis, waa inuu ka tago hadallada aan la aqbali karin ee ku wajahan Hogaamiyaha Sare ee Khumayni, kana daayo dhaawaca dareenka malaayiin taageerayaashiisa ah,” ayuu yidhi Araqchi.
Trump ayaa sidoo kale sheegay in uu maalmo u shaqaynayay sidii Iran looga qaadi lahaa cunaqabataynta si fursad dib u kabasho dhaqaale loo siiyo, balse uu ka noqday dadaalkaas kadib hadalladii kasoo yeedhay Khumayni. "Waxaan kala kulmay weedho naceyb iyo cadho wata, markaas ayaan si degdeg ah uga tanaasulay qorshihii cunaqabatayn ka qaadista,” ayuu yidhi Trump oo warbaahinta kula hadlay Aqalka Cad.
Markii la weydiiyay suurtagalnimada weerar dambe oo Mareykanku ku qaado xarumaha nukliyeerka Iran, Trump ayaa ku jawaabay: "Haa, shaki la’aan, dhab ahaan waan sameyn karnaa.” Wuxuu sidoo kale dalbaday in la ogolaado kormeerayaasha IAEA (Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka) ama hay’ad kale oo madax bannaan si loo hubiyo baaxadda burburka weeraradii uu Iran ku qaaday ay gaadhsiiyeen xarumaha nukliyeerka. Hase yeeshee, Iran ayaa toddobaadkan dhaqangalisay sharci cusub oo joojinaya kormeerka IAEA, halka Wasiir Araqchi uu sheegay in Iran laga yaabo inay gabi ahaanba diido dalab kasta oo kormeer cusub ah.
In kasta oo xaaladdu cakiran tahay, Trump ayaa sheegay in Iran wali xiisaynayso in wada-hadallo lala yeesho mustaqbalka. Aqalka Cad ayaa dhankooda sheegay in wali aan la qorshayn kulan rasmi ah oo dhex mara Mareykanka iyo wafdi ka socda Iran.
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo la wareegay tuulooyin hoostaga Xawaadley
Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhaxe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo ku dadka deegaanka ay aroornimadii hore ee shalay si buuxdo ula wareegeen tuulooyinka Bacaadley iyo boodaale oo ka tirsan gobolkaas.
Ciidamada is kaashanaya ayaa weerar qorsheysnaa ku qaaday tuulooyinkaan oo dhacda jiinka
Wabiga Shabeelle, islamarkaana ka mid ah tuulooyinka muhiimka ah ee hoostaga deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo haatan gacanta ku hayaan Al-shabaab.
Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac, hayeshee wali si rasmi ah looma oga inta uu dhan yahay khasaaraha dhabta ah.
Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in howlgalka shalay kula wareegeen tuulada Bacaadley iyo Boodaale iney jab xoogan ku gaarsiiyeen kooxda.
Howlgalkaan shalay aroortii hore ka dhacay tuulada Bacaadleey iyo Boodaale ayaa kusoo aadaya, iyadoo todobaadyadii lasoo dhaafay maleeshiyaadka Al-shabaab ay si aad u soo buux dhaafiyeen deegaano badan oo hoostaga degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.
Hawlgalka AUSSOM oo Si Rasmi ah u Bilaabaya Shaqadiisa 1-da Luulyo
Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si rasmi ah u bilaabaya howlgaladiisa 1-da Luulyo 2025, isaga oo si buuxda ula wareegaya mas’uuliyadda amniga ee uu wareejinayo hawlgalka ATMIS.
AUSSOM ayaa la aasaasay 1-da Janaayo 2025, waxaana oggolaaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo lagu waddo in howlgalka uu yeesho illaa 12,000 oo askari oo isugu jira ciidamo milatari iyo 680 boolis.
Qorshuhu waa in tiradaas si tartiib tartiib ah loo dhimo dhamaadka sanadka 2025. Si kastaba ha ahaatee, AUSSOM waxa uu wajahayaa caqabado dhanka dhaqaalaha ah, isagoo u baahnaa $90.4 milyan intii u dhaxeysay Janaayo ilaa Juun 2025, balse la helay kaliya $16.7 milyan – taasoo keenaysa in la waayo lacag dhan $73.7 milyan.
Si loo helo dhaqaale joogto ah, Qaramada Midoobay ayaa oggolaatay hannaan maalgelin isku dhaf ah oo u oggolaanaya in ilaa 75% miisaaniyadda sanadlaha ah ee AUSSOM laga bixiyo qoondada UN-ka laga bilaabo 1-da Luulyo 2025.
Ka hor bilaabashada rasmiga ah ee howlgalka AUSSOM, ciidamada AUSSOM iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed (SNAF) ayaa dib u qabsaday tuulooyin istiraatiiji ah oo ay Al-Shabaab horey u maamulaysay. Hawlgal wadajir ah oo socday saddex maalmood bishii Juun, oo lagu magacaabo "Silent Storm", ayaa lagu xoreeyay tuulooyinka Anole iyo Sabiid.
Bayaanka kasoo baxay AUSSOM ayaa lagu sheegay in ujeeddada hawlgalkaasi ahayd "in laga xoreeyo meelaha ay gacanta ku hayaan kooxaha argagixisada.
Sarreeye Guuto Joseph Ssemwanga, oo ah taliyaha Qeybta Koowaad, ayaa sheegay in Sabiid iyo Anole ay noqdeen goobo istiraatiiji ah tan iyo bishii Maarso, halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay ka abaabusho weerarro halis ah, ku kaydiso hub iyo gaadiid qaraxyo laga buuxiyay, sidoo kalena ay ka sameysteen baro kontaroolo sharci darro ah.
Turkiga oo sheegay in ay lagama maarmaan tahay in Mareykanka iyo Iran ay heshiis gaaraan
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan ayaa sheegay in baahi loo qabo in Iran iyo Mareykanka ay gaaraan heshiis lagaga gudbayo khilaafka u dhaxeeya ee salka ku haya sameysashada Iran ee nuclear-ka.
Wada hadalada labada dal ay ka lahaayeen barnaamijka nuclear-ka ee Iran ayaa istaagay, ka dib weerarkii Israel ay 13-kii bishan ku beegsatay goobaha nuclear-ka iyo xarumaha militariga ee dalkaasi, tallaabadaas militari oo soo dedejisay in dagaal aan lagu talagelin uu ka dhex qarxo Iran iyo Israel.
Israel ayaa weerarkaasi qaadday 48 saac ka hor, xilliga lagu waday in Washington iyo Tehran ay wareegga lixaad ee wada hadaladooda ku yeeshaan dalka Cumaan. Iran oo ka dhiidhisay weerarkaasi iyo taageerada Mareykanka ee Israel ayaa iska diiday in ay sii waddo wada hadaladii iyaga iyo Mareykanka u bilowday bishii April.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa Jimcihii sheegay in labadan dal ay tahay in uu heshiis dhex maro, maadaama labaduba ay leeyihiin sida uu yiri rabitaan ah in ay galaan wada hadal, iyadoo laga gudbayo duulaankii cirka ee sii huriyay xiisadda gobolka iyo khilaafka dalalkaasi.
Wasiirka ayaa sheegay in maslaxada Bariga Dhexe ay ku jirto in aanu ka dhicin isku dhacyo hor leh, kuwii horey uga jirayna la soo afjaro.
Wasiirka ayaa muujiyay in dagaalka Iran iyo Israel uu la xiriiro dagaalka Gaza, weerarka Israel ee dalkaasina uu Iran ku riixay in ay si sharci ah isku difaacdo.
Mr. Fidan ayaa tilmaamay in hadda ay jirto xabad joojin jilicsan oo u dhaxeyso Israel iyo Iran, isaga oo sheegay in xilli kasta ay burburi karto, haddii aanan laga shaqeyn, sidii ay ku sii jiri lahayd.
"Dhab ahaantii gobolka wuxuu u baahan yahay inuu ka feejignaado suurtagalnimada in xabad joojinta la jebiyo oo weerarada labada dhinac ay dib u soo laabtaan.” Ayuu yiri Wasiir Fidan.
Fidan ayaa ku waramaya si loo xoojiyo xabad joojinta Iran iyo Israel in ay lagama maarmaan tahay inay heshiis gaaraan Mareykanka iyo Iran.
"Sida aad ogtihiin waxaa labada dal u dhaxeeya masaafo ka badan 1,000km, mana jirto wax xuduud ah oo ay leeyihiin. Sidaasi darteed waa dagaal xuduudo ka soo gudbaya oo dalal kala duwan ay ku lug yeelanayaan. Hadda waxaa jira muddo aamusnaan ah/xabad joojin, laakiin si taasi u noqoto mid joogto ah, waxaa lagama maarmaan ah in heshiis uu dhex maro Iran iyo Mareykanka.” Ayuu yiri Fidan.
Fidan ayaa sheegay in Ankara ay gacan ka gaysaneyso kala aragti duwanaanshaha Mareykanka iyo Iran, iyadoo Mareykanka uu ku andacoonayo in ay tahay in laga hortago in Iran ay yeelato hub nuclear ah, halka Iran ay iyana ku adkeysanayso in barnaamijkeeda uu ku saabsan yahay tamarta nuclear-ka oo keliya.
"Turkiga ayaa soo bandhigay hindise gacan ka gaysanaya in la soo afjaro khilaafka. Arrinta ugu weyn ayaa weli ah in Mareykanku uu doonayo in aysan tayaynin barmaamijkeeda, halka Iran ay ku andacooneyso inay xaq u leedahay inay yeelato tamarta nuclear-ka.” Ayuu yiri Fidan.
Turkiga oo ah mid ka mid ah dalalka ugu saamaynta badan ee Bariga Dhexe ayaa si dhow ula socda is bedelada ka jira gobolka.
Shacabka Iran oo muujiyay inay mideysan yihiin
Shacabka Iran ayaa shalay sameeyay isu soo bax soo jiitay indhaha caalamka, iyagoo ka qaybgelaya aas qaran oo dowladdu ay u sameynaysay tobanaan ka mid ah dadkii kaga dhintay
dagaalkii 12-ka maalmood ee ay Israel la galeen.
Dad tiradooda lagu sheegay boqolaal kun oo qof ayaa isugu soo baxay Magaalada Tehran, halkaas oo aas qaran loogu sameeyay 60 qof oo meydadkooda la keenay Tehran, si loogu aaso qabuuraha magaalada, oo ay ku jiraan saraakiishii militariga, saynisyahanadii nuclear-ka iyo qaar ka mid ah dadkii rayidka ahaa ee ku dhintay, intii uu socday dagaalka labada dal ee qarxay 13-kii bishan June.
Xubnaha shalay la aasay ayaa waxaa ka mid ah Taliyihii Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, General Hossein Salami, Taliyihii Militariga Iran, General Mohammad Bagheri, Taliyihii hore ee Ciidanka Cirka, Amir Ali Hajizadeh iyo ugu yaraan lix saynisyahano, kuwaas oo dhammaantood lagu dilay dagaalka.
Wakaaladda Wararka Tasnim ee laga leeyahay dalka Iran ayaa ku warantay in aaska qaran uu ka dhacay Qabuuraha Behesht-e Zahra, oo ah midka ugu weyn ee dalka, kaas oo ku yaala qaybta koonfureed ee Tehran.
Dadka reer Iran oo muujinaya in ay u mideysan yihiin dagaalka ka dhanka ah Israel ayaa Sabtidan isugu soo baxay waddooyinka magaalada, iyagoo ku labisan dhar madow, oo ay ugu baroordiiqayaan dadkii kaga dhintay dagaalka, waxayna ku dhawaaqayeen ‘Israel iyo Mareykanka ha dhintaan’.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa wax xanuun badan ku tilmaamay dadka qiimaha leh ee kaga dhintay dagaalkan, balse aanu marnaba dalkiisu isu dhiibi doonin cadowga.
Wasiir Araghchi ayaa ballanqaaday in dalkiisu uu ka xoog badnaan doono, sida uu ahaa dagaalka ka hor, isaga oo xusay in qabka qaranka uu yahay waxa ugu muhiimsan ee dalkiisa.
Iran ayaa waxay qiratay in dagaalka ay kaga dhinteen 627 qof, halka Israel ay sheegtay in 28 qof ay dhinaceeda ka dhinteen, inkastoo la aaminsan yahay in Israel ay qarineyso khasaaraha dhabta ah ee ka soo gaaray duqaymihii Iran.
Kol horeba, Iraaniyiinta ayaa taageeray fekerka ah in dhiigooda ay huraan, bedelkii ay is dhiibi lahaayeen oo sharaf xumana ay ku dhici lahayd.
Isu soo bixii shalay ayaa lagu sheegay kiisii ugu weynaa ee muddo tobanaan sano ah ka dhaca dalka Iran, waxaana uu yimid, ka dib dagaalkii ugu dhimashada ee taariikhda Iran iyo Israel.
Iraaniyiinta oo in muddo ahba la sheegayay in ay kala qaybsan yihiin, sababtu tahay nidaamka ka arrimiya dalkaasi ayaa hadda ciidamada amniga kala shaqeynaya, sidii gacan bir ah loogu qaban lahaa amniga dalka, loona soo afjari lahaa dadka la shaqeeya Sirdoonka Israel ee bixinaya sirtii qarank
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 29-06-25
........