
Fanaankii Soomaaliyeed Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Dalka Mareykanka iyo Taariikhdiisa?.
Marxuum Axmed Cali Cigaal wuxuu ka mid ahaa haldooradii fanka Soomaaliyeed, isagoo lahaa cod si weyn ay u jeclaayeen shacabka Soomaaliyeed.In ka badan nus qarni ayuu ka dhex muuqday masraxyada fanka, isagoo qaaday heeso badan oo caan noqday, kana qayb qaatay riwaayado door weyn ku lahaa kobcinta suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Axmed Cali Cigaal waxa uu ku dhashay magaalada Wardheer ee gobolka Doollo sanadkii 1952-kii.
Jacaylka uu u qabay fanka ayaa horseeday inuu sannadkii 1966-kii ku biiro iskuul lagu baran jiray muusigga, isagoo laba sano kadib, sannadkii 1968-kii, si rasmi ah ugu biiray mihnadda fanka, kana bilaabay curinta laxannada.
Bilowgiisii fanka waxaa garab weyn siiyay walaalkiis, Alle ha u naxariistee Cabdulqaadir Cali Cigaal, oo ahaa abwaankii u sameeyay heestii ugu horreysay ee uu qaaday, "Bari iyo Galbeed Midkeebaa Na Baantay”, taas oo uu ku soo bandhigay dabayaaqadii sannadkii 1968-kii.
Geerida Marxuum Axmed Cali Cigaal ayaa murugo ku reebtay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda fanka iyo suugaanta, kuwaas oo ku xusuusan doona kaalintii uu ka qaatay horumarinta fanka Soomaaliyeed iyo heesihii qiimaha badnaa ee uu bulshada uga tegay.


0 



Fanaankii Soomaaliyeed Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Dalka Mareykanka iyo Taariikhdiisa?.
.