HALKAN KA AQRISO W. WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE 1DA LUULYO 2025

0
Tuesday July 01, 2025 - 08:28:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 69
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W. WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE 1DA LUULYO 2025

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo calan saaray madaxtooyada xuska 65-aad ee xornimada awgeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fede -raalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, xuska 65-guurada ka soo wareegtay maalintii ay Soomaaliya xorriyadda iyo midnima da heshay awgeed.

Munaasabadda calan-saarka ayaa ku qabsoomtay Madaxtooyada, iyadoo Madaxweynaha uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoo -gga Dalka Soomaaliyeed.

Xuskan taariikhiga ah ayaa ah mid milgo iyo xusuus gaar ah u leh ummad da Soomaaliyeed, waxa uuna muujina yaa halgankii geesinimada lahaa ee ay shacabka Soomaaliyeed u soo galeen xornimada iyo midnimada dalka.

RW Xamsa "Mustaqbalka Soomaaliya oo Barwaaqo ah waxaa uu ku jiraa Horumarinta dhaqaalaha Buluugga ah”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Fede raalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Bar -re, oo dhagax-dhigay Xarunta Wasaar -adda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, ayaa sheegay in Wasaa raddan ay ka mid tahay kuwa ugu mu -hiimsan hiigsiga horumarinta dhaqaala ha dalkeenna, maadaama khayraad badan dalkeennu uu uga imaanayo dhanka badda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in mustaqbalka Soomaaliya horumarsan uu ka iman doono dhanka badda, isla markaana Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ay door muhiim ah ka qaadan doonto kobaca dhaqaalaha dalka maadaama ay hadda kadib yeellan doonto dhisme weyn oo casri ah.

"Dhaqaalaha Buluugga ah waa mid muhiim ah oo la doonayo in Soomaal idu ka faa’iideysato, waanna halka ay ka bilaabmi doonto Soomaaliya bar -waaqo ah oo la soo baxda wax-soo saarka badda iyo khayraadka dihan ee dhulkeeda”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, waxa uu xusay in la ga doonayo dadka Soomaaliyeed in ay degaan dhulka xeebaha ah, dowladdu na ay ka hirgalin doonto waddooyin waaweyn oo sahlaya isticmaalka khay -raadka badda iyo ka faa’ideysiga dha -qaalaha buluugga ah ee dalkeenna.

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay Xildhibaan Samakab oo ka tirsan golaha wakiillada Minnesota

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamh uuriyadda Federaalka Soomaaliya mu dane Xamsa Cabdi Barre ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaan Sa makaab Xuseen oo ka tirsan golaha Wakiillada gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Xildhibaanka uga mahadceliyey booqashada uu ku yimid dalkiisa hooyo, isaga ku ammaa nay qurbajoogta Soomaaliyeed kaalin ta ay ka qaadanayaan horumarrada ka jira waddamada ay joogaan, gaar aha an dhinacyada ganacsiga, siyaasadda iyo ka faa’iideysiga fursadaha kala du -wan ee ka jira dalalkaas.

Xuska 65-aad ee xornimada dalka oo lagu qabtay safaaradda Soomaaliya ee Tanzania

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Tan -zania ayaa xalay martigelisay munaa sabadda 65-guurada madax-bannaa nida Soomaaliya, iyada oo sidoo kale daahfurtay dhismaha cusub ee safaara ddu ay ku yeelanayso magaalada Dar es Salaam.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda FS, sa fiirka Soomaaliya ee Tanzania, wasiir ro ka tirsan dowladda Tanzania iyo marti sharaf kale ayaa ka qaybgalay munaasabadda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gud -aha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoo -sh ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Kordhinta Adkeysiga Iyo La-qabsiga Isbedelka Cimillada.

Kulanka ay soo qabanqabisay Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga Iyo Xalka Waara ayaa waxaa ka qaybaga lay Agaasimaha Guud ee Xarunta Mar wo Zahra Cabdi, Ku Xigeenka Agaasi maha Dr. Abdullaahi Zaahid, Hay’ada ha Dowladda Iyo Saaxibada Caalami ga ah ee Soomaaliya ka taageera Ma shruuca.

Shir lagu heshiisiinayo beelo ku dagaalamay G/Sh/Dhexe oo shalay ka furmay degmada Warsheekh.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Wasiirka Wasaarada dib u hishiisiinta Hirshabelle mudane Cabdullaahi Cad -de ayaa Degmada Warsheekh ee Go -bolka Shabellaha Dhexe ka furay shir ka dib u hishiisiinta Beelo Walaalo oo isku gacan gaaray deegaano hoostada Warsheekh

Shirka waxaa goob joog ahaa Xildhi baano ka tirsan Baarlamanka Hirsha belle Gudoomiyaasha Degmooyinka Warsheikh,Balcad ,laamaha amniga iyo Mas’uuliyiin kale

Waxaana la isku keenay shirka odoyaa sha labda dhinac ee dirirtu dhexmartay

Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay laba da dhinac in la qaato hishiis nabadeed si aysan uso noqon colaada ragaadi say dadka degan Gobolkan.

Guddoomiye Muungaab "Ma Aqbaleyno in Dib Loo Jeexo Waddooyinka Caasimadda”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ah -na Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay dhismaha wadda da laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Degmada Wadajir, taa soo sii marta Isbitaalka Madiina ee Ma -gaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay ka go’an tahay horumarinta jidadka iyo kaabayaasha suurtogaliya isku-socod hagaagsan, asigoona xusay in aan marnaba la aqbali doonin in dib loo jeexo waddooyinka la dhisaayo ee Ma gaalada Muqdisho, uuna Maamulka Gobolka Banaadir kasoo saari doono habraacyo ay mari doonaan shirkada ha bixiya adeegyada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ah na Duqa Magaalada Muqdisho Muda ne Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muun gaab) ayaa bulshada caasimadda ugu baaqay in laga wada shaqeeyo ilaali nta badqabka waddooyinka, bilicda iyo horumarka, si ay caasimaddu u yeela to muuqaal qurux badan oo aanan ka liidan kuwa caasimaddaha kale ee da lalka horumaray.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxi geenada Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Wadajir, Ga nacsato, odayaasha dhaqanka iyo qey baha kale ee bulshada.

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jam huuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa shalay kul -an muhiim ah la yeeshay wasiir ku xi geenka arrimaha dibadda ee Nether lands, Ms. Pascalia Grotenhuis, iyo ma -s’uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaarad da Arrimaha Dibadda ee Netherlands.

Kulanka oo ka dhacay magaalada The Hague ayaa diiradda lagu saaray xooj inta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada la xiriira dib u dhiska kaa bayaasha dhaqaalaha, sida:

Mashaariicda dhismaha dekedaha, Ga roomada diyaaradaha, iyo wadooyinka muhiimka ah ee isku xira Soomaaliya iyo dalalka dariska ah.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falan qeeyay, Maamulka dhulka.

Horumarinta degmooyinka iyo sidii sare loogu qaadi lahaa qorsheyaasha la xiriira dib-u-habeynta magaalooyin ka.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay isku raaceen in la xoojiyo wada-shaqeynta, iyadoo mudnaan la siinayo:

Sareynta sharciga, nabadeynta, horu marinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo taageerada geeddi-socodka dooras hooyinka

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Netherlands, waxaana la qorsheynayaa in la qabto kulammo dheeraad ah, si loo mideeyo qorshe yaasha Wasaaradda hawlaha guud iyo barnaamijka horumarineed ee shanta sano ee Wasaaradda arrimaha dibad da Netherlands.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo gaaray dalka Tanzania

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Ari maha Dibadda iyo Iskaashiga Caala miga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, oo ay wehliyaan Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay), iyo masuuliyiin kale ayaa gelinkii dambe ee shalay booqasho shaqo ku gaaray dalka Tanzania.

Wafdiga oo soo dhowayn diirran kala kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaara dda Arrimaha Dibadda Tanzania iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ilyaas Cali Xas -an, ayaa qorshuhu booqashadoodu daaran yahay xarig-jarka dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee ku yaalla magaalada Dar es Salaam oo dib-u-dhis heer sare ah, dayactir iyo qala bayn lagu sameeyay, sidoo kalena wu xuu kaqeyb gali doonaa Xuska 65 sa no guurada maalinta Xurriyada Qaran ka.

Wafdigani Wasiirrada ah ayaa inta ay joogaan dalkaasi, waxa ay kulamo labo geesood ah la yeelan doonaan dhiggooda, iyaga oo kala hadli doona kor-u-qaadidda xiriirka labo geesoodka, iskaashi wadaagga iyo isku-gudubka xorta ah ee muwaadiniinta labada dal.

Wasiiru dowlaha Qorsheynta oo la kulmay Ra’iisul wasaaraha Libiya

Intii uu socday Shirka Labaad ee Gud diga Sare ee Machadka Qorsheynta Carabta, Wasiiru Dowlaha Wasaarad da Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horu marinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyad da Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmednuur Sheekh Maxamed, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wa saaraha Dowladda Liibiya, Mudane Cabdulxamiid Al-Dubeyba.

Kulankan muhiimka ah ayaa looga hadlay qodobo ay kamid yihiin: Xoojin ta iskaashiga Soomaaliya iyo Liibiya ee dhinacyada socdaalka iyo maarayn ta arrimaha tahriibka; Kobcinta karaan ka shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan tababarrada iyo barnaamijyada horumarinta xirfadaha ee qaybaha dow liga iyo kuwa gaarka loo leeyahay; Ball -aarinta fursadaha deeqaha waxbara sho ee dhalinyarada Soomaaliyeed ee doonaya inay wax ku bartaan gudaha iyo dibadda Liibiya; iyo kor u qaadidda xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal iyo iskaashi miro dhal ah oo Car -beed.

Mudane Axmed-nuur Sheekh Maxa med ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha iyo dowladda Liibiya soo dhoweynta diirran iyo taageerada joog tada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an ta hay dowladda Soomaaliya inay sii xoo -jiso xiriirka walaaltinimo ee labada dal.

Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Banaadir iyo Wadajir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mu -dane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Mu ungaab) ayaa dhagax-dhigay dhisma ha waddada laamiga ah ee isku xirta Is goyska Banaadir iyo Degmada Wadajir, taasoo sii marta Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay ka go’an tahay horumarinta jidadka iyo ka abayaasha suurtogaliya isku-socod ha gaagsan, asigoona xusay in aan marn -aba la aqbali doonin in dib loo jeexo waddooyinka la dhisaayo ee Magaala da Muqdisho, uuna Maamulka Gobol ka Banaadir kasoo saari doono habraa cyo ay mari doonaan shirkadaha bixiya adeegyada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ah na Duqa Magaalada Muqdisho Muda ne Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muun gaab) ayaa bulshada caasimadda ugu baaqay in laga wada shaqeeyo ilaali nta badqabka waddooyinka, bilicda iyo horumarka, si ay caasimaddu u yeel ato muuqaal qurux badan oo aanan ka liidan kuwa caasimaddaha kale ee da lalka horumaray.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxig eenada Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Wadajir, Ga nacsato, odayaasha dhaqanka iyo qey baha kale ee bulshada.

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daallo ee gobolka Sanaag gaar ahaan agagaarka deegaanka dhul beereedka loo yaqaan Gaacidh, dabkan ayaa gey stay khasaare xooggan oo dhul beere -ed ah.

Shacabka deegaanka ayaa codsanaya in gurmad lala soo gaaro maadaama uu dabka samaynayo fiditaan xooggan, iyadoona hadda ay socdaan gurmadyo kala duwan si loo joojiyo dabkan xowli -ga ku socda.

Kenya oo ku celisay inay aqoonsan tahay madax bannaanida iyo midnimada Soomaaliya

Wasiirka Caafimaadka ee Kenya, Aa -den Barre Ducaale, ayaa Sabtidii, 28-ka Juun 2025, mar kale ku celiyay in Kenya ay si buuxda u aqoonsan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaali ya.

Isagoo ka hadlayay xuska sanadguu radii 65-aad ee Xorriyadda Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Nairobi, una martigeliyay Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jibriil Cabdulle, ayuu Aadan Duale carrabka ku adkeeyay in Kenya ay si buuxda u garab taagan tahay Soomaaliya, isla markaana ay ka go’an tahay ilaalinta madax-bannaanid iisa.

"Kenya waxay bogaadinaysaa dadaal ka Soomaaliya ee ku wajahan nabad da iyo xasilloonida gobolka, gaar aha an qorshaha kala guurka ah ee ATMIS ilaa AUSSOM. Waxaan si buuxda u aq oonsannahay Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya, waxaana taageersana hay dhammaan dadaallada lagu xooj inayo nabadda gobolka iyada oo loo marayo diblomaasiyad iyo iskaashi," ayuu yiri Duale.

Duale wuxuu sidoo kale muujiyay sida Nairobi diyaar ugu tahay sii xoojinta xiriirka labada dal ee ku yaalla Bariga Afrika, isagoo ku adkeeyay in Soomaa liya iyo Kenya ay leeyihiin xiriir iskaa shi oo dheef-wadaag ah.

"Xilli Soomaaliya ay u dabaal-degto guushan taariikhiga ah, waxaan muuj iyay diyaar-garowga Kenya ee ku aad dan iskaashi ku saabsan horumarinta dhaqaalaha badda (Blue Economy), xoojinta xiriirka dadweynaha, iyo wada jirkeena ku aaddan hormarinta nabad da, la-dagaallanka isbeddelka cimilada, iyo horumar waara — heer gobol iyo caalami ahba," ayuu yiri Duale.

Duale waxaa munaasabaddaas uu ka qeyb galay isagoo wakiil ka ah Mada -xweynaha Kenya William Ruto, waxaa na la socday mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan xukuumadda Kenya, kuwaas ay ka mid ahaayeen Wasiirka Haween ka Hanna Cheptumo, Xoghayaha Joog tada ah ee Arrimaha Dibadda Korir Sin g’oei, iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Waaxda Dhaqanka Ummi Bashir, iyo qaar kaloo badan.

Ballanqaadka Kenya ee Soomaaliya waxa uu yimid hal bil kadib markii Som -aliland ay xafiis diblomaasiyeed ka furatay magaalada Nairobi, inkastoo wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ay si cad u diidday maalmo yar ka hor.

Madaxweynaha Oo Magacaabey Maareeyaha Guud Ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka

Madaxweynaha Jamnhuuriyadda Fe -deraalka Soomaaliya, Mudane xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka Maaree yaha Guud ee Wakaaladda Madbaca dda Qaranka u magacaabey Mudane Wali Guuleed Nuur, kadib soo jeedin ka timid Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Wakaaladda Madbacadda Qaranka oo ka mid ah hay’adaha hoos yimaada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa dib u hawlgelintee da waxaa la filayaa inay kaalin mug leh ka qaadato hawlaha la xiriira daabacaa dda dukumentiyada kala duwan ee dowladda iyo hawlaha kale ee muhiim ka ah ee dalka looga baahan yahay.

Waxaa markii ugu horeysay ay Wakaal adda Madbacadad Qaranka hawlga shey sannadkii 1971-kii, iyadoo door weyn ka cayaartey ka haqabtirka dowl adda iyo hay’adaha kala duwan ee dalka ka jiray dhanka arrimaha daaba cadda.

Dagaaladii sokeeye ee dalka ka dha cay ayaa saameeyay wakaaladda oo ka mid noqotey hay’adihii ku burburay colaadihii jiray.

Qatar oo sheegtay in uu dalkeeda soo booqday Madaxweynaha Somaliland oo ah gobol kamid ah Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arr imaha Dibadda Qatar Sheikh Maxa -med bin Cabdiraxmaan Al-Thani ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Madax weynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo maal mo ka hor booqasho ku tagay dalka Qatar.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arri maha Dibadda Qatar ayaa lagu shee gay in Ra’iisul Wasaaruhu uu qaabilay Madaxweynaha Somaliland, Cirro, oo lagu sheegay in uu ka socdo gobol ka tirsan Soomaaliya, isla markaana laba da dhinac ay ka wadahadleen arrimihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, amm aanka gobolka, iyo sidii loo soo celin lahaa is-aaminaadda.

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa cadd eeyay in Dowladda Qatar ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya uu ku dhisan yahay fur-furnaan iyo xiriir wax ku ool ah oo dhex mara dham maan qeybaha ay ka kooban tahay, iyadoo la xaqiijinayo ixtiraamka goban nimada iyo midnimada Qaranka Jam huuriyadda Federaalka Soomaaliya.

"Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu carabka ku adkeeyay in uu aaminsan yahay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisi karo isku furnaan, wada-hadal, iyo mid nimo, isla markaana uu ixtiraamayo madax-bannaanida Soomaaliya iyo midnimadeeda," ayaa lagu yidhi bay aanka Qatar.

Madaxtooyada Somaliland waxay shee gtay in Madaxweynaha Somaliland uu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay tahay Jamhuuriyad madax-bannaan oo 34-kii sano ee u dambeeyay iskeed isu maamuleysay, isla markaana aanay qayb ka ahayn Soomaaliya.Waxa kale oo uu sheegay in meeqaamka siyaasa deed ee Somaliland uu gabi ahaanba ka duwanyahay kan Soomaaliya.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha saaxi ibka dhaw la ah Soomaaliya, waxaana lagu tiriyaa dowladaha ugu fog marka laga hadlayo in ay Somaliland la yeela to xidhiidh diblumaasiyadeed. Cirro ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu hor reeyay ee Somaliland ee safar rasmi ah ku taga boqortooyadan ku taalla Jasiiradda Carabta.

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Tima cadde), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalay Meertada 7aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhij itaalka ah oo ka dhacday magaalada Geneva ee dalka Switzerland, Mada shan ayaa hordhac u ah Shirweynaha Guud ee Iskaashiga Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dhijitaalka ah.

Hay’adda NIRA waxay madasha kaga qeybgashay soo bandhigidda guulaha ay ka gaartay hirgelinta Nidaamka Aqo onsiga Qaranka ee Soomaaliya, kaas oo laf-dhabar u noqonaya adeegyada dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Shirkan waxaa martigelisay Dowladda Switzerland iyadoo lala kaashaday B angiga Adduunka, ITU, iyo OpenWallet Forum, waxaana diiradda lagu saaray aa horumarinta teknoolojiyadda Aqoon siga Dhijitaalka ah ee loo dhanyahay.

Puntland oo sheegtay inay sanad kaste $150 Milyan ku weydo jarriifka lagu hayo xeebaha degaanadeeda

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraa dka badda ee Dowlad Goboleedka Puntland, Cabdirisaaq Cabdullaahi Xa gaa ayaa shalay sheegay in ay Punt land awood u weyday wax ka qaba shada kalluumaysiga sharci darrada ah ee ka socda xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Puntland.

Wasiirka Kalluumaysiga oo shalay hort agay Baarlamaanka ayaa u sheegay in sanad kaste ay Puntland ku weydo dhaqaale gaaraya qiyaastii 150 milyan oo Dollar oo kaga luma jariifka ba’an ee lagu hayo kheyraadka ku jira xeeb aha Puntland.

Wasiir Xagaa waxa uu sheegay in Pun tland aysan haysan ciidamo ku filan amniga xeebaheeda iyo gaadiidka badda. Waxa uu si cad u sheegay inay sii dabar go’ayaan noolayaal badan oo badda ku jira oo uu sheegay in si xad dhaaf ah loo ugaarsanayo.

"Waa Aafo ummadda Soomaaliyeed haysata, waxa sababayna waa tabar darro. Baddu waxay u baahan sida ber rigu ugu baahan yahay ciidamo ilaaliya xaduudaha, la socda dhaqdhaqaaqa. Waxay u baahan tahay Kastamo laga kantaroolo waxa badda ka jira,” ayuu yiri wasiirka kalluumaysiga Puntland.

Dhinaca kale, wasiirka kalluumaysiga Puntaland ayaa iska fogeeyay eedey mo ay usoo jeediyeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, kuwaas oo ku eedeeyay inay maraakiib jarriif ah bad da ugu jiraan.

Wasiirku wuxuu ugu dambayn sheeg ay inay Puntland dhawaan hirgalisay qalab lagu ogaanayo inta Markab ee badda ku jira ee ku howlan kalluumay si sharci darro ah.

Wuxuu sheegay inay rajeynayaan inay helaan ciidamo iyo gaadiid dagaal oo badda ah, kuwaas oo la dagaalama maraakiibta sida sharci darrada ah uga kalluumaysanaysa xeebaha Puntland.

Israa’iil oo amar ku bixisay inay dadku ka baxaan Gaza

Israa’iil ayaa ku amartay Falastiiniyiinta in ay isaga baxaan qeybo ka mid ah waqooyiga Qaza ka hor inta aan la kor dhin dhaq dhaqaaqa militari, xilli mada xweynaha Mareykanka Donald Trump uu wado heshiis xabbad joojin ah.

Dadka ku nool xaafadaha magaalada Gaza iyo Jabalia ayaa loo sheegay inay u dhaqaaqaan dhanka koonfureed dhanka xeebta ee al-Mawasi iyadoo howlgallada militariga Israa’iil ay "xooji yeen oo ay u badiyeen dhanka galb -eed”.

Ugu yaraan 86 qof ayaa lagu dilay wee rarrada Israa’iil 24 saac ka hor duhurn imadii Axadda, sida ay sheegtay was aaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho. Saddex carruur ah ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerar lagu qaaday waxa loogu yeero "aagga nabdoon” ee al-Mawasi, waalidkood ayaa sheegay. Trump ayaa ku celceli yay baaqyada ah in "heshiiska lagu sa meeyo Gaza” oo "la soo celiyo la hays -tayaashii”.

Dowladda Soomaaliya oo Hay'adda UNDP kala hadashay Kobac Dhaqaale oo waara

Wasiir dowlaha Wasaaradda Kalluu -meysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Xildhibaan Maxamed Yuusuf Xasan, ayaa kulan heerkiisu sareeyo la qaatay Ku Xigeenka Wakiilka Barnaamijka Ho rumarinta ee Qaramada Midoobay (UN DP) ee Soomaaliya, Christopher Laker, waxayna ka wada hadleen ballaarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha bu -luugga ah ee dalka.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Muq -disho ayaa diiradda lagu saaray dad aallada istiraatijiyadeed ee looga faa’id eysanayo kheyraadka badda ee baaxa dda leh ee Soomaaliya, taasoo uu wa siirku ku tilmaamay mid muhiim u ah shaqo abuurka, sugnaanta cuntada, iyo kobaca dhaqaale waara.

Wasiir Maxamed waxa uu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la xooji yo taageerada farsamo iyo mid maali yadeed ee UNDP si ay Soomaaliya uga caawiso in ay si buuxda u xaqii qsato kartida wax soo saarkeedi xeeba ha iyo badda, Wuxuu ku baaqay in la sameeyo barnaamijyo wadajir ah, awood hay’addeed oo xooggan, iyo maalgashi waara oo lagu sameeyo kall uumeysiga, gaadiidka badda, iyo hab-nololeedyada xeebaha.

"Khayraadka badda Soomaaliya waa hanti qaran oo muhiim ah, waa in aan ka wada shaqeynaa sidii aan qiimo buuxa ugu yeelan lahayn dadkeenna,” ayuu yiri Wasiirka, isaga oo intaa ku da ray in kor loo qaado hindisayaasha dhaqaalaha buluugga ah ay wax weyn ka tari doonto dhimista faqriga iyo horu marinta mustaqbalka fog.

Christopher Laker ayaa mar kale xaqii jiyey sida ay uga go’an tahay UNDP inay taageerto mudnaanta horumarinta Soomaaliya, oo ay ku jiraan dhaqaala ha buluugga ah, wuxuuna soo dhawee yey sida ay Dowladda diiradda u saare yso joogtaynta iyo kobaca loo dhan ya hay.

Trump – Shakhsiyad jecel faanka, in la buunbuuniyo iyo in la mahadiyo, aadna u neceb dhaliisha

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa lagu tilmaamaa hoggaa miyaha ugu faanka badan, ugu asha lay jecel, iyo kan ugu buunbuuninta ba dan guulaha uu sheegto inuu gaadhay.

Marka uu sharxayo wax uu qabtay, wa xa uu adeegsadaa erayo ay ka mid yi hiin: "lama arag", "taariikhi ah", "aniga oo keliya samayn kara", "cajiib ah", "he -er sare ah", "guul weyn", "dadka ii qi ray", "aan la gaadhi karin", "cid kale ma samayn karto", "bilaayiin dollar aya -anu helnay" iyo kuwo kale oo muujina ya faan iyo buunbuunin.

Trump maalmahan wuxuu ku faana yay inuu saxeexay heshiis "lama arag ah" oo uu ku sheegay mid uu dib ugu dhisay NATO, kadib markii dalalka xub naha ka ah ay kordhiyeen dhaqaalaha ay ku bixiyaan difaaca. Wuxuu yidhi: "Aniga ayaa badbaadiyay NATO. Wa xaan keenay heshiis taariikhi ah oo Yurub ugu dambayn bilyano ku bixinay so. Cid kale ma samayn lahayn!." Isa ga oo si toos ah iskaga dhigay badbaa diyaha Reer Galbeedka.

Waxa kale oo uu meelkasta kaga faa naa inuu damiyay xiisaddii u dhaxay say Hindiya iyo Pakistan, taasoo ga can ka hadal isu beddeshay dhawaan. Wuxuu yidhi: "Markii aan galay arrintan, waxay ahayd xaalad qarax u dhow. Aniga dartay ayaa hadda nabad lagu sheekaysan karaa. Dagaalkaas waxaa -n u damiyay si cajiib ah!."

Sidoo kale, Trump wuxuu sheegay in tallaabadii uu xabad joojinta ku kala dhexdhigay Iran iyo Israa'iil ay ahayd mid "aan horay loo samaynin." Waxa uu ku faanay in uu joojiyay dagaalkii 12-ka cisho ee Iran iyo Israa’iil, isaga oo yidhi: "Dagaalka Iran iyo Israa’iil an -aa joojiyay, xataa kii Hindiya iyo Pakis tan anaa joojiyay, laakiin cidi iima qirsa na. Waxaan ahay nabad-dhalliye!”

Trump waxa uu si buunbuunin ku jirto uga hadlay weerarkii ay ciidamada cir ka Maraykanku ku qaadeen xarumaha nukliyeer Iran isaga oo sheegay in wee rarkaasi la mid yahay kii lagu qaaday Horishima iyo Nagasaaki, "Weerark aas wuxuu ahaa mid aan taariikhda ho re u dhicin. Xarumaha nukliyeerka Iran dhulka ayaa lala simay gabi ahaanba. Ciidamada Maraykanka oo ah kuwa ugu khatarsan adduunka, waxay beeg sadeen xilli qudcur ah oo aan dayax ji rin. Habka aanu haysanno cid kale ma haysato, anaga uunba sidaas samayn karna!"

Trump aad ayuu u jecel yahay in la am aano oo laga mahadsheegto. Marka la amaano, wuu dhagaystaa isagoo muu soonaya; marka qaladkiisa la tilmaa mana, wuu xanaaqaa, qofkii dhaliilana si degdeg ah ayuu u weeraraa ama beenaale ayuu ku tilmaamaa. Sabtidii, wuxuu amaan kala dul dhacay gabadh Afrikaan ah oo wariye ah oo fahamsa nayd luuqadda Trump lagula hadlo isa ga oo xitaa siiyay hadiyad.

Hariana Veras, oo ah wariye ka shaqa ysa Aqalka Cad kana timid Afrika, ayaa ka warbixisay xaaladda rajo ee ay ku aragtay gudaha dalka Congo ka dib markii la shaaciyay heshiiska naba deed. Waxay sheegtay in shacabka reer Congo muujiyeen farxad iyo rajo cusub oo ku aaddan mustaqbalkooda, isla markaana ay ka mahadsheegana yeen Trump. Waxay sidoo kale sheeg tay in Madaxweynaha Congo, Felix Tshisekedi, doonayo in Trump loo shar axo abaalmarinta Nabadda Adduunka.

Arrintaas Trump aad buu uga helay, isagoo yidhi: "Si qurux badan ayaad u sheegtay, waana sax. Waxa kale oo aad tahay qof qurux badan, kor iyo hoo sba waad ka qurux badantahay.”

Dhanka kale, Trump aad buu u neceb yahay warbaahinta dhaliisha, sida CNN, wuxuuna ku tilmaamaa "beenaa layaal" mar kasta oo ay dhaliilaan hawl uu qabtay. Dhawaan wuxuu soo jeedi yay in la eryo wariyeyaal baahiyay war bixin sirdoon oo sheegaysay in Iran ay bilo gudahood dib u bilaabi karto barn aamijkeeda nukliyeerka.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa ka mid ahaa madaxda la kulmay Trump balse aan ka faa’iidin kadib markii uu dhaliishiisa sheegay. Trump ayaa si xun u bahdilay xilli uu ku booqday Aqalka Cad, kadib hadal uu Zelensky sheegay oo ahaa in ay suuragal tahay in Maraykanku galo xaalad la mid ah tan Ukraine. Trump ayaa si cadho leh ugu jawaabay: "Wali gay waanu fiicnaan doonaa, hana noo sheegin waxa nagu dhici doona. Mar qudha mahadsanid namaad odhan wixii aanu kuu qabanay, abaal laawe ayaad tahay!”

Gabagabadii, Trump waa nin aad u jecel in la buunbuuniyo, lagana mahad sheegto, aadna uga xumaada dhalii sha. Waxa uu buunbuuniyaa wax kas ta, xitaa doorashadii uu ku soo baxay wuxuu ku tilmaamaa guul taariikhi ah, oo aan hore dunida uga dhicin, wax aa n dib danbe loo arki doonin. Dhanka ka le dagaalka dhaqaalaha ee uu dunida ku qaaday ayuu ku sheegay in uu yahay guul taariikhiya oo la gaadhy iyo in isbadal dhaqaale oo wayn uu dhici doono.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip