halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 07-07-25

0
Monday July 07, 2025 - 08:00:02 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 07-07-25

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Madaxweyne Xasan oo u ambabaxay dalka Masar

Madaxweybe Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw u ambabaxay safar rasmi ah oo uu ku tagayo magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar.

Sida macluumaad hoose ay tilmaamayaan, madaxweynaha ayaa halkaas kulamo muhiim ah kula yeelan doono madaxda ugu sarreysa ee dalkaasi.

Madaxweyne Xasan inta aanu ka dagin Qaahira, waxa uu kusii hakan doonaa dalka Jabuuti ee aan walalaha nahay.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya wefdi heer sare ah oo ay ka mid yihiin Wasiirro muhiim ah oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad.

Warar kale waxey tilmaamayaan in madaxweynaha uu Masar uga sii gudbi doono dalka Itoobiya oo uu casuumay ra’iisul wasaare Abiye Axmed.

Wasiirka Warfaafinta oo Furay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada (Social Media Policy).

Kulanka oo socon doono mudo laba maalmood ah ayaa waxaa kasoo qayb galay Agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha Warfaafinta Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS, SSC-Khaatumo & Gobolka Banaadir, madaxda xafiisyadda warbaahinta ee xafiisyadda DFS, wakiilo kasocda Warbaahinta Madaxa Banaan, Gollaha Madaxa Banaan ee Warbaahinta iyo Dadka Caanka ka ah Baraha Bulshada (social media).

Agaasimaha Istaratiijiyada Warbaahinta mudane Cabdishakuur Cali Axmed, ayaa ka warbixiyay ujeedka kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Warbaahinta ‘’maaraynta khataraha isticmaalka qaldan ee baraha bulshada’’ iyo Ajendihiisa, isagoo kusoo dhaweeyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska mudane Cabdilaahi Xayir Ducaale oo kalmada soo dhawaynta ka jeediyay madasha ayaa si kooban faahfaahin ka bixiyay ujeeddooyinka kulanka, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la helo siyaasad mideysan oo lagu wajahayo khataraha ka dhasha isticmaalka khaldan ee baraha bulshada.

Wasiirka Warfaafinta, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa kula dardaarmay ka qeybgalayaasha in kulanka ay uga faa’iideystaan sidii loo dhisi lahaa hannaan siyaasadeed oo suurtagelinaya in baraha bulshada loo adeegsado si waxtar u leh bulshada, loogana hortago wararka khatarta ah sjda xagjirnimada, been abuurka, iyo marin-habaabinta.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Magacaawday xubnaha guddiga farsamo ee dhameystirka Maamulka SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faderaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS, Cali Xoosh ayaa magacaabay guddi ka kooban sideed ruux oo ka shaqeyn doono howlaha dhismaha maamulka SSC Khaatumo.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa lagu sheegay in guddigaan guddoomiye iyo ku xigeen looga kala dhigay Dr. Axmednuur Maxamed iyo Cabdinasiir Xaaji Maxamed.

Sidoo kale, xubnaha guddiga ayaa noqon doona Axmed Shire Axmed, Carafaat Cali Maxamed, Axmed Yuusuf Maxamuud, Rufaci Maxamed Salaad, Maxamuud Siciid Nuur iyo Fadumo Cabdi Cali.

Guddigaan ayaa si gaar ah ka shaqeyn doono Talo-bixin iyo fududeyn ku saabsan dhamaystirka maamulka. Isku xirka hay’adaha federaalka iyo kuwa deegaanka. Talabixinta dhismaha hay’adaha maamulka deegaanka. Soo diyaarin warbixino joogto ah oo lagu wargeliyo Wasaaradda.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in mudada Guddigu ayaa noqon doonaa ilaa laga dhamaystirayo maamulka Dawlad Goboleedka SSC-Khatumo.

"Guddigu si toos ah ayuu ula xisaabtami doonaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, iyagoo soo gudbin doona warbixinno bille ah oo muujinaya horumarka howlaha” ayaa lagu yiri qoraalka magacaabista.

Guddiga Qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda oo qabtay xaflad lagu abaal-marinayo xubnihii ka qeyb qaatay dabaal-degyada

Guddiga Qaran ee Qaban-qaabada Toddobaadka Xorriyadda ee soo agaasimay munaasabadihii waaweynaa ee dalka ka dhacay ayaa galabta qabtay xaflad ay ku abaal-mariyeen xubnihii sida tooska ah uga qeyb qaatay munaasabadihii iyo dabaal-degyadii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Guddiga ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey Warbaahinta Qaranka, Warbaahinta gaarka loo leeyahay, Dhallinyaradii dabaal-degga uga qeyb qaadatay baraha bulshada, Saraakiisha Ciidamada Qaranka iyo xubno kale oo ka qeyb qaatay munaasabadihii toddobaadka xorriyadda Soomaaliya.

Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhalinyaradii abaal-marinta la guddoonsiiyey iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee ka qeyb qaadatay munaasabadihii dhacay uga mahadceliyey doorkooda, iyagoo kula dardaarmay in midnimada, nabadda iyo gobanimada umadda Soomalaiyeed ay adkeeyaan.

Midowga Afrika oo Ku dhawaaqay taageero cusub oo loogu talagalay AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) ayaa kulan ay yeesheen ku adkeeyay taageeradooda buuxda ee la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo sheegay inay ka go’an tahay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo xasillooni siyaasadeed.

Goluhu wuxuu si gaar ah u ammaanay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso dardar-gelinta ajendayaasheeda qaran, wuxuuna ugu baaqay dowlad-goboleedyada, oo ay ku jiraan Jubaland iyo Puntland, in ay qayb ka noqdaan hannaan wada-hadal siyaasadeed ah oo loo dhan yahay.

Golaha ayaa sidoo kale muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda amni ee dalka, gaar ahaan khatarta Al-Shabaab, wuxuuna ku booriyay ciidamada ammaanka Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagixisada, iyagoo helaya taageero joogto ah oo ka timaadda saaxiibada caalamka.

Midowga Afrika wuxuu shaaciyay kordhin lacageed oo dhan $10 milyan oo dheeri ah oo lagu daray Sanduuqa Kaydka Xaaladaha Degdegga ah, taasoo ka dhigeysa wadarta guud ee la heli karo $20 milyan sanadkan 2025, si loogu taageero hawlgalka AUSSOM.

Sidoo kale, goluhu wuxuu ugu baaqay Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Boqortooyada Ingiriiska iyo saaxiibada kale in ay taageeraan shir dhaqaale uruurin ah oo loogu talagalay AUSSOM, si loo helo maalgelin joogto ah oo lagu sii wadi karo hawlgallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya.

Waxaa la filayaa in Guddiga Midowga Afrika uu toddobaadyada soo socda u gudbiyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay warbixin dhammeystiran oo la xiriirta saldhigyada cusub ee AUSSOM, saadka iyo baahiyaha duulimaadyada si ay u helaan taageero joogto ah oo ka timaadda xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Midowga Afrika ayaa markale caddeeyay in aysan ka bixi doonin Soomaaliya ilaa laga gaaro guul buuxda oo ka dhan ah Al-Shabaab, lana sugo nabad iyo dowladnimo rasmi ah.

Booliiska Magaalada Dhuusamareeb oo amar cusub dul dhigay ganacsatada magaaladaas

Taliska ciidanka Booliiska ee degmada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa soo saaray amar la xariira in ganacsatada magaaladaasi ku xiraan goobahooda ganacsi Kaamira CCTV.

Taliyaha Booliiska ciidanka Booliiska ee magaalada Dhuusamareeb Dhame Nuur Cilmi Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in amarkaan uu yahay mid lagu xaqiinijaayo amniga guud ee Caasimadda ah ee Galmudug.

Taliyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka ku nool Dhuusamareeb iney si dhow ula shaqeeyaan ciidamada amaanka si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida guud ee magaalada Dhuusamareeb.

"Ganacsatada waa inay goobahooda ganacsiga ku xiraan "Caamiro CCTV”, si loo sugo amniga Magaalada Dhuusamareeb, taasi waxay fududeyn doona in amniga Caasimadda si wanaagsan loo xaqiijiyo, ganacsatada waxaan ugu baaqaya iney fulin doonaan amarkaan lagu sugayo amniga" ayuu yiri Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb Nuur Cilmi.

Waxaa sidoo kale digniin u diray Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb askarta hubka ku dhex haysta gudaha magaalada Magaalada, wuxuuna sheegay in arrintaasi aan la aqbali doonin, islamarkaana ay talaabo ka qaadi doonaan askarigii ay ku arkaan isagoo hub ku dhex wata gudaha magaaladaas.

Ugu dambeyntii amarkaan kasoo baxay Taliska Booliiska Dhuusamareeb ayaa kuso aadaya, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay magaalada Dhuusamareeb ku soo kordhayeen falalka la xariira amni darada.

Dalalka Ciidamada usoo diraya Soomaaliya oo Lagu Amray Inay Mas’uuliyad Dheeri ah Qaataan si Looga Adkaado Al-Shabaab

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa amray in dalalka ciidamada usoo dira Soomaaliya, oo loo yaqaan Troop-Contributing Countries (TCCs), ay qaataan mas’uuliyad dheeri ah si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo taageerada amniga Soomaaliya.

Go’aankan ayaa yimid kadib shir heer wasiir ah oo laba maalmood kahor lagu qabtay hab fogaan arag ah, halkaas oo warbixin rasmi ah lagaga dhageystay xaaladda amni ee Soomaaliya iyo horumarka howlgalka Midowga Afrika ee taageerada xasilinta Soomaaliya (African Union Stabilisation Support Mission in Somalia-AUSSOM).

"Goluhu wuxuu bogaadinayaa dalalka ciidamada dheeraadka ah si gaar ah ugu soo diray Soomaaliya si ay uga jawaabaan xaaladda amni ee taagan, wuxuuna ku boorrinayaa kuwa aan weli tallaabadaas qaadin inay sida ugu dhaqsiyaha badan u sameeyaan.”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Shirkaasi.

Sidoo kale, Golaha ayaa faray Guddiga Fulinta ee Midowga Afrika inuu muddo lix toddobaad gudahood ah kusoo gudbiyo qiimeyn cusub oo ku saabsan baahiyaha hawlgalka, gaar ahaan dhinacyada taageerada saadka iyo diyaaradaha si macluumaadkaas loogu gudbiyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Tani waxay qeyb ka tahay dadaallada lagu doonayo in lagu sii helo taageerada saadka ee ay bixiso Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Dhanka kale, Golaha ayaa sidoo kale ka codsaday Guddiga Midowga Afrika, iyagoo la kaashanaya Qaramada Midoobay, inay dhammeystiraan qorshayaasha ku saabsan soo gelitaanka ciidamada Masar iyo dib u celinta ciidanka Burundi.

Wararkan cusub ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay wajahaysa marxalad muhiim ah oo dhinaca amniga ah, iyadoo ay socdaan howlgallo ballaaran oo lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda

Daadad xooggan ayaa ku dhuftay gobolka Texas ee dalka Mareykanka, waxaana ku dhintay tobaneeyo qof oo ay ku jiraan carruur, halka ay jiraan qaar kale oo weli la la’yahay.

Kooxaha samatabbixinta ayaa ku howlan baadigoobka dad u badan carruur oo la la’yahay, iyagoo isticmaalaya diyaarado helicopter ah, doomo, iyo diyaarado aan duuliye lahayn si ay u raadiyaan dadka badbaaday, kuwa ku ku go’doonsan dhulka iyo dadka meydadka ah.

waxyeelada ugu badan ayaa la sheegay in ay gaartay xero lagu magacaabo Camp Mystic oo u dhow wabiga Kerr County,halkaasi oo ay ku jireen gabdho Masiixiyiin ah.

Ugu yaraan 50 qof ayaa dhimatay ilaa hadda, halka 27 gabdhood oo ku jiray hal xero weli la la’yahay. Maamulka ma aysan sheegin tirada guud ee dadka la la’yahay marka laga reebo carruurta ku sugneyd xerafaasi.

Saacadihii hore ee 4-tii bishaan daadad ayaa ku soo rogmaday meel qiyaastii 112km galbeed ka xigta San Antonio,kuwaas oo ka dhashay roobab mahiigaan ah oo buux-dhaafiyay webiga Guadalupe,kadibna sababay fatahaad gaartay dhul baaxad leh,waayna qaadeen dad nool,guryo iyo gaadiid.

Wararkii ugu dambeeyay wada hadalada Israel iyo Xamaas ee dalka Qatar

Israel ayaa go’aansatay in Axaddan ay wafdigeeda u dirto dalka Qatar, si ay wada hadal dadban ula yeeshaan Saraakiisha Xamaas oo looga hadlayo soo jeedintii ugu dambeysay ee xabad joojinta Gaza iyo heshiiska lagu sii deynayo maxaabiista.

Xafiiska Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israel ay aqbashay casuumadda ku aaddan in la bilaabo wada hadalada lagu dhexdhexaadinayo iyaga iyo Xamaas.

Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel ayaa qoraal ku sheegay in Israel aysan aqbali karin wax ka bedelka ay Xamaas dooneyso in lagu sameeyo shuruudihii xabad joojinta lixdanka maalmood ee ay Tel Aviv aqbashay.

Xamaas ayaa waxay habeen hore sheegtay in ay jawaab wanaagsan ka bixisay soo jeedinta xabad joojinta cusub ee Mareykanka uu taageeray, isla-markaana ay aragteeda ku aaddan xabad joojinta 60-ka maalmood u gudbisay dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Masar.

Madaxweyne Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay in Israel ay ogolaatay shuruudaha xabad joojin 60 maalmood ah oo laga sameeyo Marinka Gaza, waxaana uu Xamaas ku booriyay in iyana ay aqbasho. Trump ayaa xilligaasi sheegay in muddada xabad joojinta ku-meel-gaarka ah ay dhinacyada kala shaqayn doonaan, sidii loo soo afjari lahaa dagaalkan.

Ururka reer Falastiin ayaa la sheegay in uu aqbalay qorshaha guud ee xabad joojinta, laakiin uu codsaday in wax ka bedel lagu sameeyo qodobada qaarkood, sida in Mareykanku uu damaanad qaado in dagaalku aanu dib uga bilaaban doonin Gaza, haddii iyaga iyo Israel aysan isku fahmin wada hadalada ay tahay in lagu soo afjaro colaadda Gaza.

Sarkaal Falastiini ah ayaa sheegay in Xamaas ay dhexdhexaadiyeyaasha weydiisatay in ay jirto damaanad qaad ah in colaadda aysan dib u bilaaban doonin, haddii wada hadalada xabad joojinta joogtada ah ay fashilmaan, waana waxa uu Xafiiska Netanyahu ku sheegayo in Israel aysan aqbali karin wax ka bedelka ay Xamaas dooneyso in lagu sameeyo shuruudahaasi.

"Is bedelka ay Xamaas dooneyso in lagu sameyso hindisaha xabad joojina waa mid aysan Israel aqbali karin.” Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska Netanyahu.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in iyadoo laga duulayo qiimeynta xaaladda uu Raysal Wasaare Netanyahu amray in la aqbalo martiqaadka wada hadalada iyo in la raadiyo xiriirka lagu soo celinayo la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza, iyada oo loo marayo dariiqa diblomaasiyadda.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in kooxda Israel ku meteleysa wada hadalada ay maanta u safri doonto Caasimadda Doha.

Wafdiga Israel ayaan si toos ah u horfariisan doonin wafdiga kale ee Xamaas, balse Saraakiisha Qatar iyo Masar oo Mareykanka uu taageerayo ayaa marba koox la kulmi doona, si ay uga dhageystaan waxyaabaha ay ku gorgortamayaan.

Saraakiisha dhexdhexaadiyeyaasha ayaa labada dhinac u kala gudbin doona aragtiyadooda ku saabsan, waxa ay xalka u arkaan, si ugu dambayn haddiiba ay suurtagasho loo gaaro heshiis horseedaya in maxaabiis is dhaafsi la sameeyo.

Madaxweyne Trump ayaa la aaminsan yahay in dalka martida loo yahay ee Qatar uu ku cadaadinayo in uu Xamaas culeys ku saaro in si dhakhsa ah heshiiskan loo saxiixo.

Saraakiisha Aqalka Cad ayaa laga soo xigtay in Madaxweynuhu uu Raysal Wasaaraha Israel ku riixi doono in ay galaan heshiiskan, marka Isniinta berrito ah uu ku qaabilo Aqalka Cad.

Lama sheegin waqtiga saxda ah ee ay wada hadalada ka bilaabanayaan Magaalada Doha, waxaase la filayaa in si degeg ah ay wada hadalada aan tooska ahayn uga bilaaban doonaan magaaladaasi.

Wada hadalada Doha ayaa la qiyaasayaa in ay adkaan doonaan, haddii aysan dhinacyadu tanaasulaad muujin, si xal loogu helo dulduleelada haray.

Inkastoo labada dhinacba ay aqbaleen xabad joojinta uu Mareykanku gadaal ka riixayo, haddana waxa ugu weyn ee wada hadalada adkeynayo ayaa lagu sheegay mustaqbalka Ciidamada Israel ee joogitaankooda Gaza, maadaama kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta ay ka dheregsan yihiin inta ciidamadaasi ay joogaan Gaza uu dagaalka xilli kasta dib uga bilaaban karo.

Dhexdhexaadiyeyaasha ayaa waxay fahamsan yihiin walaaca Xamaas, ee ah in aanan la aamini karin Israel, maadaama aysan aalaaba ixtiraamin heshiisyada la galo, isla-markaana ay jebisay heshiiskii ugu dambeeyay ee saddexda wareeg ka koobnaa ee la gaaray 15-kii bishii January, ka gadaal markii ay bishii March ka hortimid in loo gudbo wejiga labaad, dibna ay u soo celisay duqaymaheedii Gaza.

Cadaadiska Trump iyo rabitaankiisa ku saabsan in xabad joojin laga sameeyo Gaza ayaa go’aamin doona natiijada.

Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaa lagu tilmaamaa hoggaamiyaha keliya ee ajnabi ah ee Israel ka joojin kara in la sii wado dagaalka Gaza.

Mareykanka oo Xamaas ku eedeeyay weerarka lagu dhaawacay 2 ka mid ah shaqaalihiisa

Mareykanka ayaa Ururka Xamaas ku eedeeyay in uu ka masuul yahay weerarka lagu dhaawacay laba ka mid ah shaqaalahooda ka tirsan Hay’adda Humanitarian Foundation (GHF) ee Sabtidii ka dhacay deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ka dhacay xarun gargaarka lagu qaybiyo oo ku taala Khan Yunis, waxayna hay’addu sheegtay in weerarka loo adeegsaday bambo gacmeedyo.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, haweeneyda lagu magacaabo Tammy Bruce ayaa masuuliyadda weerarka dusha kaga tuurtay Ururka Xamaas ee Falastiin.

Haweeneydan ayaa sheegtay in weerarku uu xadgudub ku yahay dadka doonaya in ay gargaarka siiyaan Falastiiniyiinta reer Gaza, isla-markaana uu muujinayo sida ay tiri xumaanta Xamaas.

Tammy Bruce ayaa sheegtay inuusan jirin wax joojinaya shaqaalaha gargarka, oo ay ku tilmaamtay kuwo geesiyaal ah.

"Waxaan u baryaynaa in ay caafimaad degdeg ah helaan dadka Mareykanka ah ee dhaawacmay.” Ayay tiri Tammy Bruce.

Tammy Bruce oo warkan ku sheegtay qoraal ayaan haddana soo bandhigin wax caddeymo ah oo xoojinaya eedeymahooda ka dhanka ah Xamaas.

Militariga Israel ayaa war uu soo saaray ku sheegay in waxa uu ugu yeeray ururada argagixisada ay carqaladeynayaan qaybinta gargaarka ee Gaza.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo muujiyay in uu ka xun yahay weerarka ayaa caafimaad u rajeeyay xubnaha ku dhaawacmay weerarkaasi.

"Shaqaalaha aasaaska waxay qabanayaan shaqo muhiim ah, waxana iyaga io Madaxweyne Trump uga mahadcelinayaa gargaarka.” Ayuu Netanyahu ku sheegay war ka soo baxay xafiiskiisa oo intaasi ku daray "Caalamka oo dhan wuxuu u baahan yahay inuu u istaago oo uu cambaareeyo dhacdada daran, taas oo mar kale muujineysa naxariis darrada Xamaas. ”

Netanyahu ayaa waxa uu Qaramada Midoobey ugu baaqay in ay joojiso diidmadeeda ka dhanka ah Hay’adda GHF, isla-markaana ay taageerto shaqada ay hayso.

Israel oo taageero kaga haysata Mareykanka ayaa aasastay hay’adan oo lagu wareejiyay qandaraasleyaal iyo shirkado dhanka amniga oo Mareykan ah.

Xukuumadda Raysal Wasaare Netanyahu ayaa hay’addan ku wareejisay shaqadii ay hay’adaha bani’aadantinimada muddada dheer ka wadeen gudaha Gaza, iyadoona u wakiilatay keenista gargaarka iyo in ay u qaybiso dadka rayidka ah.

Mareykanka ayaa ah dalka qura ee taageeray hay’addan, halka dunida inteeda kale aan laga soo dhaweyn.

Hay’adaha caalamiga ah ayaa iska diiday in ay la shaqeeyaan hay’adan, maadaama aanan lagu kalsoonaan karin madaxbannaanideeda & dhexdhexaadinmadeeda iyo inaysan ku shaqeyn mabaadi’da aasaasiga u ah hay’adaha bani’aadantinimada.

Midowga Yurub oo lagu tiriyo xulafada dhow ee Israel ayaa xitaa diiday shaqada hay’addan, waxayna Israel ku eedeeyeen in ay hortaagan tahay in gargaarka bani’aadantinimo la gaarsiiyo dadka rayidka ah ee u baahan ee ku nool Gaza oo dhan.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Kaja Kallas ayaa sheegtay in Midowga Yurub uusan taageersaneyn qaabka ay Israel gargaarka uga qaybineyso Marinka Gaza.

Laba qof oo Mareykanka u dhashay oo lagu dhaawacay Gaza

Laba ka mid ah Shaqaalaha Mareykanka ee ka tirsan Hay’adda Gaza Humanitarian Foundation (GHF) ayaa Sabtidii lagu dhaawacay koonfurta Marinka Gaza, ka dib weerar la sheegay inuu ka dhacay goob raashiinka lagu qaybiyo.

Hay’adda GHF ayaa waxay habeen hore sheegtay in werarka ay gaysten Xoogaga Ururka Xamaas, balse ma soo bandhigin caddeymo lagu qanci karo oo arintaasi ku saabsan.

Hay’adda ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in weerarka loo adeegsaday bambaanooyinka nooca gacanta laga tuuro, oo sida ay shegtay lagu tuuray goobta rashiinka lagu qaybiyo ee ay dhawaan ka hirgelisay deegaanka Khan Yunis.

Hay’addan ayaa soo bandhigtay sawirrada jajabka walxaha qarxa, waxayna sheegtay iyada oo aan wax caddeyn ah loo haynin in weerarka ay gaysteen Xoogaga Xamaas.

Warbixinta hay’adda ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dhaawacmay aysan xaaladdoodu halis ahayn, isla-markaana ay heleen daryeel caafimaad.

Dhanka kale Ciidamada Israel ayaa Sabtidii 10 qof oo Falastiiniyiin ah ku dilay koonfurta Marinka Gaza, xilli ay sugayeen in gargaar la siiyo.

Sideed ka mid ah dadkan ayaa lagu dilay afaafka hore ee xarunta gargaarka lagu qaybiyo ee ay Israel daba-yaaqadii bishii May ka furtay deegaanka Rafah ee cirifka koonfureed ee Marinka Gaza, waana goobta ugu badan ee lagu dilo dadka gargaarka u raadsada xarumaha ay ilaaliyaan Ciidamada Israel.

Wax yar ka dib dhacdadaasi, Ciidamada Israel ayaa toogasho ku dilay Falastiini kale oo ku sugnaa nawaaxiga goobta ay GHF raashiinka ku qaybiso ee Rafah.

Qof kale oo Falastiini ahaa ayaa sidoo kale lagu dilay aagga goobta raashiinka lagu bixiyo ee ku taala bariga Khan Yunis, sida uu xaqiijiyay Maamulka Isbitaalka Nasser ee Khan Yunis.

Hay’adda GHF waxay si adag u beenisay in wax toogasho ahi ay Sabtidii ka dhacday xarumaha ay ku leedahay gudaha Gaza, waana caado ay dabeecad ka dhigatay hay’addu in ay si adag u beeniso dadka rayidka ah ee gaajeysan ee lagu dilo goobaha ay gacanta ku hayso.

Qaramada Midoobey ayaa xaqiijisay in boqolaal qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay Marinka Gaza, iyaga oo doonaya in raashiin la siiyo, laga soo bilaabo daba-yaaqadii bishii May, markaas oo hay’addan ay la wareegtay howlaha gargaarka ee Gaza.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa iyana sheegtay in ugu yaraan 743 Falastiiniyiin ah la dilay, in ka badan 4,891 kalena la dhaawacay, tan iyo markii Israel ay GHF ku wareejisay keenista iyo qaybinta ee gargaarka Gaza.

Madaxa Hay’adda GHF, Johnnie Moore ayaa sheegay in uu jiro olole xoog leh oo lagu diidan yahay dadaaladooda gargaar bixinta ee Gaza, sida uu yiri.

Volker Türk, Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ayaa Israel ku eedeeyay in ay gargaarka u adeegsaneyso sida hub oo kale.

Hay’addan ayaan helin taageero caalami ah, marka laga soo tago Mareykanka oo taageeray. Caalamka ayaa ka horyimid hay’addan oo loo arko mid aan sharci ahayn.

Khamenei oo lagu arkay gudaha masjid markii ugu horreysay tan iyo dagaalkii Israa'iil

Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa markii ugu horeysay ka soo muuqday meel fagaare ah tan iyo markii uu bilowday dagaalka Iran kala dhexeyey Isra'iil, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Muuqaallo laga sii daayay telefishinka dowladda ayaa muujinaya isagoo salaamaya dad cibaadaysanayey gudaha masjid Sabtidii, xilli uu ka qaybgalayey munaasabad dhacday maalin ka hor maalinta Caashuuraa, oo ka mid ah ciidaha ugu weyn ee Shiicada.

Soo muuqashadiisii ugu dambeysay waxay ahayd khudbad la duubay oo uu jeediyay intii uu socday dagaalka Iran iyo Israa'iil, kaasoo bilowday 13-kii Juun, intii lagu guda jirayna ay ku dhinteen taliyeyaal sare oo Iranian ah iyo saynisyahanno ka shaqaynayay barnaamijka nukliyeerka.

Israa'iil ayaa weerar lama filaan ah ku qaadday xarumaha nukliyeerka iyo militariga ee dalka Iran, waxaana markaas kadib Iran ay ku jawaabtay weeraro dhanka cirka ah oo ay ku bartilmaameedsatay Israa'iil ah.

Intii lagu jiray dagaalkii 12-ka bari ee u dhaxeeyey Iran iyo Israa'iil, Khamenei, ayaa telefishinka ka soo muuqday saddex jeer oo uu jeediyey farriimo muuqaal ah,markaas oo la isla dhexmray in uu isku qarniyey meel dhulka hoostiisa ah.

Sabtidii, warbaahinta Iran ayaa si weyn u tabisay soo muuqashadii dadweynaha ee Khamenei, iyadoo la baahiyay muuqaallo muujinaya taageerayaal muujinaya farxad markii ay ka arkeen telefishinka.

Khamenei, ayaa la arkay isagoo u jeensanaday dhanka wadaadka Maxmuud Karimi, kuna dhiiri galinaya isaga "qaadsita hesta Qaranka." Heesta waddaniga ah waxay si gaar ah caan u noqotay dagaalkii dhawaan lala galay Israa'iil.

Telefishinka dowladda ayaa sheegay in muuqaalka lagu duubay masjidka Imam Khomeini ee magaalada Tehran, oo loo bixiyay magaca aasaasihii jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

waxaa kale oo Telefishinka Iran uu dadka ugu baaqay inay soo diraan muuqaallo muujinaya dareenkooda ku aaddan soo laabashada Khamenei ee dadweynaha hortooda.

Soo muuqashadiisa waxay ku soo beegmayaa iyadoo dalka Muslimka ah ee Shiicadu u badan tahay , uu ka socdo baroor diiq inta lagu guda jiro bisha Muxaram, kaas oo dhaqan ahaan uu ka qeyb galo hogaamiyaha ugu sarreeya.

Cashuuraa, oo ah maalinta 10-aad ee BishaMuharram oo sanadkan ku beegnayd 5-ta Jully ayaa ah maalin ay Shiicadu u xusaan geeridii Xuseen, oo ahaa wiilkii uu awoowaha u ahaaNebi Muxammad (NNKH).

26kii Juun, hadallo horay loo sii duubay oo laga sii daayay talefishinka dowladda, ayuu Khamenei ku sheegay in Iran aysan isku dhiibi doonin Israa'iil inkasta oo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku baaqay.

Mareykanka ayaa dagaalka ku soo biiray 22-kii Juun, isagoo qaaday weerarro ka dhan ah xarumaha nukliyeerka Iran.

Howlgalkaas waxaa ka qaybgalay 125 diyaaradood oo ciidan ah oo Mareykan ah, waxaana la beegsaday saddex xarumood oo nukliyeer ah: Fordo, Natanz, iyo Isfahan.

Garsoorka Iran ayaa sheegay in in ka badan 900 qof lagu dilay 12-ka maalmood ee dagaalku socday.

Dagaalka ayaa 12-bari ka dib ku istaagay xabbad-joojin uu Maraykanku soo jeediyey kaas oo labada dhinacba ay markii dambe dhaqan galiyeen Iiran iyo Israa'iil.

Dhawaan ayey ahayd markii dowladda Iran markale dareen ka muujisay in loo baahan yahay in Mareykanka uu meesha ka saaraa weerar kale oo ka dhan ah Iran haddii uu doonayo in uu dib u bilaabo wadahadalka diblomaasiyadeed, waxaa sidaa BBC u sheegay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Iiraan.

Majid Takht-Ravanchi waxa uu sheegay in maamulka Trump uu u sheegay inuu doonayo inay Iran ku soo laabtaan wada xaajoodka, laakiin "ma aysan cadeyn mowqifkooda" ku saabsan "su'aasha aadka muhiimka u ah" ee weerarro kale inta ay socdaan wadahadallo.

Xigasho BBC

Israel ee Ergo wadahadal la furto Xamaas u dirtay dalka Qadar

Israa’iil ayaa go’aansatay inay wafdi u dirto Qadar maanta oo Axad ah si ay wadahadal dhow ula yeeshaan Xamaas hindisihii ugu dambeeyay ee xabbad-joojinta Qasa iyo heshiiska sii deynta la haystayaasha.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu aqbalay casuumaadda inkastoo uu ku tilmaamay isbeddel aan la aqbali karin oo Xamaas ay dooneysay in ay ku sameyso qorshe ay soo bandhigeen dhexdhexaadiyeyaal ka kala socda Qadar, Mareykanka iyo Masar.

Habeenimadii Jimcaha, Xamaas waxay sheegtay inay "jawaab wanaagsan” ka bixisay soo jeedinta xabbad-joojinta 60-ka maalmood ah iyo inay diyaar u tahay wadahadal.

Si kastaba ha ahaatee, sarkaal Falastiini ah ayaa sheegay in kooxdu ay codsatay wax ka beddello ay ku jirto dammaanad qaad ah in colaadda aysan dib u billaaban doonin haddii wadahadallada xabbad joojinta joogtada ah ay fashilmaan




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip