
HALKAN KA AQRISO W. WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE 3-DA LUULYO 2025
Dowladda Shiinaha oo sheegtay in ay adkaynayso midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarla -maanka Fedeeraalka Soomaaliya Muda -ne Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sha -lay xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowla -dda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, wa xayna ka wada hadleen adkaynta iyo xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.
Safiirku wuxuu xusay in dowlada Shiinu hu ay adkaynayso midnimada Soomaa liya, iyadoo ay ixtiraamayso qawaaniinta caalamiga ah ee qeexaya madaxa-bannaanida ay leedahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Intaas ka dib, Safiirka ayaa Guddoomi yaha la wadaagay in Dowladda Shiinuhu ay diyaarisay barnaamij aqoon is-way daarsi iyo aqoon kororsi ku saabsan ho wlaha sharci dejinta, korjoogtaynta iyo maamulka ay iswaydaaran doonnaan Aqalka Sare iyo Baarlamaanka Shiinaha, taas kaalin wayn ka qaadan doonta adkaynta xiriirka labada Baarlamaan.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista oo ka hadlay shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka muqdisho
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duuli -sta Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahin ta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ayna leeyihiin howlgal ka Midowga Afrika ee AUSSOM kana soo kacday deegaanka Baledoogle ay ku dhacday qeybta Afasiyooni ee garoon ka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa sheegay in diyaaraddu ay saarnaayeen 8 qof kuwaas oo aan wali la xaqiijin karin xaaladdooda maadaama ay socdaan gurmadyo la xiriira daminta dabka ka ka cay diyaaradda ku bur-burtay halkaas, la na ogaan doono sababta keentay soo dhicista diyaaradda.
Maareeyaha ayaa sheegay in shaqada garoonka hadda sidii caadiga aheyd ay ku socoto, balse la xiray ilaa 600 oo mitir oo ah qeybta diraadaha ay ku ordaan xigtana dhanka Afasiyooni, maadaama halkaas ay ku soo dhaceen walxo la xiri ira bur-burka diyaaradda.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo kulan la yeeshay ku-xigeenka xoghayaha guud ee QM
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuu madda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka socdo shirka caalamiga ah ee Maalgelinta Horumarinta, Marwo Amina Mohamed, Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xooji nta iskaashiga Soomaaliya iyo Qarama da Midoobay, taageerada horumarinta dhaqaalaha, iyo sidii loo dardar gelin la haa mashaariicda muhiimka ah ee taa geeraya nabadda iyo horumarka dalka.
Wasiirka Maaliyada XFS oo la kulmay wakiilka QM uqaabilsan horumarinta dhaqaalaha Africa
Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirwey naha 4-aad ee Horumarinta Maalgashi ga Qaramada Midoobay ayaa waxa uu kulan gaar ah kula qaatay magaalada Seville ee Dalka Spain,Mr. Claver Gate -te oo ah Xoghaya Fulinta Guddiga Dhaq aalaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diir adda lagu saaray horumarada Dowladda Soomaaliya ay ka sameysay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda, kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya iyada oo bulsha da looga faa’iidaynayo iyo hannaanka isbaddalka qorshaha Qaranka (NTP).
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa is af ga rad looga gaaray xoojinta xiriirka wada-shaqeynta iyo horumarinta qorshaya asha maalgalineed ee Dowladda Soo -maaliya u dagsan.
Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa la filayaa in uu ka qeyb galo kulamada heer wasiir ee ku saabsan horumarinta dhaqaalaha iyo in uu kulamo kala duwan la qaato masuulyiin iyo madaxda ka soo qeybgashay shirka sanadkan, kulamadaas oo dhammaantood ku qotoma horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Tanzania oo yeelanaya khad duulimaad toos ah
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaali -ya iyo Jamhuuriyadda Midowday ee Tan -zania ayaa shalay kala saxiixday baaq ka soo baxay kulanka khubarada farsa mo ee labada dal ee ku qabsoomay Ma gaalada Dar es Salaam, oo lagaga had layay xoojinta iskaashiga labo geesood ka ee dhinaca duulimaadka rayidka, wa xaana goob-joog ka ahaa Wasiirrada Arrimaha Dibadda labada dal, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali iyo Mudane Danjire Mahmoud Thabit Kombo.
Baaqa oo ku xusan go’aanno si wadajir ah loo gaaray, ayaa u gogol-xaaraya daah furidda duulimaad toos ah oo u dhexeeya magaalooyinka Muqdisho iyo Dar es Salaam todobaadyada nagu soo fool leh.
Shirkadda Air Tanzania, ayaa duulimaad kaasi billaabi doonta dhowaan, iyadoo looga gol leeyahay kor-u-qaadidda isku-xidhka, ganacsiga, iyo isu socodka mu waadiniinta labada dal.
Labada dal waxa ay sidoo kale ku heshii yeen inay dib u cusboonaysiiyaan Heshii ska Bedqabka Duulimaadyada ee laba geesoodka ah (BASA), oo markii hore la saxiixay sanadkii 1975, tani oo cadday naysa in labada dal ay ka go’antahay ilaalinta heerarka caalamiga ee bedqab ka duulimaadka.
Dukumintiga baaqa ah ayaa waxaa kala saxiixay wakiillo ka kala socday labada dal, iyadoo tani ay ka tarjumayso dadaal lada socda ee lagu xoojinayo iskaashiga, laguna soo ban-bixinayo hindisayaal wax-qabad iyo hore-u-socodba leh.
QM oo dirtay hambalyo ku aaddan madaxbannaanida Soomaaliya
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaab bilsan Soomaaliya James Swan ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan 65 guuradii kasoo wareegatay xoriyadda iyo midowgii labada gobol u diray umma -da Soomaaliyeed.
Mr; Swan ayaa sheegay in Soomaaliya ay wax badan ku faani karto, oo ay ku ji raan guulaha laga gaaray horumarinta nabadda, barwaaqada iyo maamulka, inkastoo ay soo food saartay caqabado.
"Anigoo ku hadlaya magaca bahda Qa ramada Midoobay ee Soomaaliya, wax aan u dirayaa dhammaan Soomaalida hambalyo maalintan muhiimka ah, wax aanan xaqiijinayaa sida ay uga go’an ta hay Qaramada Midoobay in ay taageer to Soomaaliya, maadaama ay ku dadaa layso horumar weyn oo sannadaha soo socda”.
Agaasimaha hay’adda socdaalka oo qaabilay safiirka Jarmalka iyo wafdi uu hogaaminayo
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socda alka iyo Jinsiyadda (HSJ) Mudane Mus -tafa Duhulow ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo uu hoggaami nayay Safiirka Dowladda Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, Amb. Sebastian Groth ayna kamid ahaayeen, Safiir K/xi geenka safaaradda, Madaxa xasillinta iyo Madaxa barnaamijyada harumarinta ee dowlada Jarmalka.
Agaasimaha Guud ayaa wafdiga la wa daagay isbeddelka horumarineed oo ay hay’addu ku tallaabsatay, isagoo si gaar ah u iftiimiyay dadaallada lagu horumari nayo kaabayaasha adeegyada socdaal ka iyo jinsiyadda, sida casriyeynta nidaa myada tiknoolajiyadda, tayeynta shaqaa laha, iyo kor u qaadidda hufnaanta adee gyada ay hay’addu bixiso.
Sidoo kale, Agaasimaha Guud waxa uu Safiirka kala hadlay muhiimadda ay lee dahay aqoonsiga baasaboorka Soomaa liyeed, waxana uu si gaar ah kaga codsaday in la dar dargaliyo aqoonsiga baasaboorka Soomaaliyeed si loo fududeeyo isku- socodka labada dal.
Safiirka Groth ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha Guud soo dhaweynta diirran iyo wada shaqeynta hufan, isag oo bogaadiyay dadaallada ay hay’addu ka waddo dib-u-habeynta iyo casriyey nta nidaamka socdaalka dalka. Waxa uu sidoo kale safiirka sheegay in Dowladda Jarmalka ay wado qorsheyaal ku aad dan aqoonsiga baasaboorka Soomaali yeed, iyadoo qorshuhu yahay in tallaaba da koowaad lagu bilaabo baasaboorka diblomaasiga ah iyadoo lagu xejin doono kan shaqaalaha dowladda iyo Shacabka.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo guddoomiye cusub u magacaabay degmada Kaxda
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ah na Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muung-aab) ayaa Md. Cabdirisaaq Maxamed Sheekh Cabdullaahi u magacaabay Gud doomiyaha Degmada Kaxda ee G/Ba naadir. Waxaana xilkii Guddoomiyaha Degmada Kaxda laga qaaday Md. Cabdi -wali Xasan Nuur.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Kaxda in uu dardargeliyo howlaha shaqo ee loo idmaday.
Wasiirka arrimaha dibadda Malawi oo warqadda aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda waddanka Malawi Nancy Tembo ayaa shalay oo Arbaco ah waxa ay nuqul kamid ah war -aaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoo ntay Danjire Ilyaas Cali Xasan.
"Waxaan si weyn u rajeynaynaa in ay fursadan horseedi doonto xoojinta xiriir ka laabo geesoodka ah gaar ahaan dhin acyada ganacsiga, amniga, waxbara shada iyo iskaashiga guud ahaan gobol ka,” ayuu yiri Danjire Ilyaas Cali Xasan.
Midowga Afrika oo hambalyo ku aaddan 1-da luulyo u diray shacabka Soomaaliyeed
Guddoomiyaha guddiga midowga Afri ka AUC Maxamuud Cali Yuusuf ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyee yay maalinta weyn ee 1da Luulyo, taas oo ku asteysan xornimada gobollada koofureed iyo midowgii labada gobol.
Guddoomiyaha ayaa ayaa sheegay in maalinta xorriyadda ay tahay mid astaan u ah midnimada ummadda Soomaaliy -eed.
Mudane Yuusuf ayaa sheegay in shalay ay ku suntan tahay halganka adkeysiga iyo go’aan qaadashada shacabka Soom aaliyeed, taas oo ugu dambayn keentay in ay 1-dii July 1960-kii helaan madax-banaani, karaamo is-xilqaan iyo aayo ka tashi.
Dhinaca kale, howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa sheegay in xuska ma dax-bannaanida ay Soomaaliya siinayso fursad lagu milicsado laguna xuso guuli hii baaxadda lahaa ee ay Soomaaliya ka gaartay raadinta nabad iyo xasillooni waarta.
AUSSOM ayaa mar kale xaqiijisay in ay taageersan tahay dadaallada nabadda iyo xasilinta ee Soomaaliya, iyadoo xus tay in adkeysiga Soomaaliya iyo go’aan qaadashada joogtada ah ay weli tahay mid horseed u ah horumarka iyo barwa aqada dalka oo sii socota.
NISA oo howlgallo ka fulisay deegaanno hoostaga Moqokori
Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qor sheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku dhuumalaysanayeen xubno katirsan Alshabaab.
Howlgalkaan ayaa yimid kadib markii Cii damadu ay heleen xog sheegaysa in Alshabaab ay dhagar u soo maleegaa yaan shacabka ku nool deegaannada na bada ah ee horay looga xorreeyey, ku waas oo isku aruursanayey Tuulo Mabaax oo Hiiraan ah iyo Tawakal oo Shabeellada dhexe ah.
Saraakiisha Nabad Sugidda ee howlgal kaan hoggaaminaysay ayaa warbaahin ta Qaranka u xaqiijiyey inay dileen tiro maleeshiyaad ah sidoo kalana ay burburiyeen dhowr, fariisimo oo ay ku sugnaayeen Alshabaab .
DF oo war ka soo saartay diyaarad ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulis ta Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Maca llin Xasan oo la hadlay warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda ayaa sheegay in diyaarad nooca Helicopter Army ah oo ay lahaayeen ciidanka midowga Afrika ay ku dhacday garoonka diyaaradaha muqdisho.
Diyaaraddan oo kasoo duushay garoon ka diyaaradaha ee Balli-doogle ayaa sidday 8 qof, wuxuuna sheegay in ay dib ka faah-faahin doonaan wixii qasaara ah ee ka dhashay shilkaasi.
Maareeyaha ayaa sheegay in ay shi lkaasi ay ku howlan yihiin kooxaha dab-demiska iyo gurmadka degdegga ah, wuxuuna intaa ku daray in ay haatan socdaan hubinta qasaaraha iyo nadiifin ta garoonka lana xakameeyay xaaladda.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa sheegay in duullim aadyadii caadiga ahaa ee iman jiray ga roonka muqdisho iyo kuwii ka bixi jirayba ay socdaan, goobta uu shilka ka dhacay na ay u xireen howlwadeennada loo xil -saaray.
Soomaaliya iyo QM oo ka wada hadlay ka hortagga shaqaaleysiinta carruurta
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulsh ada ee Xukuumadda Federaalka Soom aaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxa -med ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Arrimaha Xuquuqul Insaanka iyo Kooxda Ilaalinta ee Xafiiska Qarama- da Midoobay ee Soomaaliya, Ms. KirstenYoung.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xooji nta wada-shaqeynta labada dhinac, gaar ahaan arrimaha xuquuqul insaanka, ilaalinta bulshada (social protection) iyo kor u qaadista badqabka goobaha shaq ada.
Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanq eeyay muhiimadda ka hortagga shaqaal eysiinta carruurta (child labour) iyo difaa ca xuquuqda carruurta aan gaarin da’da shaqada, si looga hortago ku xadgudu bka xuquuqdooda.
Labada dhinac ayaa isla gartay in la dhiso guddi farsamo oo ka shaqeeya dardargelinta wada-shaqeynta iyo hirgel inta qorshayaasha lagu horumarinayo arrimahan muhiimka ah.
Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay xudduudaha dalka
Bayaan kasoo baxay Safaaradda Mare ykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u daah-furtay nidaam cusub oo lagu sug ayo amniga xuduudaha uu la wadaago dalalka dariska la ah, kaasi oo loo adeeg sanayo qalab casri ah oo Mareykanku ugu deeqay Soomaaliya.
War-Saxaafadeedka ayaa lagu xusay in qalabkaan casriga ah uu saraakiisha Hay’adda Socdaalka ka caawinayo inay xoojiyaan guud ahaan amniga Qaranka iyo ka hortegidda tahriibinta sharci- darada ah iyo kooxaha Argagixisada ah.
Daah-furka qalabkaan cusub oo ay ku shaqeyneyso Hay’adda Socdaalka ayaa daba socday tababar afar maalmood socday oo Muqdisho ka dhacay, kaas oo qubaro Mareykanka ka socday ay ku tababarayeen saraakiisha socdaalka Soomaaliya si ay u adeegsadaan Nida amka Isbarbardhigga iyo qiimeynta Aqoonsiga Gaarka ah (PISCES) oo ah qalab casri ah oo lagu isticmaalo goob aha muhiimka ah ee laga soo galo dalka gaar ahaan dhanka xuduudaha si loo hubiyo dadka ka soo gudbaya xadka.
"Nidaamkani waxa uu u ogolaanayaa saraakiisha ku sugan xuduudaha in ay ogaan karaan sugnaanshiyaha saxda ah sharciyada ay wataan dadka xadka ka soo talaabaya nuuckasta oo ay yihiin, lana socdaan dhaqdhaqaaqa shakhsiga ah”. Ayaa lagu yiri bayaanka ka soo ba xay Safaaradda Mareykanka ee Soo -maaliya.
Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM oo ka hadlay shil diyaaradeed oo Muqdisho ka dhacay
War saxaafadeed ka soo baxay howl galka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya ee loo yaqaano AUSSOM ayaa waxaa hadda si rasmi ah loo xaqiijiyay in 3 qof ay ka badbaa deen diyaaradda oo nuuceedu ahaa helicopter-ka oo subaxnimadii shalay ku dhacday gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdi -sho, sida laguna sheegay war saxaafadeed laga soo saaray xafiiska AUSSOM.
Diyaaradan oo Helicopter ahayd ayaa ka soo kacday saldhigga Ciidamada Bali doogle oo 100-km dhinaca galbeedka ka ga beegan magaalada Muqdisho, waxaa na saarnaa 8 qof, 3-da la badbaadiyay ayaa la geeyay cisbitaalka AUSSOM ay kuleeyihiin magaalada Muqdisho.
Maareeyaha hay’adda duulista rayidka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay inay socdaan baaritaano la xiriira sabab ta shilka keentay, sidoo kalena haatan ay si caadi ah u socdaan hawlaha garoo nka.
Dhalinyarada ku shaqeysata Mootada Fekon-ta oo Banaanbax ka dhigaya Isgoyska KM4 ee Muqdisho.
Waxaa shalay isgoyska muhiimka ah ee KM4 ee magaalada Muqdisho ka soc da banaanbax ay dhigayaan dhaliny arada ku shaqeysata Mootada Fekon-ta, kuwaas oo ka cabanaya lacago ay shee geen in laga qaado iyo jirdil ay sheeg een in ciidamada ammaanku kula kac -aan.
Dhalinyaradan ayaa xirtay isgoyska KM4, taasoo sababtay in la hakiyo isku socod ka gaadiidka, waxaana Ciidamada amm aanka ay isku dayayaan inay kala ery aan banaanbaxayaasha, iyagoo isticma alaya rasaas iyo awood ciidan.
Mid kamid ah dhalinyarada ka qeyb qaa daneysay mudaharaadka ayaa warbaah inta u sheegay in "Waxaan ka shaqeys -an la’ nahay ciidamada oo na dhibaatee ya, lacag xoog ah ayey naga qaadaan, mid naga mid ahna shalay waa la dhaa wacay.”
Sidoo kale Dhalinyarada ayaa sheegay in loo diiday in ay maraan wadooyinka Muqdisho, iyadoo sheegay in ay hayst aan sharciga ay siisay dowladda Federa alka Soomaaliya, waxaa ayna dalba deen in laga dulqaado culeyska la saa ray.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda ama laamaha am -niga oo ku saabsan arrintan.
Waxaa laga cabsi qabaa in xiisaddu sii kororto haddii xal degdeg ah laga gaari waayo cabashooyinka dhalinyarada.
Guddoomiye Muuse Salaad "Ma jirto cabsi Al-shabaab looga qabo iney la wareegaan deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan"
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hii -raan Muuse Salaad Wehliye ayaa si adag u beeniyay wararka sheegaya in kooxda Al-shabaab looga cabsi qabo iney dib u qabsadaan deegaano ka tir san gobolka Hiiraan.
Guddoomiye Muuse Salaad ayaa shee gay ineysan jirin wax cabsi ah oo koox da Al-shabaab looga qabo iney la waree gaan deegaan ka tirsan Hiiraan, islamar kaana ay diyaarsan yihiin ciidan awood u leh iney difaacaan deegaanada gobol ka.
"Alshabaab waxay bilawday warar been abuur iyo barabagando ah oo ay dadka reer Hiiraan iney walaac ku abuuraan ay doonayaan, ma jirto wax cabsi ah ama culeys ah oo Khawarijta looga qabo iney qabsadaan deegaana da Moora Eri iyo kuwa kale ee hoostaga Moqokori waa dacaayad Alshabaab faafineyso in dee gaanadan qabsadaan iska daaye wax aan dhawaan xureyndoona degmada Aadan Yabaal" ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye.
Guddoomiye Muuse Salaad ayaa shalay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan u tagay dardar galinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, isaga oo ay wehlinayaan ciidamo aad u tira badan oo ka raacay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Hadalkaan kasoo yeeray guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaa fay Al-shabaab dhaqdhaqaaqyo xoog leh ka waday deegaano badan oo hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiir -aan.
Markabkii Sahminta Shidaal ka sameeyay Soomaaliya oo gaaray dalka Turkiga
Markabka Oruc Reis oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa ku guuleystay in uu dib ugu laabto dalka Turkiga, kadib mar kii uu baaritaan shidaal ka sameeyay xeebaha Soomaaliya, Markabka iyo shaqaalihii la socday ayaa si nabad ah dib ugu soo laabtay dalkooda kadib markii ay soo dhameysteen howlahooda shaqo ee Soomaaliya, sida ay sheegtay warbaahinta caalamka.
15-kii June, mas’uuliyiin ka tirsan dow ladda Soomaaliya ayaa sagootiyay mark abkan oo ka soo ambabaxayay xeebaha caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, Oruc Reis ayaa sahamin ka sameysay saddex goobood oo ku teedsan xeebaha Soomaaliya, kaasoo lagu qiyaasay bed ka 4,000 oo kiiloomitir laba jibaaran.
Howgalkan sahaminta ah ayaa qeyb ka ah heshiis dhex maray dowladda feder aalka Soomaaliya iyo Turkiga oo ku saabsanaa sidii la isaga kaashan lahaa soo saarista shidaalka, Xogta la ururiyay intii lagu jiray sahankan ayaa la filayaa in la lafaguro lana fasiro toddobaadyada soo socda.
Hal ilaa labada bilood ee soo socota ay aa la filayaa in lagu dhawaaqo natiijada rasmiga ah ee sahankan, iyadoo rajo weyn laga qabo in goobaha la ogaaday uu ku jiro kayd shidaal oo aad u badan, Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn u sugaya in la helo shidaal, kaasoo horsee di kara shaqo abuur iyo in si hufan looga faa’ideysto kheyraadka dalka.
Hindisaha sahaminta ayaa la sheegay in uu ka tarjumayo iskaashiga sii kordhaya ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo looga gol leeyahay in sare loo gu qaado horumarinta dhaqaalaha iyo maareynta kheyraadka.
Soo laabashada Oruc Reis ee guusha leh ayaa la sheegay inay astaan u tahay horumar la taaban karo oo laga gaaray raadinta shidaalka Soomaaliya.
Sida la filayo, dad badan oo Soomaal iyeed ayaa rajo ka qaba in dadaalkani uu u horseedi doono qaranka faa’iidoo yin la taaban karo, oo u gogol xaaraya mustaqbal barwaaqo ah.
Trump oo sheegay in Israa’iil ay oggolaatay shuruudaha ku xiran xabbad-joojin ka hirgasha Qasa
Israa’iil ayaa oggolaatay "shuruudaha lagama maarmaanka ah” si loo dham meeyo xabbad joojinta 60-ka maalmood ah ee Trump oo sheegay in Israa’iil ay oggolaatay shuruudaha ku xiran xabba d-joojin ka hirgasha Qasa, ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Inta lagu guda jiro heshiiska la soo jeed iyay, "waxaan la shaqeyn doonnaa dha mmaan dhinacyada si loo soo afjaro da gaalka”, Trump ayaa ku yiri boostada Truth Social, isaga oo aan faahfaahin eynin waxa shuruudaha ah.
"Qadar iyo Masaarida, oo aad uga shaq eeyay in ay gacan ka geystaan sidii Nabad loo keeni lahaa, ayaa soo jeedin doona soo jeedintan kama dambaysta ah. Waxaan rajeynayaa… in Xamaas ay qaadato heshiiskan, sababtoo ah ma fiicnaan doonto – KALIYA WAY KA SII DARI DOONTAA,” Trump ayaa qoray.
Israa’iil ayaa olole militari ka billowday Trump oo sheegay in Israa’iil ay oggo laatay shuruudaha ku xiran xabbad-joo jin ka hirgasha Qasa ka dib markii Xam -aas ay 7 Oktoobar, 2023 weerar ku qaadday Israa’iil, halkaas oo ku dha waad 1,200 oo qof lagu dilay. Ugu yaraan 56,647 ayaa lagu dilay Trump oo sheegay in Israa’iil ay oggolaatay shuruu daha ku xiran xabbad-joojin ka hirgasha Qasa tan iyo markaas, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.
Hadalka Trump ayaa imaanaya ka hor kulan uu la yeelanayo Ra’iisul Wasaara ha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo la qorsheeyay toddobaadka soo socda, kaasoo madaxweynaha Mareykanka uu sheegay in uu "aad u adag yahay”.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa Talaa dadii sheegay inuu rumeysan yahay in Netanyahu uu doonayo inuu soo afjaro colaadda Trump oo sheegay in Israa’iil ay oggolaatay shuruudaha ku xiran xab bad-joojin ka hirgasha Qasa.
"Wuxuu rabaa, waxaan kuu sheegi kar aa inuu rabo, waxaan u maleynayaa ina an heshiis isla geli doonno toddobaadka soo socda,” ayuu Trump ku daray.
Talaadadii, wasiirka istaraatiijiyada Isra a’iil Ron Dermer ayaa lagu waday inuu Washington kula kulmo ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Bariga Dhexe Steve Witkoff, xoghayaha arrima ha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio iyo madaxweyne ku xigeenka JD Vance.
Xigasho:-BBC
Ukriane oo walaac xooggan ka muujiyey tallaabo uu Maraykanku qaaday
Ukraine ayaa walaac ka muujisay in go’ aanka maamulka madaxweyne Trump uu ku hakinayo qaar ka mid ah hubka Mareykanka uu geyn jiray Kyiv uu dhii rragelin karo Ruushka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ukra -yn ayaa martiqaadday diblomaasi Mare ykan ah si ay ula yeeshaan wadahadallo. Waxayse ka mahadcelisay taageerada Mareykanka, wasaaraddu waxay si adag u sheegtay in dib u dhac kasta ama gaa bis ku yimaada caawinta awoodaha difaaca ee Ukrayn ay kaliya dhiirrigelin doono gardarrada Ruushka in uu dag -aalka sii wado halkii uu nabad u raadin lahaa.
Mareykanka ma uusan xaqiijin hubka ay saamyn doonta hakintooda, laakiin wa xaa la rumeysan yahay inay ku jiraan gantaalada difaaca hawada ee Patriot iyo madaafiicda. Kremlin-ka ayaa soo dhaweyeyeey go'aanka Mareykanka.
Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ukra -ine ayaa ku tilmaamay hakinta Marayk an mid 'xanuun'. Leh xilli dulaanka Ruushka ee Ukraine ayaa sii socda.
Maxaa keenay in madaxweyne dhintay 45 sano ka hor loo sameeyo aas qaran
Madaxweynihii hore ee Liberia, William Tolbert ayaa loo sameeyay aas qaran, kaddib 45 sano oo ka soo wa reegtay markii lagu dilay afgambi iyada oo la rumeysan yahay in meydkiisa uu ku jiray dad lagu aasay xabaal wadar eed.Toban maalmood kaddib markii madaxweynaha la dilay ayaa maxkamad ku taalla Kangaroo, 13 ka mid ah golahiisa wasiirrada laga xayuubiyay xila lkii ay hayeen. Intaas kaddib waa xidhay ka hor intii aan idl toogasho lagu fulun.
Toogashadaasi waxay ka dhacday xeeb ta xigta xero ciidan oo ku taall caasim adda Monrovia.Meydadka 14 ka nin aya an midkoodna la helin, balse nin walba loo smaeeyay aas qaran oo ay ka qeyb galeen madaxweyne Joseph Boakai iyo marti sharaf kale.Munaasabadan ayaa loo arkayay mid dib u heshiisiin ah oo qeyb ka ah hannaanka uu dalka uga soo kabanayo rabshadihii dhawaan dhacay.
War cusub oo ka soo kordhay dacwadda loo haysto "Diddy"
Garsoorayaasha dacwadda fannaanka Sean "Diddy" ayaa iksu raacay afar ka mid ah shanta eedeymood ee lagu soo oogay, balse waxay sheegeen in aanay weli go’aan ka gaadhin eedeynta ugu cu lus oo ah "dambiyo abaabulan" oo had dii lagu helo keeni kara xabsi daa'in.
Jawiga maxkamadaynta ayaa ahaa mid kacsan. Diddy oo 55 jir ah ayaa fadhiyay isagoo madax hoos u dhigaya, gacmihii sana isku dhejinaya. Garsoorayaashu waxay mar kale kulmi doonaan subaxa Arbacada si ay u sii wadaa go’aan ka gaadhista fannaankan.
Diddy waxa uu beeniyay dhammaan sha nta eedeymood oo ay ku jiraan: kufsi, dambiyo abaabulan iyo ka ganacsiga galmada.
Fannaankan caanka ku ah heesaha Hip-hop ee Sean "Diddy" Combs ayaa haa tan ku jira xabsi heer federaal dalkaasi Mareykanka waxaana loo heystaa eedeymo la xiriira wax is dama marin iyo xad-gudubyo galmo.
Xiriddiisa toddobaadkii lasoo dhaafay ee magaalada New York ayaa imaaneysa iyadoo dacwado dhowr ah laga gudbiyay oo ku saabsan tacaddi galmo iyo kuwo jir ahaaneed, qaarkood ayaa loo heystaa inuu galay sanadihii 1990meeyadii.
Dacwoodaha 11aad ahna qofkii ugu da mbeeyay, Thalia Graves, ayaa sheegtay in Combs iyo ilaaladiisa ay dhulka ku jii deen ayna kufsadeen sanadkii 2001, ay na duubeen dhacdada.
Madaxweynaha Iiran oo saxiixay sharci joojinaya wada-shaqeynta dalkiisa iyo haya’dda IAEA
Madaxweynaha Iiran Masoud Pezesh -kian, yaa si rasmi ah u saxiixay sharci joojinaya wada-shaqeynta Tehran la leedahay hay’adda kormeerka nukliyeer ka ee Qaramada Midoobay, IAEA. Sha rcigan ayaa horay waxaa u ansixiyay baarlamaanka Iiraan, waxaana oggolaa day Golaha Ilaalinta Dastuurka ee awoo dda badan leh.
Tallaabadan waxay timid kadib weerarro ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen xarumo nukliyeer iyo shaqsiyaad ka tirsan barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.
Sharciga ayaa sii shaqayn doona ilaa shuruudo gaar ah la fuliyo, kuwaasoo ay ka mid yihiin ilaalinta xarumaha nukliyee rka Iiraan iyo badbaadinta saynisyahann ada ka shaqeeya barnaamijkaas.
Sharciga muwaadinnimada Maraykanka lagula noqonayo iyo saamaynta uu Soomaalida ku yeelan karo
Maamulka Trump ayaa iskudaba ridaya dadaal la xiriira in qaar kamid ah muw aadiniinta Ameerikaanka lagala noqdo dhalashada Maraykanka, taasi oo dho waan ay shaacisay waaxda caddaalada oo ku jihaynaysa xeer ilaaliyaasha inay muhiimadda siiyaan in sharciga lagala laabto muwaadiniinta gala dambiyada.
''Warqad ayey dowladdu soo saartay bi -shii la soo dhaafay ee Juun 11, qaybta waaxda muwaadiniinta ee aan ahayn qaybta dambiyada ayaana loo diray, dh -owr arrimood ayay ka hadlaysay, qaybta ugu muhiimsan ee dadku xiisayanayaan ayaa waxa ay tahay dadka sharciga lagala laaban karo. Waxyaabaha marka ay rabaan inay diirada saaraan ayaa waxa ay tahay dadka dambiga galay oo kale.
Arrimaha ay carrabka ku dhufteen ee ay leeyihiin qofka sharciga waa looga qaadi karaa waxaa ay yihiin, qofkii waddanka khatar ku ah oo kale, dadka burcadda ah, kooxaha daroogada ka shaqeeya iyo dadka horay dambiga u galay ee aan sheegin markii ay sharciga qaadanay -een'' ayay tiri qareen Jamiila Gurxan oo ah khabiirmuddo dheer ka shaqaynay say arrimaha socdaalka.
Waxaa kale oo ka mid ah dadka ay saa maynayso dadka sida khaldan u qaatay lacagihii Covid19, sida ay sheegtay.
Muwaadiniinta Maraykanka ee tagay dalkaasi, ka dib markii ay ku dhasheen dibadda ayaa lagu qiyaasaa ilaa 25 milyan.
''Inta badan marka dadka sharciga laga qaadayo waxaa lala tiigsadaa maxkama dda qaybta dambiga, haddii qofka dambi lagu soo oogo oo qaybta dambiyada la soo saaro, waxa uu xaq u leeyahay in dowladu qareen u qabato''.
Saamaynta ay ku yeelan karto Soomaal ida. Soomaalida ayaa ka mid ah muw aadiniinta dalkaasi Maraykanka ku nool, iyada oo ay qayb ka noqon karaan dad ku uu saameynayo.
''Soomaalida waxa uu u saamayn karaa, inta badan qofka sharciga leh oo kale, haddii dambi lagu soo oogo oo kale ama dowlada waxa ay rabto ha ahaato ama dowlada gobolka ama magaalada ha ahaato. Inta badan laanta socdaalka meesha ma soo gasho, hadiiba sharci dhamaystiran wadanka ku leeyahay, hadda qodobada ay soo saareen ayaa waxaa ka mid ah haddii qof leh dhalasho oo waddanka ku haysta oo anaga aan siinay dhalashada dambi lagu soo oogo oo qareenada dowlada u shaqeeya noo soo gudbiyaan, taas laftirkeeda ayaan sharci kula laaban karnaa, marka taas aad ayay saamayn weyn u yeelan kartaa'' ayey tiri.
Jamiila Gurxan ayaa BBC u sheegtay in aysan caddeyn in ay arrintan ay saam ayn ku yeelan karto dadka Maraykanka tagay ee aan ka run sheegin xogta looga diiwaan galiyay ka hor in aysan noqon muwaadiniin Maraykan ah.
''Taas ilaa hadda ma cadda, laakiin ma aysan sheegin sida ay caddeymada ku keenayaan, dowladdan wax kasta ayaa ka suurtoowda oo ka macquul ah inay sameeyaan. Inta badan baarayaasha Maraykanku ma isticmaalaan wadama da shisheeyaha sida wadamada Afrika oo kala ah macluumaadka ka yimaada, maxkamadaha inta badan ma qiimeey aan, marka taas waa dhici kartaa, wax walba ka filo dowlada Donald Trump uma malaynayo inay tahay wax degdeg ah u dhici kara'' ayey sii raacisay.
Welwelka laga qabi karo arrintan ayaa qareenku sheegtay inuu aad u weyn yahay. ''Welwel weyn ayay keeni kartaa oo arrintu waa ay cusub tahay wax ay ka reebeen ma laha, waxa ay ka dhigeen in qof kasta furi karo kiiska, waxaa kamid ah kaarka caafimaadka oo kale, iyo qaybta (civil) ka maxkamada kiiska ay soo gudbiso oo kale".
HALKAN KA AQRISO W. WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE 3-DA LUULYO 2025
.