
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 06-07-25
Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Isu Duwaha Qaramada Midoobay ee Arimaha Gargaarka Xafiiska Soomaaliya Mudane George Conway.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Xasilinta, Dib-u-heshiisiinta iyo Gargaarka, iyadoo la adkeeyay muhiimadda xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac.
Dowladda Soomaaliya oo markale kucelisay in maalgelin loo helo howlgalka AUSSOM
Dowladda Soomaaliya ayaa soo cusbooneysiisay baaqeedi ku aaddan kordhinta taageerada ay beesha caalamka siiyaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo maalgelin joogto ah oo ay ku bixiso howlgalka nabad ilaalinta ee muhiimka u ah xasilinta Soomaaliya.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cali Maxamed Cumar ayaa baaqan jeediyay Khamiistii xilli uu socday kulan dhanka fogaan araga ah oo heer wasiir ah oo ay yeesheen Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC), kaasoo diiradda lagu saarayay xaaladda ammaan ee Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Wasiir Cali Balcad oo la hadlayay wasiirada kale ayaa muujiyay sida ay Soomaaliya uga xuntahay shilkii 2-dii bishii July ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo galaaftay nolosha shan askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Uganda, Wuxuuna tacsi u diray qoysaskii ay ka geeriyoodeen, dowladda Uganda, iyo guud ahaan Howlgalka AUSSOM.
Waxa uu xusay in taageerada ay ka heleen saaxiibada Afrika ay door ka qaateen dib u soo celinta dhulalka xagjiriinta, soo celinta adeegyada bulshada ee muhiimka ah, iyo dib u dhiska hay’adaha qaranka ee asaasiga ah.
Iyadoo AUSSOM ay hadda si buuxda u shaqa bilawday 1-da Luulyo iyadoo la raacayo habraacyada cusub oo ogolaanaya in loooso diro Soomaaliya 11,911 Askari, ayuu wasiir Cali wuxuu ku tilmaamay howlgalka inuu yahay ajendaha amniga qaranka ee Soomaaliya.
Waxa uu carabka ku dhuftay in ay diiradda saarayso ilaalinta rayidka, ilaalinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo taageeridda ciidamada Soomaaliya si ay uga jawaabaan khataraha ka imaanaya kooxaha Argagixisada.
Si loo dammaanad qaado sii jirista howlgalka, Wasiir Cali Balcad waxa uu ku baaqay in la qabto Shirweyne Maalgelineed oo AUSSOM ah, isaga oo soo jeediyay in mid kamid ah wadamada Khaliijku martigeliyaan.
Wasiir Fiqi oo hambalyeeyey doorka difaaca dalka ee dhalinyaradda Soomaaliyeed
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin fiqi oo ka hadlay Munaasabad ay soo qabanqaabiyeen Golaha Dhalinyarada Qaranka iyo dhallinyarada Caasimada, looguna ducaynayay halyeeyadii u dhintay xornimada dalkeenna ayaa ku dhawaaqay in qorshaha Wasaaradda gaashaandhiga ay ku jirto asaaska qorshaha Daryeelka Agoonta Ciidanka qaranka taas oo lagu bixin doono waxbarashadooda.
Wasiirka oo ka hadlayey dagaalka lagu jiro kooxaha Al-shabaab ayaa si weyn ugu hambalyeeyey doorka dhalinyaradda Soomaaliyeed ka qaateen dib u xoraynta deegaanada al-shabaab laga xoreeyey” dhalinyaradda Soomaaliyeed waxay laf dhabar u yihiin dagaalka ka dhanka ah al-shabaab, waxay ka dagaalamayaan furimaha dagaalka iyagoo ilaalinya sharafta dalkooda.”ayuu yiri wasiir Fiqi.
Dhinaca kale wasiirka ayaa ganacsatada uga digay in ay lacag baad ah ku bixiyaan telefono u soo dirtay Al-shabaab” Dowladdu way dadaashay waxay xirtay koontooyin Bangi, qofkii lagu qabto isagoo al-shabaab lacag siinaya waxa la geyn doonaa Maxkamad” ayuu yiri wasiir Fiqi,
Dowladda Fedaraalka oo magacaawday guddi ka shaqeeya dhameystirka dhismaha maamulka SSC Khaatumo
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa shalay wareegto uu soo saaray si rasmi ah ugu magacaabay guddiga farsamo ee dhameystirka maamul goboleedka SSC Khaatumo.
Guddigan farsamo ayaa ka kooban illaa 8 xubnood, kuwaas oo ay Wasaaraddu ugu talo gashay ka shaqeynta dhamaystirka iyo maamul u samaynta SSC Khaatumo, si waafaqsan habraacyada dastuuriga ah iyo siyaasadda dib u heshiisiinta qaranka.
Xubnaha guddigan ayaa waxa guddoomiye looga dhigay Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi, halka guddoomiye ku xigeenka loo magacaabay Cabdinasir Xaaji Maxamed.
Waxaa sidoo kale xubnaha guddigan ku jira xubno ka socda ama kasoo jeeda gobolka Sanaag, taasoo ka dhigan in dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay gobolka Sanaag ku darayso maamulka SSC Khaatumo.
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed
Madaxweynaha maamul goboleedka Konfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo laga Dhisaayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku-meel Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed.
Munasabada Dhagax-Dhiga Madaxwe-naha waxaa kala Qeybgalay Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Koonfur Galbeed Marwo Zahra Cusmaan Axmed, Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Mudane Cabdulaahi Cali Watiin iyo Mas’uuliyiin kale.
Xarunta Shalay uu Dhagax dhigay Madaxweyne Laftagareen ayaa ka kooban qeybo kala duwan iyadoona noqon doonta mid lagu Tababaro Maclimiinta Koonfur Galbeed.
Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wasiirka Tamarta iyo mas’uliyiin ka socda shirkad laga leeyahay Dalka Norway oo Baydhabo usoo gaaray Horumarinta Korontada.
Madaxweyne Laftagareen ayaa Wafdiga ka socday Dowladda Norway la wadaagay qorshaha ballaaran ee maamulka Koonfur Galbeed ku dooneyso in lagu horumariyo adeegyada tamarta iyo Haqabtirka Bahiyaha Koronto ee haysta Bulshada.
Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Al-shabaab deegaanka Gumarre
Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa shalay Al-shabaab ku weeraray deegaanka Gumarre oo hoostaga degmada Moqokori, halkaas oo lagu jebiyey, lagana saaray cadowga Al-shabaab ah.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in firxadka Al-shabaab ay u sii baacsanayaan dhanka deegaanka Ceel-qooxle, isla markaana goobihii lagu dagaalamay ay daadsan yihiin meydadka Al-shabaabtii shalay lagu ekeeyey weerarka.
Laba nin oo Xoolo dhaqato ahaa oo shalay lagu dilay gobolka Galgaduud
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Balicad oo ka mid ah deegaanada hoostaga Dhabad ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi duhurnimadii shalay lagu dilay laba nin oo xoolo dhaqato ahaa.
Labada nin ee la dilay ayaa la sheegay iney deegaan ahaan kasoo jeedeen degmada degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxaana dilkooda geystay maleeshiyaad hubeysnaa oo dilka kadib si deg deg ah uga baxsaday goobta.
Wali si rasmi ah looma oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilkaan loo geystay ragaan xoolo dhaqatada ahaa, hayeshee waxaa lala xariirinaya dilkooda inuu salka ku haayo arimo la xariira aano qabiil.
Dilka labada marxuum ee xoolo dhaqatada ahaa ayaa durba abuuray xaalad cabsi ah oo laga qabo in dhacdadan ay sii huriso xiisadaha colaadeed ee mudooyinkii dambe ka jiray qeybo kamid ah gobolka Galgaduud.
Gobolka Galgaduud waxa uu ka mid yahay meelaha ugu badan oo ay ka dhacaan dagaal beeleedyada, waxaana halkaasi marar badan ka dhacay dilal argagax badan oo la xariira aanooyin qabiil
Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka socda gobolka Hiiraan ku dhawaad 12 saacadood
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saacado badan qaatay oo wali ka socda deegaano u dhaxeeya degmooyinka Moqokori iyo Aadan Yabaal oo ka kala tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo u dhaxeya ciidanka Macawiisleeyda oo garab ka helaya kuwa dowladda oo dhinac ah iyo Al-shabaab.
Dagaalka ayaa lasoo warinaya inuu haatan ka socdo tuulooyin ku dhadhaw deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan oo dhaca xadka ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Dagaalkaan oo soo bilaawday waabarigii hore ee shalay ayaa ah mid marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaayay, maadama labada dhinacba ay kala gaarayeen gurnadyo ciidan oo xoog leh.
Ciidamada iskaashanaya ayay u suurta gashay in dagaalka shalay soo bilaawday kula wareegaan deegaano dhowr ah oo ay ka mid yihiin Gumare, Xagare iyo Ceel qooxle oo ah dhamaantood deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.
Sarkaal ka tirsan ciidanka Macawiisleeyda oo la hadlay HOL ayaa inoo sheegay in dagaalka shalay khasaare xoogan ku gaarsiiyeen kooxda Al-shabaab ee maalmahii lasoo dhaafay dhaqdhaqayada ka waday deegaanadaan hoostaga Moqokori.
"Meydadka Al-shabaab waa daadsan yihiin dagaalka shalay kusoo bilaawnay wali waan wadna oo hada xabadu waxay kasii dhaceysa dhaga kore ee Ceel qooxle, dhimashadooda 30 kor ayay u dhaaftay anaga dhankeena 5 dhimasho ah ayaa jirta, dagaalkana wuu sii soconaya ilaa aan ka tagno Aadan Yabaal" ayuu yiri sarkaal lagu magacaabo Axmed Jimcaale oo ka tirsan ciidanka Macawiisleeyda.
Si kastaba ha ahaate dagaalkaan shalay ka dhacay deegaanada ka tirsan Hiiraan ayaa noqonaya dagaalkii ugu xoogana ee waayahaan dambe ka dhaca deegaanada gobolka Hiiraan.
Sanaag: Xiisad colaadeed oo ka dhex taagan ciidamo ka tirsan Puntland iyo ciidamo uu hoggaaminayo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka puntland
Xiisad colaadeed ayaa ka taagan gobolka Sanaag, gaar ahaan tuulada Ceelbuh, taasoo u dhaxaysa ciidamo ka tirsan Puntland iyo kuwa uu hoggaaminayo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in iska horimaad ka dhacay halkaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah. Ciidamada Puntland ayaa la sheegay in ay halkaas tageen si ay u hor istaagaan shir aayo ka tashi ah oo lagu waday inuu ka dhaco deegaanka Ceelbuh.
Sida la fahamsan yahay, Puntland waxay ciidamo u dirtay deegaankaas si ay uga hortagto siyaasiyiin xiriir la leh dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasoo lagu eedeeyay inay wadaan dadaallo lagu doonayo in gobolka Sanaag lagu daro maamulka SSC Khaatumo.
Waxaa jira cabsi xooggan oo laga qabo in dagaal toos ah uu ka dhex qarxo labada ciidan ee halkaas ku sugan, iyadoo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, uu goobta ku sugan yahay.
Cabdirashiid ayaa kamid ah siyaasiyiinta hormuudka ka ah ololaha lagu doonayo in Sanaag qayb ka noqoto maamulka SSC Khaatumo.
Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa dhawaan ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay faragelin siyaasadeed iyo qalalaase ka wado gobolka Sanaag, iyagoo adeegsanaya siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka.
Dhanka kale, cuqaasha iyo waxgaradka gobolka Sanaag ayaa bilaabay dadaallo nabadeed, waxayna si ku meel gaar ah u hakiyeen shirka aayo ka tashiga ahaa ee lagu waday in lagu qabto Ceelbuh, si looga hortago sii xumaanshaha colaadda
Madasha Samata-bixinta iyo beesha Caalamka oo shir uga furmay Xalane
Xubnaha Ergada Beesha Caalamka ee C6+ iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliya ayaa goordhow shir uga furmay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa yimid kaddib laba maalin kulankii dhexmaray Madaxda Mucaaridka iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo aan wax heshiis ah ka gaarin ajandayaashii ay ka doodayeen.
Sida aan ogaanay Madasha Samatabixinta ayaa Beesha Caalamka hordhigaysa in Madaxweyne Xasan Sheekh aysan dhab ka ahayn in si rasmi looga heshiiyo qodobada la isku hayo, qorshihiisuna yahay iibsiga waqtiga iyo ku socoshada doonistiisa gaarka ah.
Xubnaha Beesha Caalamka ayaa dadaal xoog leh gelinaysa in dhinacyada Soomaalidu heshiis wadar ogol ah gaaraan ka hor dhammaadka muddo xileedka Madaxweyne Soomaaliya.
Xamaas oo jawaabteeda xabad joojinta u gudbisay dalalka dhexdhexaadiyeyaasha
Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa sheegay in jawaabtooda ku aaddan xabad joojintii dhawaan la soo jeediyay ay u gudbiyeen dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Masar.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa 1-dii bishan sheegay in Israel ay ogolaatay shuruudaha xabad joojin 60 maalmood ah oo laga sameeyo Marinka Gaza, isaga oo xilligaasi Xamaas ugu baaqay in ay iyana ogolaato, waxaana uu xusay in muddada xabad joojinta ku-meel-gaarka ah ay dhinacyada kala shaqayn doonaan, sidii loo soo afjari lahaa dagaalkan.
Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay dhexdhexaadiyeyaasha u gudbisay jawaab togan, oo ay ka bixisay soo jeedintii ugu dambeysay ee xabad joojinta.
Xamaas ayaa bayaankeeda ku sheegtay in ay bixisay jawaab wanaagsan oo la xiriirta aragtideeda ku aaddan soo jeedinta xabad joojinta cusub ee 60-ka maalmood ah ee Mareykanku uu taageeray.
Xamaas, Israel iyo Mareykanka midna ma faah faahin shuruudaha xabad joojinta, balse waxaa la rumeysan yahay in Xamaas laga dalbaday inay sii deyso 10 maxbuus iyo inay wareejiso meydadka 18 qof, taas oo ay ku bedelaneyso in Israel ay joojiso weeraradeeda militari ee Gaza iyo in gargaarka bani’aadantinimo la fasaxo.
Xabad joojinta la soo jeediyay ayaan lahayn wax damaanad qaad ah in aanu dagaalka dib uga bilaaban doonin Marinka Gaza.
Xamaas ayaa la sheegay in ay aqbashay qorshaha guud ee xabad joojinta, balse ay codsatay in wax ka bedel lagu sameeyo qodobada qaarkood, sida in Mareykanku uu damaanad qaado in dagaalku uu ku egyahay marka ay xabad joojintu dhaqangasho, haddii iyaga iyo Israel ay isku fahmi waayaan wada hadalada soo socda ee la doonayo in lagu dhameeyo dagaalka.
Mareykanka, Qatar iyo Masar ayaa qaban-qaabinaya kulamo aan toos ahayn, oo Saraakiisha Xamaas iyo Israel ay kaga arrinsanayaan waxa xiga, ka dib xabad joojinta lixdanka cisho ah.
Madaxweyne Trump ayaa Talaadadii sheegay in Isniinta soo socota uu kulan adag la yeelan doono Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, marka uu soo booqdo Aqalka Cad, isla-markaana uu kala shaqayn doono baahida loo qabo in la soo afjaro colaadda Gaza.
Ajandaha ugu muhiimsan ee kulankooda Washington ayaa lagu sheegay arrinta Gaza iyo weeraradii Israel & Mareykanka ay bishii June ku beegsadeen xarumaha nuclear-ka ee Iran.
"Waxaan raadinaynaa in xabad joojinta Gaza ay dhacdo toddobaadka soo socda.” Ayuu yiri Trump oo muujiyay in Israel uu ku cadaadin doono in ay si dhakhsa ah u joojiso duqaymaheeda Gaza.
Hoggaamiyaha martida loo yahay ayaa si cad u sheegay rabitaankiiisa ku aaddan in xabad joojin laga sameeyo Gaza, laakiin illaa iyo hadda ma bixin wax damaanad qaad ah oo uu ku xaqiijinayo in dagaalku aanu dib uga soo cusboonaan doonin Gaza.
Trump oo hanjabaad hor leh u jeediyay Putin
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trumpayaa sheegay in uu kala hadlay dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin suurtogalnimada cunaqabateyn hor leh oo uu ku soo rogo haddii uu sii wado dalgaalka uu ku hayo Ukraine.
Isagoo wariyeyaasha kula hadlayey gudaha diyaaradda madaxweynaha qaadda, xilli uu safar ahaa, ayuu carrabka ku dhuftay wadahadal Khadka telefoonka ku dhex maray isaga iyo Putin, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in uu Ruushka aad ugu adadag yahay arka la barbar dhigo dalalka kale ee dunida oo Iran ka mid tahay.
"Illaa hadda (aniga iyo Putin) waxan leennahay isfaham wanaagsan, wuxuuna si wacan ula socdaa suurtogalnimada cunaqabateyn lagu soo rogo," ayuu yiri Trump oo ka hadlayey farriinta uu la wadaagey Madaxweyne Putin oo u uku tilmaamay "khabiir".
Donald Trump ayaa in dhaweydba la kulmayey dhaleecayn ku aaddan in uu aad ugu nugul yahay Vladamir Putin, wuxuuna u muuqdaa in dalqaadku ka sii idlaanayo.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa ka baaraandegaya in uu cunaqabteyn cusub saaro Ruushka, ka dib markii uu ka niyad jabay wadahadallo uu dhawaan la yeeshay Putin oo weli ku foogan dagaal qaraar oo uu kula jiro Ukraine.
"Aad ayaan uga niyad jabay wadahadalladii aan la yeeshay Madaxweyne Putin. Wuxuu rabaa in uu dagaalka ku fogaado, islamarkaana uu sii wado dilka dad intaan ka badan, taasina waa wax aan la aqbali karin," ayuu yiri Trump oo ka hadlayey wadahadal natiijo la'aan ku dhammaaday oo labada nin dhex maray 3-dii Luulyo.
Trump ayaa intaas ku daray in ay wadahadalkaas sidoo kale iskula soo qaadeen arrimo dhowr ah oo ay ku jirto xiisadda bariga Dhexe, gaar ahaan Iran.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in dhanka kale uu arrinta Ukraine kala hadlay ra'isul Wasaaraha jarmalka Merz about oo ay isla soo qaadeen codsi uga yimid Ukraine, kaas oo ay ku dalbaneyso gantaallaha lidka gantaallaha ee Patriot, kaas oo sida uu sheegay ay isku afgarteen in dhawaan loo daabulo Ukraine.
Ka dib wadahadalkii Putin, Trump wuxuu la hadlay Madaxweyne Zelensky afartii bisha Luulyo, wallow aan la shaacin waxa ay ka wada hadleen.
Wakaaladda Wararka Mareykanka ee Axios oo soo xiganeysa ilo aan la magac-dhabin ayaa warisey in Trump uu muddo 40 daqiiqo ah khadka telefoonka kula hadlayey dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelensky, kaas oo ay isla soo qaadeen nuuca hubka Mareykanku uu u dirayo dalkaas.
Zelensky oo goor dambe warbaahinta la hadlay ayaa tibaaxay in madaxweyne Trump uu ogolaaday in la abaabulo shir labo geesood ah oo lagu lafoguro sidii loo xoojin lahaa hannaanka difaaca cirka Ukraine.
"Waxaan yeelannay wada-xaajood qotodheer oo ku aadden iskaashi labo geesood ah oo lagu soo saarayo nuucyada hubka ee labadeenna dalba u baahan yahiin."
Ruushka ayaa sii ambaqaaday weerarrada dhanka cirka ah ee uu ku beegsanayo gudaha Ukraine, ku waas oo ay fulinayeen diyaaradah duuliyaha aan lahayn, wax yar ka dib markii uu soo gabagaboobay wadahadalkii dhex maray madaxweyneyaasha Mareykanka iyo Ruushka.
Xigasho BBC
Ciidamada Burundi oo muddo 6 bilood oo dheeri ah sii joogidoona Soomaaliya
Midowga Afrika ayaa u kordhiyay joogitaanka ciidamada Burundi ee Soomaaliya muddo lix bilood ah, iyagoo sii ahaanaya qeyb ka mid ah howlgalka cusub ee AUSSOM.
Tani waxay imaaneysa kadib markii horey loo qorsheeyay in ciidamada Burundi ay ka baxaan dalka ugu dambeyn 30-ka Juun 2025.
Go’aankan ayaa yimid kadib kulan ay yeesheen Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AU Peace and Security Council) oo lagu xusay baahida degdegga ah ee lagu buuxinayo "meelaha bannaan" ee ka jira ciidamada AUSSOM, maaddaama dib u dhac uu ku yimid soo gudbinta ciidamada ka socda dalalka kale ee ku biiraya howlgalka, gaar ahaan Masar.
Ciidamada Burundi ayaa si kumeelgaar ah u sii joogaya si ay u xoojiyaan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, iyagoo sidoo kale taageero siinaya dowlad-dhiska iyo sugidda amniga gudaha Soomaaliya.
Waxaa la rajeynayaa in inta lagu guda jiro lixda bilood ee kordhinta ah, dhammaan dalalka kale ee ciidamo ku biirinaya AUSSOM ay si buuxda u soo dhameystiraan diyaar-garowgooda.
Go’aankan ayaa muujinaya caqabadaha weli ka taagan kala-guurka laga sameynayo howlgalka ATMIS loona gudbayo AUSSOM, iyadoo arrimaha dhaqaalaha iyo qorsheynta ciidamada ay yihiin caqabado weli taagan.
"Turkiga iyo Israa'iil oo qarka u saaran in iska hor imaad uu dhex maro" -Financial Times
Wargayska kasoo baxa Ingiriiska ee Financial Times ayaa daabacay maqaal uu ugu magac daray "Turkiga iyo Israa'iil oo qarka u saaran iska hor imaad inuu dhex maro" sida ay tiri qoraaga maqaalka Asli Aydin Taşbaş.
Qoraaga ayaa ku billowday maqaalka iyada oo far fiiqaysa dagaalkii u dambeeyay ee u dhaxeeyay Israa'iil iyo Iiraan, taasi oo dhalisay "dib u sawiridda awoodda Bariga Dhexe" Waxaa ay ku doodaysaa khatartii ugu weynd ee kasoo bixi lahayd dagaalka aysan kasii dhex jirin labada dal, laakiin taa badalkeeda ay soo ifbaxayso tartanka u dhaxeeya Turkiga iyo Israa'iil.
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa dhowaan qeexay niyada cusub ee Ankara, isaga oo ka sheegay kulanka ururka iskaashiga Islaamka. ''Ma jirto dhibaato Falastiini, Lubanaani, Suuriyaan, Yemeni ama Iiraani ah, laakiin ay caddahay dhibaatada Israa'iil''.
Argatida ayaa iftiiminaysa wareega isbeddelka malaha Turkiga ee booska Israa'iil ay ka taagan tahay gobolka,'' sida ay sheegtay qoraaga. ''Mar waxaa uu ahaa bahwadaag, ka dib tartame, waxaana hadda sii kordhaya argatida laga qabo oo ah mucaarad buuxa.''
Qoraaga ayaa aaminsan in Ankara ay dareemayso kacsanaan la xiriirta Israa'iil iyo aqoonsigeeda cusub ee sida hogaaminta awoodda gobolka ee kalsoonida leh, door madaxweynaha Turkiga Racep Tayyip Erdogan uu muddo dheer jamanayay.
Waxa ay soo qaadatay eedihii dhowaa ee siyaasiga Turkiga Devlet Bahceli, oo bahwadaag muhiim ah la ah Erdogan uu ku dooday Israa'iil isku dayayso "Qabsashada Anatolia" iyo daciifinta Turkiga, isaga oo ku doodaya malahan uusan ahayn mid kasii dhex jira dowlada Turkiga iyo warbaahinta caadiga ah.
Qoraaga ayaa sheegtay muuqa guud ee jamashadan uu yahay mid ka cad gudaha Israa'iil, halkaasi oo qaybaha ammaanka aasaasiga looga arko saamaynta Turkiga ee gobolka inay tahay khatar muddo dheer ah "in ka badan khatarta Iiraan"
Taageerada Erdogan ee aan qarsoonayn ee Xamaas ayaa muujisay fahamka falcelinnada kasoo baxay ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu dowladdiisa taasi oo dhalisay isweydaarsiga eedeymaha dhaleecaynta iyo xoojinta xiriirka Israa'iil ee Kurdida Suuriya, taasi oo Ankara ay muddo dheer u aragtay halis, sida ay qoraagu sheegtay.
"Gobol aan horayba u sii degenayn, colaad u dhaxeysa, labo kamid ah kuwa ugu awoodda badan ee milatariga- oo labaduna saaxiib la ah Maraykanka- ayaa laga yaabaa inay dhaliso jabinta isu dheelitirnaanta awoodda, " ayay qortay.
Qoraaga ayaa eegaysa colaadda u dhaxeysa labada awoodood inay noqoto aragti siyaasadeed iyo mid dhuleed, iyo tan Suuriya- ka dib dhicitaankii maamulka Bashar al-Assad- waa tan ugu muhiimsan ee suurtagalin karta iskudhac.
Halka Turkiga uu raadinayo midaynta saamayntiisa ee Suuriya, iyada oo taageeraysa bahwadaagtooda kuwaasi oo hadda awoodda jooga iyo dalabka dowlad dhexe oo bahwadaag la ah Ankara, Israa'iil ayaa kordhisay weeraradeeda cirka iyada oo taageero u muujisay madax banaanida Kurdishka iyo Druze-ka Suuriya, iyada oo aragti tuhun ah ka qabta maamulayaasha cusub ee Suuriya sabab la xiriirta asalkoodii jihaadka.
Xigasho BBC
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtimes 06-07-25
........