
HALKAN KA AQRISO W.WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE 2-DA LUULYO 2025
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Ka Qeybgalay Xuska Maalinta Xoriyadda Iyo Midnimada Dalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Mudane Xasan Shee -kh Maxamuud oo ka qeybgalay munaa sabadda xuska sannad guurada 65-aad ee xornimada iyo Midnimada dalkeenna ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baa qay in ay xoojiyaan wadajirkooda, midni mada iyo dowladnimada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Taliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka Si da oo uu wehelinayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa salaan sharaf kaga qaatay Taallada Daljirka Dahsoon cutub yo ka tirsan Ciidamada Qaranka oo gaar dis ku soo maray qeybi ka mid ah wada da Maka Al-Mukaramma ee magaalada Muqdisho.
Dabbaal-degga munaasabaddan waxaa ka qeyb ka ahaa diyaaradaha qumaatiga u kaco ee Ciidanka Badda iyo Cirka Soo maaliyeed, dabaabadaha iyo gaadiidka dagaalka ee ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska, kuwaas oo soo bandhigay sida Ciidamada Qalabka Sida ee dalkeennu ay ugu diyaarsan yahay difaaca, ilaalinta amniga, midnimada iyo gobanimada dalkeenna.
Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federa -alka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo ku astaysan 65- guurada xornimada iyo Mi -dowga Labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ayaa saaka ubax dhigay Taala da Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muq -disho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr. Xa san Sheekh Maxamuud ayaa ubax-dhig ga ka dib waxa uu Salaan Sharaf ka qaa tay cutubyo ka kala tirsan qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida, kuw aasi oo soo bandhiggay gaadda-ka-ca yaar iyo dhoollatus ay ku muujinayeen cududda iyo qalabka Ciidamada Soo maaliya.
Munaasabadda, oo ay goobjoog ka aha ayeen wakiillada beesha caalamka u joo ga Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay gawaarida kala duwan ee Cii damada, hubka culus iyo Diyaaradaha dagaalka, kuwaasi oo hawada sare ka soo daadinaayay warqado ay ku xar dhan yihiin hal-ku-dhigyo ka turjumaya xuska 1-da Luulyo
Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda xuska 1-da Luulyo.
1-da Luulyo markii Gobolada Koonfu reed ee dalkeena ay ka xorroobeen gum eystihii Talyaaniga islamarkaana ay mi doobeen Gobolada Waqooyi iyo kuwa Koonfureed ee dalkeena ayaa laga xu say goobo badan oo dalka ka mid ah.
Bangiga Adduunka oo sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu hoos u dhacayo sanadkan 2025
Warbixin cusub oo uu soo saaray Ban giga Adduunka ayaa muujinaysa in koba ca dhaqaalaha Soomaaliya la filayo inuu hoos u dhaco sanadkan 2025, sababo la xiriira hubanti la’aanta deeqaha dibadda ee dalku aadka ugu tiirsan yahay.
Bankiga Adduunka ayaa kula taliyay Dowladda Soomaaliya inay laban laabto dadaallada lagu xoojinayo ururinta dakhl iga gudaha si loo dhiso dowlad isku filan oo adkeysan karta, isamarkaasna hoos loo dhigo saamaynta ka dhalan karta ku tiirsanaanshaha gargaarka dibadda.
Sanadkii 2024, dhaqaalaha Soomaal iya ayaa gaaray kobac dhan 4.0%, sida lagu sheegay Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee 2025, taasoo ah daaba caaddii tobnaad ee uu dorraad shaaciy ey Bangiga Adduunka.
Kobacan waxaa horseeday wax-soo-saa rka beeraleyda oo soo hagaagay, xoojin ta lacagaha xawilaadaha, iyo hoos u dha ca qiimaha badeecooyinka caalamiga ah.
"Waxaa lama huraan u ah Soomaaliya in ay sii waddo dhisidda hay’adaha dhaqaa le ee adkaysan kara, si ay ula tacaasho duruufaha ka jira una horseedo kobac waara oo joogto ah,” ayay tiri Kristina Svensson, Maamulaha Bangiga Adduun ka ee Soomaaliya.
Hoos u dhaca qiimaha alaabaha caala miga ah ayaa yareeyay sicir-bararka san nadka 2024, iyadoo heerka sicir-bararka sanadlaha ah uu hoos uga dhacay 6%. Sida lagu sheegay warbixinta uu soo saaray Baanka Adduunka.
Baanka Adduunka ayaa Dowladda Fede raalka ku ammaanay maaraynta khara shaadka iyo horumar laga sameeyay ur urinta canshuuraha. Si kastaba ha ahaa tee, adeegyada dowladeed ayaa weli si weyn ugu tiirsan deeqaha caalamiga ah.
MW hore Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay 1-da Luulyo ee maalinta xorriyadda.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mohamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambaly eeyay munaasabadda weyn ee 65-guu -rada kasoo wareegtay maalinta xorriyad da, midnimada iyo dowladnimada Soom aaliyeed oo ku beegan 1-da Luulyo.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in toddo baadka xorriyaddu uu xambaarsan yah ay xusuus iyo qiime weyn, maadaama uu ka dhashay halgan dheer oo ay sha cabka Soomaaliyeed u galeen sidii ay isaga dulqaadi lahaayeen heeryadii gu meystaha, ugana dhaxli lahaayeen dow ladnimo sal adag oo ay iyagu leeyihiin.
Wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay:
Mar walba xusuustaan halgankii iyo taar iikhdaas dahabiga ah,
U duceeyaan halyeeyadii nafahooda iyo dhiiggooda u huray xorriyadda, gobann imada iyo dowladnimada aan shalay hay sanno.
"Hambalyo Munaasabadda 1-da Luul -yo,” ayuu ku soo gabagabeeyay farriintii sa, isagoo muujiyay dareen qaranimo iyo wadaninimo ku dheehan xusuusta maalinta taariikhiga ah.
Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay siyaasiyiinta mucaaradka inay ciidamo ka qoranayan gudaha Puntland
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ay -aa sheegay in ay siyaasiyiin ku howlan inay si sharci-darro ah ciidamo uga qor anayaan Puntland, isagoo ku tilmaa may fal fool xun oo aan la aqbali karin.
Madaxweyne Deni wuxuu si toos ah ee dda ugu jeediyay qaar ka mid ah siyaa siyiinta mucaaradka ah ee reer Punt land, isagoo ku booriyay in haddii ay hayaan aragtiyo ama dhaliilo siyaasa deed, ay si nabad ah u soo bandhi gaan.
"Laga yeeli maayo qof kasta oo doona ya inuu burburiyo nidaamka dowla deed ee Puntland. Ma jiri doonto in gac maha laga laabto cid kasta oo ku xad-gudubta dastuurka iyo sharciga dalka,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Wuxuu sheegay madaxweyne Deni in qaar ka mid ah dadka ku lugta leh qor ista ciidamada ay haystaan xasaanad. Wuxuu tilmaamay haddii maamulka uu tallaabo ka qaado, dadkaasi in laga dhigi karo in dowladdu ay caburinayso dadka ka aragtida duwan.
Dhawaan, Guddoomiyaha Baarlamaan ka Puntland ayaa isna sheegay in gob olka Sanaag ay ka socdaan howlo cii dan-qoris ah, isagoo eedda dusha uga tuuray siyaasiyiin kasoo horjeeda Pun tland. Wuxuu caddeeyay inaan la aqb ali doonin wax kasta oo sharci-darro ah oo halis gelinaya amniga iyo midni mada maamulka Puntland.
Xog aan helnay ayaa tilmaamaysa in Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Gu ddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, uu kamid yahay dadka lagu eedeeyay in ay ka dambeeyaan qoris ta ciidamada.
Abwaan Cabdirashiid, oo hadda ah xild hibaan ka tirsan Puntland, ayaa kamid ah siyaasiyiinta u ololeynaya in gobol ka Sanaag uu ku biiro maamulka SSC-Khaatumo. Waxaan xogta ku helnay inuu arrintaan kala shaqeynayo Dowla dda Federaalka Soomaaliya oo taagee raysa in Sool iyo Sanaag ay ku midoo baan SSC-Khaatumo.
Baarlamaanka Puntland ayaa haatan wadahadal ka leh qorshe xasaanad-ka -xayuubin ah oo ka dhan ah Xildhibaan Cabdirashiid, taasoo haddii la fuliyo suuragal ka dhigi karta in dacwad ras -mi ah lagu soo oogo.
RW ku xigeenka Soomaaliya oo ka qeyb galay shir ka dhacay dalka Spain
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuu -madda Federaalka Soomaaliya, Muda ne Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay Shi rka 4aad ee Caalamiga ah ee Maalgel inta Horumarinta oo sanadkan lagu qabtay magaalada Seville ee dalka Spain.
Shirkan oo tobankii sanoba mar la qab to ayaa diiradda saaraya dib-u-eegista iyo hagaajinta qaab-dhismeedka nidaa mka maalgelinta horumarinta caalam ka, iyadoo la doonayo in la helo hann aan cadaalad iyo sinnaani ku dhisan oo u fududeeya dalalka nugul inay hela an maalgelin la awoodi karo, la heli ka ro, oo joogto ah.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo ha dal ka jeediyay madasha ayaa adkee yay muhiimadda shirkan iyo baahida loo qabo isbeddel dhab ah oo lagu xa qiijinayo in nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ahi uu si hufan ugu adeego dalalka nugul. Waxa uu sidoo kale ifti imiyay xaaladda Soomaaliya, guulaha ay ka gaartay dib-u-habeynta iyo dada alka joogtada ah ee lagu dhisayo dha qaale xasilloon oo loo dhan yahay.
Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ugu dambeyn ku baaqay in la taageero dalalka nugul si ay u helaan maalgelin ku habboon oo waxtar leh, iyadoo la tixgelinayo duruufahooda gaarka ah, isla markaana la xoojiyo matalaaddoo da go’aan-qaadashada nidaamka maal iyadeed ee caalamiga ah.
Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaa shiga Caalamiga, Mudane Cabdisa laan Cabdi Cali, ayaa shalay oo Talaa -do ah kula kulmay Magaalada Dar es Salaam, dhiggiisa Tanzania, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Bari ga Afrika, Mudane Danjire Mahmoud Thabit Kombo, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagi xoojin karo xiriirka labo geesoodka, laguna ballaarin karo iska ashiga dhinacyada kala duwan si loo gaaro horumar labada dhinac ah, loo na qoto-dheereeyo wax wadaagga.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen Wasiirro iyo mas’uuliyiin sare oo labada dal ah, ayaa lagu caddeeyay ka go’naanshaha labada dhinac ee kor-u-qaadidda iskaa shiga labo geesoodka, iyadoo diiradda lagu saarray arrimaha dano wadaagga.
Qodobada ugu muhiimsan ee lagu fall anqeeyay fadhiga waxaa ka mid ahaa fududaynta ganacsiga, gaadiidka cirka, dal-ku-galka, iyo isdhaafsiga dhaqanka. Labada dhinacba waxa ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay hagaajinta isku xidhka iyo fududaynta isu socodka dadka iyo badeecadaha, iyagoo ku hes hiiyey in la qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo iskaas higa iyo is-dhexgalka gobolka.
Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay
Ergada Soomaaliya ee fadhida Isba haysiga Ciidamada Wadamada Islaam ka ee La-dagaalanka Argagixisada (IMCTC) ee xaruntiisu tahay Riyaad, Sacuudi Carabiya, ayaa shalay xarun ta Isbahaysiga ku qabatay xaflad lagu xusayay 65-guurada Xorriyadda iyo Midnimada Soomaaliya.
Xafladda waxaa ka qeyb galay ergada dalalka xubnaha ka ah Isbahaysiga, waxaana Madaxa Ergada Soomaaliya, Gen. Cabdiraxmaan Maxamed Tuurya re, uu dhambaal hambalyo ah oo uu ka gudoomay Xoghayaha Guud ee Isba haysiga, Gen. Maxamed Saciid bin Mogeydi.
Gen. Tuuryare ayaa sidoo kale khudb -ad ka jeediyay oo uu kaga hadlay horu marka Ciidanka Xoogga Dalka Soom aaliyeed iyo kaalinta ay shalay ka gaysan garaan xasillinta xasaradaha dunida Islaamka.
Xafladda waxaa lagu soo bandhigay fil -im dukumenteri ah oo soo bandhigay taariikhda, dhaqanka iyo guulaha Soo maaliya ee dowlad-dhisidda iyo la-da gaallanka argagixisada.
Qalbi Dhagax oo loo doortay Guddoomiyaha Garab kamid ah ONLF, iyo Garab kale oo diiday doorashadiisa
Cabdikariin Sheekh Muuse Qalb Dha hagax ayaa magaalada Jigjiga loogu doortay Guddoomiyaha Jabhadda Xo raynta Ogaadeeniya (ONLF), isaga oo madax ka noqonaya garab kamid ah jabhadda oo taageersan wada-shaqey nta dowladda Itoobiya. Dhanka kale, garab kale oo mucaaradsan dowladda, kana hawlgala dibadda, ayaa si cad u diiday doorashadiisa.
Qalbi Dhagax ayaa lagu doortay shir wayne maalmihii lasoo dhaafay ka soc day magaalada Jigjiga, kaasoo uu aba abulay garabka ONLF ee taageersan dowladda Itoobiya. Hase yeeshee, ga rabka mucaaradka ah ee uu hoggaa miyo Cabdikariin Sheekh Maxamed Mahdi (Maaday) ayaa ku tilmaamay doorashadaasi mid sharci darro ah.
"Jabhadda Xoraynta Ogaadeeniya ee ONLF gabi ahaanba waxay kasoo horj eeddaa shirka sharci-darrada ah ee sida siyaasadaysan loo abaabulay, kaasoo si been abuur ah loogu tilmaa may shirwayne ONLF ah,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo ba xay garabka uu Maaday hoggaamiyo.
Garabka dibad-joogga ah ayaa ku eed eeyay dowladda Itoobiya in ay si toos ah uga shaqeynayso burburinta ONLF. Waxay sheegeen in "qorshahan ay si wadajir ah u abaabuleen xisbiga Bar waaqo, Guddiga Doorashooyinka Qara nka Itoobiya iyo Dowladda Deegaanka Soomaalida,” ujeeddadiisuna tahay in la kala jabiyo jabhadda.
Madaxweynaha Dowladda Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar), oo si weyn u taageera garab ka ONLF ee dowladda la shaqeeya, ayaa soo dhaweeyay doorashada Qal bi Dhagax. Wuxuu sheegay inay ka go’ an yahay la shaqeynta hoggaanka cus ub.
"Waxaan u hambalyeynayaa Guddoo miyaha cusub ee ONLF, Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax). Waxaa naga go’an inaan dhammaan ururrada siyaasadeed ee Deegaanka kala sha qeyno maslaxadda iyo masiirka umma dda, iyada oo ay gundhig u tahay xooj inta nabadda, xasilloonida iyo horum arka Deegaanka,” ayuu Madaxweyne Cagjar ku qoray bartiisa Facebook.
Garabka ONLF ee uu Maaday hoggaa miyo ayaa ku doodaya in dowladda Itoobiya ka baxday heshiisyadii naba deed ee la gaadhay sannadkii 2018. Waxay sidoo kale dowladda ku eedee yeen in ay wado qorshayaal cusub oo lagu wiiqayo awoodda ONLF, sida kala qaybin iyo carqaladayn.
Madaxweyne Cagjar ayaa iska fogee yay eedahaas, isagoo sheegay in gara bka Maaday uu "badownimo” ku waja hayo siyaasadda, isla markaana ONLF hadda tahay xisbi siyaasadeed. Wuxuu intaa ku daray in haddii xisbiyada ay kala qaybsamaan ama xubno laga sasabto, ay taasi tahay sunnaha siyaa sada iyo tartank dimoqraadig ah.
Garabka Maaday ayaa hore u sheegay in ay dib u qaadan doonaan hubka had dii dowladda Itoobiya ka caga jiiddo in ay timaado miiska wada-hadalka. Mad axweyne Cagjar ayaa dhankiisa shee gay inuu diyaar u yahay wada-hadal, balse aanu dhankiisa ka arkin wax yidi diilo ah oo kasoo muuqda garabka Maaday.
Degmooyinka Doorasho qof iyo cod Lagu Doortay ee Puntland oo Wajahaya Caqabado Dhaqaale iyo Khilaafaad Siyaasadeed
Dowladaha hoose ee laga hirgeliyay degmooyinka Puntland kadib dooras hooyinkii dimuqraadiyadeed ee la qab tay sanadihii u dambeeyay ayaa waja haya caqabado dhaqaale oo daran, taasoo si toos ah u saameysay adeeg yada bulshada iyo hannaanka shaqo ee dowladahaasi.
Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo, do -wladahan hoose ma helaan wax mii saaniyad uga timaadda Puntland. Qaar ka mid ah waxay la tacaalayaan dakhli la’aan gudaha ah, maaddaama uusan ka jirin nidaam canshuur uruurineed.
Taageeradii xaddidnayd ee ay horey uga heli jireen Puntland ayaa hoos u dhacday, taasoo keentay in ay bateen caqabadaha maaliyadeed, isla markaa na ay soo baxaan khilaafaad joogto ah oo u dhexeeya maayorrada iyo xildhib -aanada deegaanka – gaar ahaan mur ano ka dhasha maaraynta dhaqaale ya rida jirta.
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Puntl and ayaa dhawaan xaqiijiyay inuu he lay cabashooyin badan oo ka yimid degmooyinka cusub, kuwaasoo la xirii ra eedo musuqmaasuq iyo khilaafaad.
Guddoomiyaha Hantidhowrka Cis maan Maxamuud Cali ayaa sheegay in warbixinada ay muujinayaan in Gola yaasha deegaanka loo galay dano gaar ah oo dhaqaale, halkii ay xildhib aanadu ka metali lahaayeen danaha shacabka.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Xisbiga Mustaqbal ee Puntland, Maxamed Si -ciid Siibad, oo ka hadlayay xaaladda dowladaha hoose kadib shir siyaasa deed oo ka dhacay Muqdisho, ayaa sheegay in degmooyinkani ay "meel cidlo ah ku sugan yihiin", maaddaama aysan helin taageeradii laga sugayay Dowladda Federaalka iyo tan Puntland midna.
Maalmo ka hor guddoomiyaha Baarla maanka Puntland, Cabdrisaaq Axmed Saciid ayaa sheegay in muran iyo buuq badan uu ka taagan yahay gola yaasha deegaanka Puntland, isagoo sheegay in guddoomiyayaasha deg mooyinku ay ka cago jiidayaan inay qabtaan kalfadhiyada dastuuriga ah isagoo sheegay in ay ka cararayaan bu qa xildhibaanada.
Safiirka Soomaaliya ee Aaljeeriya oo la kulmay wasiir dowlaha arrimaha dibadda dalkaas
Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhi ya dalka Aljeeriya Danjire Yusuf Axme -d Xasan( Yusuf Jeego) oo Kulan mira-dhal ah la qaatay wasiiru Dowlaha Wa saarada arrimaha dibadda ee dowla dda Aljeeriya marwo Salma Bakhta Mansuuri.
Kulanka inta uu socday waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiya deed, iskaashiga horumarinta dhaqaal aha, amniga iyo sidii loo horumarin lah aa nabadda iyo xasilloonida guud aha an gobolka geeska Afrika.
Sida oo kale, kulanka waxaa looga wa dahadlay sida ay uga go’an tahay laba da dal iskaashi wax-ku-ool ah, iyo in ay si buuxda uga qeyb qaadato dowlada Aljeeriya, dadaallada ay wado dowlada federaalka Soomaaliya ee ladagaalan ka ururuda argagixisada.
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Is kaashiga Caalamiga, Mudane Cabdi salaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii oo Isniin ahayd kaga qeybgalay Xuska 65 guurada Maalinta Gobonnimada dhis maha cusub ee Safaaradda Jamhuuriy adda Federaalka Soomaaliya ee Ma gaalada Daaru Salaam ee dalka Tanza -nia, oo xalay la xarig jaray si rasmi ah markii dib u dhis ballaaran iyo qalaba yn lagu sameeyay.
Munaasabadda oo ay ka soo qeybga leen mas’uuliyiin ka kala tirsan dowlad aha Soomaaliya iyo Tanzania, dibloma asiyiin iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa si wacan u qabsoontay.
Wasiirka ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay maalinta gobonnimada da lka ee ku beeggan Kowda Luulyo, isa ga oo caddeeyay halganka taariikhiga ahaa ee Soomaalida ay naf iyo maal ugu hureen iska dul-qaadidda heerya da gumaysiga, xaqiijinta xorriyad iyo gobonnimo dhammaystiran oo qiimo mug weyn leh oo waara u leh midnima da, madax-bannaanida iyo hanka qar anka. Waxa uu bogaadiyay naf-huri dda jiilashii hore, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay dhowridda qarannimada Soomaaliya iyo bedqab keeda dhuleed, badeed iyo cir , iyada oo loo marayo diblomaasiyad iyo iskaa shi joogta ah.
Mas’uuliyiinta kale ee Soomaaliyeed ee goob-joogga ka ahaa xafladda da baaldegga Kowda Luulyo, waxaa ka mid ahaa Wasiirka Xanaanada Xool aha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay), iyo Xildhi baanno ka tirsan Baarlamaanka Fede raalka Soomaaliya. Dhanka Dowladda Tanzania, waxaa xafladda uga soo qeybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Bariga Afrika, Mudane Danjire Mahmoud Thabit Kombo, iyo mas’uuliyiin kale oo sare.
Dabaaldegga ayaa lagu furay calan-saarka iyo tumidda heeska calanka Soomaaliya. Danjire Ilyaas Cali Xasan ayaa soo dhoweeyay martida, isaga oo ka hadlay qiimaha weyn ee ay leedah ay 1-da Luulyo, xusayna in ay astaan u tahay midnimada iyo rajada qara nka.
Maalinta Gobonnimada Soomaaliya waxaa lagu xusaa midowgii taariikhiga ahaa ee gobollada Waqooyi iyo Koon fur 1-dii Luulyo 1960-kii, taasoo horsee dday dhismihii Jamhuuriyadda Soo maaliya. Waa maalin qaran oo ku weyn Ummadda Soomaaliyeed, dibna loo millicsado waayihii adkaa ee loo maray xoriyadda, is-raaca iyo dowlad dhiska Soomaaliya, waa maalin mudn -aanteeda leh oo ku suntan himillada qarannimada dalka.
Somaliland oo Socdaalka Madaxweynaha ee Qatar Ku Tilshalayy Mid Guul Ah, Iyada oo Eedaysay Soomaaliya
Xukuumadda Somaliland ayaa sheeg tay in safarka uu Madaxweynaha Som aliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabd -illaahi Cirro, ku tagay dalka Qatar uu ahaa mid guul ah, isla markaana hors eedi doona iskaashi cusub. Sidoo kale, waxay dowladda Federaalka Soomaali ya ku eedaysay in ay hagardaamo joogto ah ku hayso Somaliland.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Axmed Yaa siin Sheekh Cali Ayaanle, oo ka warbi xiyay socdaalka Madaxweynaha, ayaa sheegay in inkasta oo Qatar ay aamin san tahay midnimada Soomaaliya, ay xukuumadda Somaliland masuul ka ta hay inay qanciso xitaa dowladaha saax iibka la ah Muqdisho.
"Adduunyada aaminsan midnimada Soomaaliya ayaanu la hadleynaa, ann aguna waxaan dooneynaa inaan u caddeyno in madax-bannaanida So -maliland aanay waxba u dhimayn dana ha guud ee ummadda Soomaaliyeed, balse ay wax badan u kordhinayso. Warka kasoo baxay dowladda Qatar waa mid diblomaasiyadeed,” ayuu yi dhi Wasiir Ayaanle.
Wasiirku wuxuu sheegay in hadallada diblomaasiyadeed iyo xaqiiqadu mar walba kala duwanaan karaan. "Tusaa le ahaan, waddamo taageersanaa wee rarkii uu Maraykanku ku qaaday Cir aaq, kharashkiisana 50% bixiyay, ayaa haddana cambaareeyay weerarkaas iyaga oo fadhiya Jaamacadda Carab ta,” ayuu yidhi.
Wuxuu intaa ku daray in socdaalka Ma daxweynaha uu kusoo dhammaan doo no guul, islamarkaana laga filayo maalgashi weyn oo kasoo baxa. Sidoo kale, wuxuu xusay in Qatar ay ka mid tahay dowladaha xidhiidhka dhaw la leh Maraykanka, sidaas darteedna loo baahan yahay in si qoto dheer looga dhaadhiciyo qadiyadda Somaliland.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uu ku eedeeyay inay si gaar ah uga shaqeynayso hagardaamaynta Somali land, islamarkaana ay doonayso inay dhul Somaliland ka mid ah ka dhigto maamul goboleed hoos yimaada, taa soo uu sheegay in lagu wiiqayo mada x-bannaanida shacabka reer Somalil and. Wasiir Ayaanle ayaa intaa ku dar -ay in dowladda Soomaaliya ka xunta hay socdaalka Madaxweyne Cirro uu ku tegay Qatar.
"Siyaasaddu waxay tahay in xataa cad -owgaaga aad la shaqeyso haddii dant aadu ku jirto. Haddii qof dagaal kugula jiro aad ku tiraahdo ‘Salaama calay -kum’, 50% cadhoodkiisa ayaad deji say,” ayuu yidhi.
Dowladda Qatar oo iyaduna dorraad ka hadashay kulanka dhex maray Mad axweynaha Somaliland iyo Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Sheikh Maxamed bin Cabdiraxmaan Al-Thani, ayaa sheegtay in kulankaasi uu ku saabsa naa xalinta dhibaatooyinka Soomaaliya, islamarkaana ay taageersan tahay mid nimada dalka Soomaaliya.
Qatar waxay sheegtay in Ra’iisul Was aaruhu uu la kulmay "Madaxweyne ka socda gobol ka mid ah Soomaaliya.” Sida oo kale, Kenya ayaa hore u shee gtay in Somaliland tahay gobol ka tir san Soomaaliya, kadib markii Madax weyne Cirro uu booqasho ku tagay halkaas.
Xukuumadda Somaliland ayaa hadalla daasi ku tilshalayy kuwo siyaasadeed oo aan ka tarjumayn waxa dhab ahaan looga wada hadlay kulamada heerarka sare ah, waxayna sheegtay in siyaas adda rasmiga ah ee ay la wadato Qat-ar ay ka duwan tahay hadallada diblom aasiyadeed oo ay ku tilshalayy qaar "dadban".
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in uu bilaaban doono duulimaadyo toos ah oo Muqdisho iyo Dar es Salaam
Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daaud Aweys ayaa sheeg -ay in todobaadyada soo socda ay bi laaban doonaan duulimaadyo toos ah oo Tanzania iyo Soomaaliya kadib he -shiis dhex maray labada Dowladood.
Wasiir Daaud Aweys ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya iyo Tanzania ay ku heshiiyeen inay bilaabaan duulim aad toos ah oo u dhexeeya Muqdisho iyo Daarasalaam, iyadoo la filayo inay bilaabman doonto toddobaadyada soo socda ka dib wadahadalo muhiim ah oo laba geesood ah oo ka dhacay ma gaalada Dar es Salaam.
"Duulimaadyada qaranka Tansaaniya, Air Tanzania, ayaa la filayaa inay ku hawlgasho heshiiskaan cusub." ayuu wasiirka ku yiri qoraal usoo dhigay bart iisa X.
Heshiiskaan Dowladda Soomaaliya wa xaa u saxiixay Wasiirka Arrimaha Diba dda Abdisalam Abdi Ali, halka Tanza nia na u saxiixay dhigiisa, Maxamuud Thabit Kombo, oo ah Wasiirka Arrima ha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah Tanzania.
Intaa waxaa dheer, labada dal waxay ku heshiiyeen inay cusbooneysiiyaan Heshiiskooda Badbaadada Duulimaad yada ee Laba geesoodka ah (BASA), kaas oo markii hore la saxiixay 1975.
Macawiisleeyda gobolka Hiiraan oo howlgal qorsheysan ku dilay ku dhawaad 10 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab
Wararka ka imaanaya deegaanka Ma -baax ee gobolka Hiiraan ayaa sheeg aya in ciidamada Macawiisleyda gobol ka Hiiraan aroornimadii hore ee shalay howlgal qorsheysna oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka fuliyeen duuleedka deegaanka Mabaax.
Howlgalka Macawiisleeyda Hiiraan ka fuliyeen duuleedka deegaanka Mabaa -x ee gobolka Hiiraan ayaa la soo wari naya in lagu dilay ilaa 6 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.
Ciidanka Macawiisleeyda ayaa howlgal ka ku beegsaday goobo maalmahii la soo dhaafay ay isku aruursanaayeen maleeshiyaadka Al-shabaab oo hoostaga deegaanka Mabaax.
Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya, iya doo saacadahii lasoo dhaafay ciida mada Macawiisleyda gobolka Hiiraan ay kordhiyeen dhaqdhaqaaqyada ku aadan ka hortaga weerarada kooxda Al-shabaab uga imaan kara.
Si kastaba ha ahaatee 48 saacadood ee lasoo dhaafay furimaha hore ee da gaalkanka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan gaarayay cii damo aad u tiro badan oo ka kala ba xay magaalooyinka gobolka Hiiraan, kuwaas oo xoojinaya ciidanka Macawii -sleeyda Xawaadle ee sanadahii lasoo dhaafay sida tooska ah ula dagaalam aya Al-shabaab.
Mareykanka oo Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ku ammaanay dadaalada ay ugu jiraan Dagaalka Argagixisada
Dowladda Mareykanka ayaa bogaadi -say dadaallada ay dadka Soomaali yeed iyo Dowladood ay ugu jiraan la dagaallanka argagixisada iyo dhisidda mustaqbal barwaaqo ah, iyadoo xaqiiji say inay ka go’an tahay sii wadida ka shaqeynta arrimaha khuseeya labada dal.
War saxaafadeed ka soo baxay Wa saaradda Arrimaha Dibadda Mareykan ka saaka Talaada ah, ayaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, wuxuu ugu hambalyeey -ay shacabka iyo dowladda Soomaaliya munaasabadda 65-aad ee maalinta qaranimada dalka.
Rubio ayaa sheegay in Mareykanka uu rajaynayo xoojinta xiriirka ay Dowladii sa la wadaagto Soomaaliya, iyadoo la iska kaashanayo dhinacyada kobaca dhaqaalaha iyo la dagaalanka xagjirni mada .
Waxa uu intaasi ku daray "Waxaan bo gaadineynaa dadaalka ay dadka Soom -aaliyeed ugu jiraan la dagaallanka ar gagixisada iyo sidii loo dhisi lahaa mus taqbal horumar leh”, isagoo xusay in dalkiisa ay ka go’an tahay sii wadida ka shaqeynta arrimaha khuseeya laba da dal.
Dowladda Mareykanka ayaa Soomaal iya ka taageerta Duqeymaha dhanka Cirka ah ee ka dhanka ah Kooxdaha Al shabaab iyo Daacish iyo tababarada Ciidamada Danab.
Rubio ayaa hadalkiisa ku soo gaba ga beeyay isagoo u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed in ay farxad ku ciidaan munaasabaddan qaran.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa shalay u dabaaldegaya 65-guurada ka soo wa reegtay maalintii ay Soomaaliya xorri -yadda iyo midnimada heshay.
Falastiiniyiin ku dhintay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Gaza.
Ugu yaraan 20 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo Israa’iil ay ku garaacday goob caan ah oo xee bta ku taal oo ay inta badan isticmaa laan dhaqdhaqaaqayaasha, saxafiyiin ta, iyo dadka deegaanka ee galbeedka Gaza Isniintii, sida ay sheegeen dha -khaatiir iyo dad goob joogayaal ah.
Kooxaha gurmadka ayaa 20 mayd ah iyo daraasiin dhaawac ah ka soo daad gureeyay maqaaxida Al-Baqa, oo ah meel ka kooban teendhooyin ku teed san xeebta, afhayeen u hadlay difaaca rayidka ee Xamaas ee Gaza.
Waxa uu intaa ku daray in kooxaha gur madka degdegga ah ay weli baara -yaan god dheer oo uu qaraxa kaga ta gay.
"Waxaan ku sii socday maqaaxida si aan internetka uga isticmaalo meel dhowr mitir u jirta, markii uu qarax weyn dhacay,” ayuu yiri Caziz Al-Afifi, oo ah sawirqaade ka tirsan shirkad wax soo saar oo maxalli ah.
Muuqaallo ay dadka u ololeeya arrima ha bani’aadannimada soo dhigeen ba raha bulshada ayaa u muuqday kuwa muujinaya xilliga gantaal la sheegay in laga soo riday diyaarad dagaal oo ay leedahay Israa’iil, uu ku dhacay goobta. Muuqaallo laga soo duubay weerarka kadib, iyadoo meydadku ay daadsan yihiin dhulka.
Maqaaxida Al-Baqa waxay noqotay meel caan ah oo loogu talagalay suxuf iyiinta, dhaqdhaqaaqayaasha, iyo shaq aalaha, oo bixisa adeeg internet, fadhi iyo goob shaqo oo ku teedsan xeebta Mediterranean-ka Gaza.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay militariga Israa’iil.
Weerarkan ayaa yimid kadib markii Israa’iil ay xalay saqdii dhexe duqeymo dhanka cirka ah ka fulisay Marinka Qa za, taasoo keentay in boqollaal qoys oo Falastiiniyiin ah ay barakacaan, si da ay sheegeen goobjoogayaal.
HALKAN KA AQRISO W.WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE 2-DA LUULYO 2025
.