Wararka

FIQI oo weerar culus ku qaaday Dubbe kadib qoraal ay baahisay warbaahinta DF

0 Visits: 334 | Saturday March 27, 2021 - 21:51:49
Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Galmudug kana mid ah xildhibaanada golaha shacabka wakhtigooda dhamaaday Axmed Macalin Fiqi ayaa si kulul uga falceliyay muuqaal lasoo dhigay barta bulshada talafashinka qaranka Soomaaliya. Muuqaalkaan lasoo dhigay Talafashinka qaranka ayaa ku saabsanaa mid ka mid ah…

Read More »

Laamaha Amniga Beledweyne oo xiray Kaaliyihii Maxkamadda Gobolka Hiiraan

0 Visits: 205 | Saturday March 27, 2021 - 21:48:50
Ciidamada Ammaanka Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay maanta xireen Cabdifitaax Xaashi Cismaan oo kamid ah Kaaliyayaasha Maxkamadda Madaniga ee gobolka Hiiraan. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya xariga Kaaliyaha Maxkamadda Gobolka Hiiraan, balse Ciidamo ka tirsan Booliska…

Read More »

Madax fara badan oo ka hadashay dadkii ku dhintay Shilkii Tareen ee ka dhacay Masar

0 Visits: 217 | Saturday March 27, 2021 - 21:44:23
Sidaynu la socono shalay waxa uu shil tareen ka dhacay meel ku dhow Deegaanka Al-Ibraahimiya ee Gobalka Sohag ee Koonfurta dalka Masar, iyadoo ay 32 qof ku geeriyootay, halka ay 180-kalena ku dhaawacmeen. Haddaba, Madaxda dalalka Carabta iyo kuwo kale ayaa waxay Dhambaal Tacsi ah u direen Madaxweynaha…

Read More »

Tirada Dadka Laga Helay Cudurka COVID-19 Ee Gudaha Somalia Oo Sare Kacday

0 Visits: 213 | Saturday March 27, 2021 - 21:42:38
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 174 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 5 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 17 ruux. Wasaaradda ayaa caddeysay in xaaladaha…

Read More »

Maxay ka wada-hadleen madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Safiirka Ingiriiska ee Somalia?

0 Visits: 202 | Saturday March 27, 2021 - 21:39:24
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen ayaa la kulmay Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kate Foster. Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa ugu horeen soo dhaweeyey Safiiradda Wuxuuna kala hadlay sidii loo laba…

Read More »

Farmaajo oo ka hadlay geerida Taliyihii ciidanka Asluubta Somalia Gen. Ismaciil Axmed

0 Visits: 223 | Saturday March 27, 2021 - 21:37:49
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid Alle ha u naxariistee Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janaraal Ismaciil Axmed Ismaaciil oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Madaxweynaha oo tacsi tiiranyo…

Read More »

Maamulka G/Banaadir oo ka shiray dhaca Mobeelada ee kusoo batay Muqdisho

0 Visits: 204 | Saturday March 27, 2021 - 21:34:57
Guddoomiye ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa maanta shir guddoomiyey kulan ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda Hoose oo looga hadlay dardargelinta Amniga Caasimadda. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimayaasha hoostaga qeybta Amniga iyo Siyaasadda…

Read More »

Iiraan Iyo Shiinaha Oo Maanta Kala Saxiixday Heshiis Rubuc Qarni Soconaya

0 Visits: 216 | Saturday March 27, 2021 - 21:27:48
Wasiirrada arrimaha dibadda Shiinaha iyo Iran ayaa maanta oo Sabti ah kala saxiixday heshiis iskaashi oo 25 sana soconaya. "Xiriirka ka dhaxeeyey labada dal wuxuu iisu beddelay heer iskashi istiraatiijiyad ku dhisan, Shiinahana wuxuu doonayaa inuu sii xoojiyo xiriirka uu la leeyahay dalka Iran,"…

Read More »

Maxuu yahay qorshaha loo aas-aasay hay'adda cusub ee Rooble Muqdisho ka daah-furay? + Sawirro

0 Visits: 213 | Saturday March 27, 2021 - 20:15:58
Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda xil-garsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta daah-furay 'hey'adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed' taas oo ka shaqeyn doonta hubinta tayada, ilaalinta badeecadaha iyo cuntooyinka dalka soo gala. Dhismaha hey'adan waxaa ka soo shaqeysay wasaaradda ganacsiga…

Read More »

Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada oo shir hadda ku leh Xalane

0 Visits: 210 | Saturday March 27, 2021 - 20:03:36
Waxaa goordhow kulan uu u furmay madaxweynayaasha maamul gobaleedyada dalka ka jira,kuwaas oo shirk u leh hoteel Airport eek u dhex yaalla xerada Xalane ee magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa looga hadlayaa khilaafka doorashooyinka,gaar ahaan caqabadaha ka soo laabtay heshiiskii 17-September ay kala saxiixdeen…

Read More »

Midowga musharaxiinta oo ku biiray shirka Xalane uga socda M/maamul gobaleedyada

0 Visits: 212 | Saturday March 27, 2021 - 19:59:06
Xubnaha midowga musharaxiinta ayaa goordhow ku biiray shirka Xalane uga socda madaxda maamul gobaleedyada dalka ka jira,islamarkaana aragtidooda ka dhiiban doona khilaafka doorashada. Musharaxiinta waxaa hoggaaminaya madaxweynayaashii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud,islamarkaana…

Read More »

Midowga musharaxiinta oo war ka soo saaray kulankii ay la yeesheen M/dowlad gobaleedyada

0 Visits: 190 | Saturday March 27, 2021 - 19:54:47
Shir jiraa'iid oo hoteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho uu ku qabtay Afhayeenka golaha ayaa faah-faahin waxa uu uga bixiyay kulankii musharaxiinta la yeesheen madaxweynayaasha maamul gobaleedyada. Daahir Maxamuud Geelle ayaa cadeeyay in madaxweunayasha ay la wadaageen shakiga ay ka qabaan doorashada,islamarkaana…

Read More »

Mahad Salaad oo shaaciyey saddex arrin oo uu Mursal u sheegay xildhibaanno

0 Visits: 239 | Saturday March 27, 2021 - 19:46:35
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka wakhtigiisa dhamaaday ayaa sheegay in gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uu qorshe uu watay u sheegay xildhibaano u tegay. Mahad Salaad, oo ka mid ahaa xildhibaanadii Baarlamaanka ee maanta xaadiray kulankii…

Read More »

Cabdullaahi Maxamed Nuur: "Waxaan saaka BF ugu nimid 200 oo maleeshiyaad ah"

0 Visits: 252 | Saturday March 27, 2021 - 19:44:25
Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka wakhtigiisa dhamaaday ayaa si adag uga hadlay wixii ka dhacay maanta xarunta golaha shacabka. Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii diidanaa in kalfadhiga laga furo ajande aan aheyn midkii loo sheegay xildhibaanada,…

Read More »

Sawirro: Shir gaar u ah 5-ta MADAXWEYNE goboleed oo ka socda MUQDISHO

0 Visits: 190 | Saturday March 27, 2021 - 19:41:47
Waxaa maanta xerada Xalane ka furmay shir gaar u ah madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ee ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya shanta madaxweyne goboleed ee dalka, sida Axmed Madoobe, Saciid Deni, Axmed Qoor Qoor, Cabdicasiis…

Read More »

Kulankii golaha shacabka oo lagu kala dareeray kadib buuq xooggan oo hareeyay

0 Visits: 177 | Saturday March 27, 2021 - 19:31:46
Waxaa lagu kala dareeray kulankii golaha shacabka ay maanta ku balansanaayeen xaruntooda Villa Hargeysa kadib markii lagu kala qeybsamay inuu fadhiga furmo. Ajandaha kulanka oo xalay lagu soo daabacay barta bulshada ee golaha Baarlamaanka, sidoo kalana xildhibaanada fariin qoraaleed loogu diray ayaa…

Read More »

UK oo war culus soo saartay xilli uu Muqdisho ka socdo isku day muddo kordhin

0 Visits: 178 | Saturday March 27, 2021 - 19:27:50
Dowladda UK ayaa shaacisay inaysan taageeri doonin ficil kasta oo muddo kordhin loogu sameynayo hay'adaha muddo xileedkoodu uu dhammaaday ee Soomaaliya, xilli ay sii kordhayaan tuhuno arrintaas la xiriira. "UK ma taageeri doonto ficil kasta oo hoggaaminaya doorasho hal dhinac ah, hanaan doorashooyin…

Read More »

CC Shakuur: Farmaajo waxa uu rabaa inuu sameeyo is-qarxis siyaasadeed, inta la jaalka ahna laba far u taago

0 Visits: 176 | Saturday March 27, 2021 - 19:23:54
iyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah xubnaha Midowga Musharraxiinta Mucaaradka oo war qoraal soo saaray ayaa ka hadlay kulanka maanta ee golaha shacabka iyo sheekooyinka ku xeeran. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uu rabo in…

Read More »

DF Soomaaliya oo jawaab ka bixisay go'aankii KENYA

0 Visits: 201 | Saturday March 27, 2021 - 19:21:46
Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay BBC-da ayaa jawaab ka bixiyey go'aanka ay Kenya ku xireyso xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab & Kaakuma. Dubbe ayaa shaaciyey in aysan Kenya xeri karin labadaasi xero, ayna qasab kusoo celin karin qaxootiga…

Read More »

Shaki weyn oo ka dhashay kulan maanta loogu yeeray xildhibaanada baarlamanka

0 Visits: 187 | Saturday March 27, 2021 - 19:15:40
Shaki weyn ayaa ka dhashay kulan maanta loogu yeeray xildhibaanada golaha shacabka ee muddo xileedkoodu dhammaaday, xilli xaaladda siyaasadeed ee dalka ay aad u kacsan tahay. Kulanka loogu yeeray xildhibaanada ayaa la sheegay in looga hadli doona xaaladda cudurka COVID-19, ayada oo uu shir guddoomin…

Read More »