Laamaha Amniga Beledweyne oo xiray Kaaliyihii Maxkamadda Gobolka Hiiraan

0
Saturday March 27, 2021 - 21:48:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 207
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laamaha Amniga Beledweyne oo xiray Kaaliyihii Maxkamadda Gobolka Hiiraan

    Ciidamada Ammaanka Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay maanta xireen Cabdifitaax Xaashi Cismaan oo kamid ah Kaaliyayaasha Maxkamadda Madaniga ee gobolka Hiiraan. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya xariga Kaaliyaha Maxkama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Ammaanka Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay maanta xireen Cabdifitaax Xaashi Cismaan oo kamid ah Kaaliyayaasha Maxkamadda Madaniga ee gobolka Hiiraan. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya xariga Kaaliyaha Maxkamadda Gobolka Hiiraan, balse Ciidamo ka tirsan Booliska Beledweyne ayaa kasoo kaxeeyay Maqaayad Shaaha laga cabo, iyaga oo ku xiray Saldhiga Booliska Magalada Beledweyne. In kastoo laamaha amniga aysan faah fahin ka bixin sababha loo xiray Kaaliyihii Maxkamadda Gobolka Hiiraan ayaa hadana waxaa maalmihii la soo dhaafay uu khilaaf ka dhexjiray qeyb kamid ah madaxda Maxkamadda madaniga gobolka Hiiraan ugu sareeysa. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa siweyn khilaafkaas looga dareemay magaalada Beledweyne, waxaana shalay warqad kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Rayodka Gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Muxumed taakoy Shaqada looga joojiyay Kaaliyihii Maxkamadda Cabdifataax Xaashi Cismaan ee Manta la xiray. Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in uu jiro dadaalo ay wadaan mas'uuliyiinta Maamulka gobolka Hiiran, taas oo ku aadan in la xaliyo khilaafka ka dhex-jira Maxkamadda Rayidka ee Gobolka Hiiraan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip