Tirada Dadka Laga Helay Cudurka COVID-19 Ee Gudaha Somalia Oo Sare Kacday

0
Saturday March 27, 2021 - 21:42:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirada Dadka Laga Helay Cudurka COVID-19 Ee Gudaha Somalia Oo Sare Kacday

    Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 174 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 5 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka b

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 174 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 5 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 17 ruux. Wasaaradda ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Puntland (16) gobalka Banaadir (14) Galmudug (31) Somaliland (65) Jubbaland (27) Hirshabeelle (10) iyo Koonfur Galbeed (11) qof, 106 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 68-na ay yihiin haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 10,838 waxaa bogsootay 4,678 Ruux. guud ahaan 488 ruux oo kale ayaa u geeriyootay. Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip