Madax fara badan oo ka hadashay dadkii ku dhintay Shilkii Tareen ee ka dhacay Masar

0
Saturday March 27, 2021 - 21:44:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 219
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madax fara badan oo ka hadashay dadkii ku dhintay Shilkii Tareen ee ka dhacay Masar

    Sidaynu la socono shalay waxa uu shil tareen ka dhacay meel ku dhow Deegaanka Al-Ibraahimiya ee Gobalka Sohag ee Koonfurta dalka Masar, iyadoo ay 32 qof ku geeriyootay, halka ay 180-kalena ku dhaawacmeen. Haddaba, Madaxda dalalka Carabta iyo kuwo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidaynu la socono shalay waxa uu shil tareen ka dhacay meel ku dhow Deegaanka Al-Ibraahimiya ee Gobalka Sohag ee Koonfurta dalka Masar, iyadoo ay 32 qof ku geeriyootay, halka ay 180-kalena ku dhaawacmeen. Haddaba, Madaxda dalalka Carabta iyo kuwo kale ayaa waxay Dhambaal Tacsi ah u direen Madaxweynaha dalka Masar, C/Fataax Al-sisi, iyagoo la wadaagay Tiiraanyada dadka ku naf-waayey iyo kuwii ku dhaawacmay Shilkaasi. Boqorka dalka Baxrayn, Xamad Bin Ciisa Al-Khaliifa, Madaxweynaha Imaaraadka Carbta, Sheekh Khaliifa Bin Zayid Al Nahyaan, Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Yuusuf Al-cuthmaani, Afhayeenka Barlamaanka Carbeed, Caadil Bin C/raxmaan Al-usumi , Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Urdun, JAyman al-Safadi iyo W.A.D. Iraq, Fu'aad Xuseen ayaa ka mid ahaa Madaxda Cabeed ee ka tacsideysay dadkii ku geeriyooday Shilkii Tareen ee shalay ka dhacay Koonfurta dalka Masar. Qoraal ka soo baxay Wasaaradaha Arrimaha Dibedda ee dalalka Somalia iyo Turkiga ayaa iyagana Tacsi ka diray shilka tareen ee shalay ka dhacay Masar. Sidoo kale, Madaxweynaha dalka Raashiya, Valamadir Putin ayaa isagana qoraal tacsi ah oo uu soo dhigay Barta Madaxtooyada Keremiliinka u diray dhigiisa dalka Masar, C/Fataax Al-sisi oo uu kaga tacsideeyey dhacdadaasi xanuunka leh ee ay Muwaadiniin Masaari ah ku dhinteen, kuna dhaawacmeen. Putin waxa uu qoraalkiisa ku yiri: "Madaxweyne sharafta leh, Saaxiibkayga Qaaliga ah, Fadlan iga guddoon Tacsida tiiraanyada leh ee ku aadan cawaaqib-xumadii ka dhalatay shilkii masiibada ee ka dhacay Gobalka Sohag. Waxaan idinka codsanayaa inay Tacsi iyo Taageero iga gaarsiisaan qoysaska ay dadkooda ku geeriyoodeen Shilkaasi, waxaana kiwi dhaawacmay u rajeynayaan Caafimaad iyo Bogsasho Degdeg ah". Si kastaba ha ahaatee, ma aha markii ugu horeysay oo shil Tareen oo lagu riiqmay ka dhaco dalka Masar, iyadoo Nidaamka Tareenada Masar la sheego inay haysato qalab xumi iyo Maamulka Tareenada oo dhinaca Maaraynta ka liita. Tusmada Rasmiga ee Shilalka Tareenada ee Masar ka dhacay tan iyo sanadkii 2017-kii waxay gaarayaan 1,793 Shil oo dhimasho iyo dhaawacyo sababay. Sanadkii 2018-kii, Tareen ay la socdeen Rakaab ayaa waxa uu ku qalibmay meel ku dhow magaalladda Aswaan ee Koonfurta dalkaasi, iyadoo ay 6 qof ku dhaawacantay





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip