Hordhac: Sevilla v Shakhtar – Kooxda Reer Spain Oo Indhaha Ku Heysa Inay Markii 3aad Oo Isku Xigta Gaarto Finalka Europa League.

0
Thursday May 05, 2016 - 10:11:39 in Sports News by
  • Visits: 600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Sevilla v Shakhtar – Kooxda Reer Spain Oo Indhaha Ku Heysa Inay Markii 3aad Oo Isku Xigta Gaarto Finalka Europa League.

    Sevilla v Shakhtar Donestk Kulanka: Lugta 2aad ee semi-finalka Europa League Lugtii hore: Shakhtar 2-2 Sevilla Waqtiga: 10:05pm Saacada Geeska Afrika Garoonka: Estadio Ramon Sanchez Pizjuan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sevilla v Shakhtar Donestk Kulanka: Lugta 2aad ee semi-finalka Europa League Lugtii hore: Shakhtar 2-2 Sevilla Waqtiga: 10:05pm Saacada Geeska Afrika Garoonka: Estadio Ramon Sanchez Pizjuan

Garsoore:Bjoern Kuipers (Netherlands)

Rigoore soo daahday oo ay dhaliyeen lugtii hore ayaa ka dhigtay Sevilla inay boos xoogan ugu jirto inay u soo gudbaan finalka Europa League iyadoo lugta labaad ee semi-finalka soo dhaweynaya kooxda Shakhtar Donestk, laakiin kooxda reer Ukraine weli banaanka kama ahan tartankaan.

Gool ku laadkii uu dhaliyay Gameiro ayaa u sahlay kooxda Sevilla inay barbaro 2-2 ah ku soo gashay Lviv, kooxda koobkaan difaacaneysa ayaa hogaanka u qabatay kulankaas waqti hore laakiin qeybtii labaad waxaa lagu hogaaminayay 2-1.

Kooxda reer Spain ayaa koobkaan ku soo guuleysatay labadii sanno ee ugu danbeysay, mana jirto koox weli seddex sanno oo isku xigta hanatay koobkaan, waxaana ay rajeynayaa inay caawa markii seddexaad oo isku xigta iska xaadiriyaan finalka Europa League oo lagu qabanayo Basel dalka Switzerland.

267227__max_news

MAXAA KA CUSUB?

Kooxda martida loo yahay waxaa ka maqan Krohn-Delhi oo jilibka ka dhaawacan, halka xiddiga halyeeyga ah Jose Antonio Reyes uu isna xumad la maqan yahay.

Dhanka kooxda Shakhtar waxaa ka maqan Azevedo oo dhaawac jilibka ah qaba, halka taam ahaanshaha Dentinho iyo Gladkiy ay shaki ku jiraan.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Sevilla: David Soria; Coke, Rami, Carriço, Escudero; N’Zonzi, Krychowiak; Vitolo, Banega, Konoplyanka; Gameiro.

Shakhtar: Pyatov; Srna, Kucher, Rakitskiy, Ismaily; Malyshev, Stepanenko, Marlos, Taison, Kovalenko; Ferreyra.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip