Hordhac: Real Madrid v Wolfsburg – Los Blancos Dhanka Kale Ma U Rogi Kartaa Natiijadii Lugta Hore Si Ay U Gaarto Semi-finalka Caawa?

0
Tuesday April 12, 2016 - 10:54:13 in Sports News by
  • Visits: 624
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Real Madrid v Wolfsburg – Los Blancos Dhanka Kale Ma U Rogi Kartaa Natiijadii Lugta Hore Si Ay U Gaarto Semi-finalka Caawa?

    Real Madrid v Wolfsburg Kulanka: Lugta labaad ee wareega 8da Champions League Lugtii hore: Wolfsburg 2-0 Real Madrid Garoonka: Santiago Bernabeu Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika Garsoore:Viktor Kassai (Hungary)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid v Wolfsburg Kulanka: Lugta labaad ee wareega 8da Champions League Lugtii hore: Wolfsburg 2-0 Real Madrid Garoonka: Santiago Bernabeu Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika Garsoore:Viktor Kassai (Hungary)

Real Madrid ayaa gaartay wareega afar dhamaadka Champions League shan jeer oo isku xigta laakiin waa qasab inay dhanka kale u rogaan guuldaradii 2-0 ee lugtii hore ka soo gaartay Wolfsburg si ay u sii dheereystaan rikoorkoodaas.

Kooxda Zinedine waxaa u taalo howl culus caawa, iyagoo buur dheer u koroya inay u gudbaan wareega xiga, ka dib markii si lama filaan ah ay isbuucii hore dalka Jarmalka guuldarro ugu soo gaartay, caawa waxa ay ku hor ciyaarayaan 80 kun oo taageerayaashooda ah waxaana ay rajeynayaan inay sameeyeen soo laabasho taariikhi ah oo ay ku gaaraan semi-finalka iyadoo hamigooda ugu weyn uu yahay xilli ciyaareedka Undecima.

madrid-vs-wolfsburg

MAXAA KA CUSUB?

Kooxda tababare Zinedine Zidane ma jirto ciyaartoy dhaawac ama ganaax kaga maqan, sidoo kalena waxa uu heystaan xiddigo wada taam ah isagoo nasasiiyay qaar badan oo xiddigihiisa ka mid ah kulankii horyaalka ee ay isbuucaan ku xaaqeen kooxda Eibar.

BBC ayaa caawa dib u midoobi doona iyadoo howlgalkooda ugu weyn uu yahay inay dhaliyaan in ka badan seddex gool, Ramos iyo Pepe ayaa iyagana daafaca dhexe ku soo laabanaya si ay u ilaaliyaan shabaqa si la mid ah goolhaye Navas oo la nasasiiyay kulankii horyaalka ee ugu danbeeyay.

Casemiro, Danilo iyo Sergio Ramos ayaa seegi doona lugta hore ee semi-finalka haddii ay u soo baxaan, haddii ay caawa jaale qaataan.

Dhanka kooxda Jarmalka waxaa dhaawac jilibka ah kaga maqan Jung, halka Caligiuri uu taam ahaanshihiisa shaki ku jiro isagoo ka xanuunsanayay gumaarka. Xiddigaha Arnold, Benglio, Caligiuri, Vieirinha iyo Luiz Gustavo ayaa seegi doona lugta hore ee semi-finalka haddii ay u soo baxaan, haddii ay jaale qaataan caawa.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Real Madrid: Navas; Carvajal, Ramos, Pepe, Marcelo; Modrić, Casemiro, Kroos; Bale, Benzema, Ronaldo.

Wolfsburg: Benaglio; Vieirinha, Naldo, Dante; Rodriguez; Guilavogui, Gustavo; Henrique, Arnold, Draxler; Schürrle.

Real Madrid Ma U Soo Bixi Doontaa Semi-finalka Champions League?
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip