Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka mid ah yihiin kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor, kuwaas oo lagu soo tababaray dalka Turkiga.

Amarka lagu qaaday ciidamadan ee lagu geeyey gobolka Gedo ayaa waxaa ‘bixiyey’ madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

 

Arrintan ayaa uga sii sareyso xiisadda xoogan ee ka jira gobolka Gedo oo haatan la daala dhacayo abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku aadan ciidamadaasi lagu daabulay gobolka Gedo.

Si kastaba Jubbaland oo ka hadashay dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee dib uga billowday Gedo ayaa farriin culus u dirtay beesha caalamka, waxaana ay shaaca ka qaaday in arrintan ay caqabad ku noqon karto in heshiis laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka.