Cahdiga Qaramada Midoobay ee  la dagaallanka saxaroobidda dhulka oo la sameeyay 1994-kii ayaa dhammaan dhinacyada waajib uga dhigaya in ay u hoggaansamaan heshiisyada la xariira deegaanka, iyo hurumarinta xasilinta maamulka dhulka.
 
Maalinta caalamiga ah ee la dagaalanka Saxaroobidda dhulka iyo abaaraha ayaa waxaa la isku xasuusiyaa dhibaatooyinka ka dhasha saxaroobidda, waxyaabaha keena in dhulku uu saxaro noqodo iyo qorshayaasha looga hor-tegayo.
 
Halku-dhigga sannadkaan ee xuska munaasabadda 17-ka June ayaa laga dhigay "aan Aan mustaqbalka u horumarinno si wadajir ah”
 
Khudbad uu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya uu ka jeediyay munaasabadda xuska ayuu ku sheegay dhibaatada ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay ku qabaaan deegaannada saxarroobaya iyo qorshaha dowladda ee looga hor tegayo saamaynta isbedelka cimillada, abaaraha iyo dhammaan waxyaabaha sababa in dhulku uu saxaroobo oo wax soo saarku uu hoos u dhoco.
 
Saxaroobidda deegaanka, xaalufinta iyo abaarha ayaa qayb ka qaata kasii daridda dhibaatooyinka dhaqaalaha, bulshada iyo deegaanka ee ay kamidka yihiin faqriga, barakaca bulshada, caafimaad darrada, yaraanta amniga cunnada, yaraanta biyaha iyo u nuglaanta saamaynta isbedelka cimmilada addunka.