Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddiga Badbaadinta iyo dib u soo celinta Hantida Qaranka ayaa Carab dhaway goobaha ugu Muhiimsan ee guddigu doonayaan in gacanta dowladda ay dib ugu soo celiyaan iyo qorshahooda ku aadan in ay ugu horreyn Xog Uruurin goobahaas la xiriira sameeyaan taas oo ay u soo bandhigi doonaan Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Guddigaan ku dhawaaqay 12-kii December ee Sanadkii aan ka soo gudbnay 2018 waxaana uu ka dhawaajiyay in guddigaan uu uga golleeyahay sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen gacanta dowladda Hantida Ma guurtada ah ee Danta Guud maadaama haatan inbadan oo ka mid ah ay shaqsiyaad si gaar ahaaneed u adeegsadaan.