Wararka

Ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya oo ka hadlay weerar lagu qaaday Markab Ganacsi.

0 Visits: 141 | Friday August 20, 2021 - 19:20:25
Ciidamada Midowga Yurub ee ilaalada xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in Markab nuuca xamuulka qaada oo lagu magacaabo Ro-Ro oo watay calanka dalka Turkiga ayaa lagu qaaday weerar budhcad-badeednimo, xilli uu marayay meel u dhow xeebaha Soomaaliya. Xarunta Hawlgalka Wadajirka ee EU NAVFOR ayaa heshay…

Read More »

Ciidanka dowlad degaanka Soomaalida oo qabtay hub farabadan.

0 Visits: 146 | Friday August 20, 2021 - 19:10:27
Holwgal ay ka sameeyeen Ciidamada dowlad degaanka Soomaalida gobolka Faafan ayaa waxaa la sheegay inay ku soo uruuriyeen hub sharci-darro ah oo mararka qaar Beelaha ay isku adeegsan jireen. Taliyaha ururka 2aad, guutada 5aad ee Xoogga Ciidanka Gaarka Ah gaashanle-dhexe Daahir Kaamil oo war-baahinta…

Read More »

Imaaraadka Carabta oo u cararay Erdogan kadib markii ay galeen go'doon siyaasadeed

0 Visits: 151 | Friday August 20, 2021 - 19:09:16
Kadib bilo wada-xaajoodyo sir ah, iyo wada-hadallo taleefon oo heer sare, la-taliyaha amniga qaranka Imaaraadka Carabta Tahnoun bin Zayed al Nahyan ayaa Arbacadii Ankara kula kulmay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo mar ay cadow u aragtay Abu Dhabi. Shantii sano ee ugu dambeysay, Ankara ayaa si shaacsan…

Read More »

Putin oo taageeray Taalibaan una digay dalalka Reer Galbeedka

0 Visits: 135 | Friday August 20, 2021 - 19:07:36
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa taageero u muujiyey kooxda Taalibaan oo la wareegtay gacan ku haynta dalka Afghanistan, wuxuuna ka digay cadaadiska ay dalalka Reer Galbeedka isku dayayaan inay kooxdaas saaraan. Madaxweyne Putin oo hadlayey kadib kulan uu maanta Moscow kula yeeshay ra'iisul…

Read More »

Taliska Ciidanka Booliska oo ka hadlay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

0 Visits: 133 | Friday August 20, 2021 - 19:01:50
Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in qaraxa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Muqdisho ay ku geeriyoodeen 4 ruux oo uu jirey qofkii is qarxiyay, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale. Gaashaanle Cabdifataax afhayeenka cusub ee ciidamada booliska…

Read More »

Mid kamid ah fannaaniintii ugu caansana bari-samadkii oo Boorama ku geeriyoday

0 Visits: 134 | Friday August 20, 2021 - 19:00:49
Waxa magaalada Boorama xalay ku geeriyooday Cabdiraxmaan Cismaan Maxabbe (Cabdiraxman Dheere), oo ahaa Fannaan, mulaxan iyo hal-abuur aad loo jeclaa, oo ku luuqeeyay heeso badan oo caan ah. Cabdiraxmaan Dheere wuxu fankiisu soo caan baxay sanadihii todobataneeyadii wuxuuna muddo dheer ka tirsanaa kooxdii…

Read More »

Madaxweyne ERDOGAN oo farriin kulul u direy YURUB

0 Visits: 130 | Friday August 20, 2021 - 18:58:27
Madaxweynaha Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan oo shir guddoominayey kulanka golihiisa wasiirada, ayaa farriin cusub hawada u mariyey waddamada Yurub, si ay u qaadan mas'uuliyadda muhaajiriinta ka imanaya Afghanistan. Waxa uu sheegay in Turkiga uusan noqon doonin wax uu ugu yeeray "qaybta kaydinta…

Read More »

Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal saaka ka dhacay deegaan ka tirsan Afgooye

0 Visits: 131 | Friday August 20, 2021 - 18:57:26
Wararka ka imanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Alshabaab ay weerar xoog leh ay ku soo qaadeen deegaanka Sabiid oo illaa 8km dhinaca koofur kaga beegan degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose. Dagaal xoog leh ayaa ka dhacay deegaank Sabiid iyadoo ciidamada dowlada ee halkaa ku sugan…

Read More »

Axmed Madoobe oo gaaray magaalada Muqdisho

0 Visits: 128 | Friday August 20, 2021 - 18:56:39
Madaxweynaha Dowlad-gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho si uga qaybgalo Shirka Golaha Wadashiga Qaranka oo uu isugu yeeray Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Wafdiga uu hoggaaminayay Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha…

Read More »

Ilhaan Cumar oo ka hadashay xaaladda Afgansitan & qabsashada Taliban

0 Visits: 124 | Friday August 20, 2021 - 15:38:41
Xildhibaannada Mareykanka ayaa ka falcelinaya doorka dalkaas ka dib 20 sano oo uu Mareykanka faragelin ku hayay Afghanistan. Xildhibaannadaas waxaa ka mid ah Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Kongareeska ee dalka Mareykanka. Qoraal ay Isniintii soo saartay ayay ku tiri "shakhsiyan waa xanuun,"…

Read More »

Dagaal ka socda degaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose

0 Visits: 105 | Friday August 20, 2021 - 15:36:09
Dagaalka oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabab ayaa waxaa uu ka socdaa degaanka Sabiid & Caanoole oo 8km dhinaca Koonfur uga beegan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab…

Read More »

Ra'iisul wasaare Ku-xigeenka Dalka oo ka qeybgalay xuska xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.

0 Visits: 92 | Friday August 20, 2021 - 15:35:09
Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta ka qayb galay munaasabad lagu xusayey toban sano guurada ka soo wareegtay dib usoo noolayntii xiriirka diblomaasiyadeed iyo saaxibtinimo ee Soomaaliya Iyo Turkiga. Munaasabadda ayaa lagu…

Read More »

Farmaajo" Dowladaha Soomaaliya & Turkiga waxa ka go'an iskaashi la xiriira amniga"

0 Visits: 108 | Friday August 20, 2021 - 15:33:54
Madaxweynaha muddo xileedkisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan casho sharaf ah oo ka dhacay Madaxtooyada ku maamuusay diblomaasiyiinta iyo wafdiga Dowladda Turkiga ee ka qeyb galay munaasabadda xuska 10 sano guurada ka soo wareegtay dib u cusbooneysiinta xiriirka Soomaaliya iyo…

Read More »

Taliska Booliska Gobolka Bari oo beeniyay Warar laga faafiyay

0 Visits: 103 | Friday August 20, 2021 - 15:32:54
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa jirtay Warar lagu faafinayay Baraha Bulshada, kaas oo ahaa in dadka soo galaya magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari in Baraha koontorool ee magaalada Boosaaso lacag looga qaadayo, hayeeshee waxaa warkaasi beeniyay Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Bari. Taliyaha Qeybta…

Read More »

G7 oo ku dhiirigalisay Taliban iney oggolaadaan dadka la daabulayo.

0 Visits: 104 | Friday August 20, 2021 - 15:31:50
Wasiiradda arrimaha dibadda ee dalalka ku bahoobay G7, ayaa maanta oo khamiisa ah ka dalbadey Taliban iney qadariyaan balamihii adkaa, ee ay ku galeen iney dadka dalka isaga baxaya safarkoodda u oggolaadaan. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Ingiriiska, Dominic Raab, ayaa uggu sheegay shirkani kooxda bayaankii…

Read More »

Al-Shabaab oo sheegatay inay qabsadeen deegaan ku dhow degmada Afgooye.

0 Visits: 89 | Friday August 20, 2021 - 15:29:59
Dagaal culus ayaa saaka waaberigii hore waxaa degaanka sabiid oo 8km dhinaca Koonfur kaga beegan degmada Afgooye ee Goblka Shabeellaha Hoose uu ku dhex-maray Ciidamada dowladda Soomaaliya & Xubno ka tirsan Al-Shabaab. Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga…

Read More »

Qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada oo kusoo wajahan muqdisho

0 Visits: 94 | Friday August 20, 2021 - 15:28:54
Maalinta berito oo Sabti ah ayaa waxaa la filayaa in Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka Golaha wadatashiga oo ka kooban Ra'iisul Wasaare Rooble, Madaxda dowlad Goboleed & Gudoomiyaha Gobolka Banaadir. Shalay ayaa qorsuhu ahaa in uu shirka furmo, balse uu dib u…

Read More »

Soomaaligii ugu horreeyay oo ka mid noqday Baarlamaanka gobolka Nova Scotia ee Canada

0 Visits: 110 | Friday August 20, 2021 - 15:24:06
Cali Ducaale oo qaxooti ahaan ku tagay dalka Canada, ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee Muslim ah, Soomaali ah oo ka mid noqda xildhibaannada Baarlamanka gobolka Nova Scotia ee dalka Canada. Cali Ducaale oo xirfaddiisu ay tahay dab-damis, sidoo kalena muddo caawinayay dhallinyarada iyo bulshada xaafadda…

Read More »