
Fadlan ii Fasir 6 daan Murti ee Somalida. (" Haddii aan kaa horeeyo i weeydii, Haddii aan kaa dambeeyana wax ii Sheeg")
.
1. ( Kaa horeyoow waa la warsadaa, waa dambeeyoowna waa loo sheegaa).
” Haddii aan kaa horeeyo i weeydii, Haddii aan kaa dambeeyana wax ii Sheeg”
2. ( Laba Nin, wax aan Daal aheyn ma keenaan: Nin loo diray wax uuna aqoon, iyo Nin loo diray wax aan jirin).
” Laba Siyaasi oo sifadaa leh, ma taqaan?. Mid loo diray wax uuna Aqoon iyo mid loo diray wax aan jirin”
FG: Magacooda ha sheegin. horaa loo yiri:
3. ( Sharmuuto Qofkii yaqaan ayeey Dadka u necebtahay. Siyaasiyiintuna Qofkii yaqaan ayeey Dadka u necebyihiin oo Cayayaan ayey ku kiciyaan).
4. ( Sal Naageed iyo Saldanaba la isaguma turo, leeysma amaahiyo. Ma jiraan Rag Xaasaskooda u geeyo Madaxda).
FG: iyagana ha sheegin.
5. ( Haddii Qof dhagax kugu soo tuuro, ma dhagaxaad qabsanee, muse qofka?).
” Weligaa ma aragtay Siyaasi Dambi kaa galay, ee kii uu kugu soo diray, isaga iska dhici ku leh”
6. ( Jaahilnimo Daawo waa loo haayaa, ee Doqonimo, yaa Daawo u haayo? ).
” Xattaa hadduu Aqoon leeyahay. Horaa loo yiri: Doqoneey Dabkaa Ba’, Ma diirsado Walaalkeed inteey Dunida Joogto”
FG: Doqon Walaalkaa ah ma taqaan? Ha sheegin.
FG: Adoon Cidna Magacaabin, wax noo sheeg.
Qore: Yahya Amir
Fadlan ii Fasir 6 daan Murti ee Somalida. (" Haddii aan kaa horeeyo i weeydii, Haddii aan kaa dambeeyana wax ii Sheeg")
.