Warar ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu kala hadli doono labadaasi Gole arrimo ku saabsan in dalka uu galiyo Xaalad Dagaal si loo wiiqo Al Shabaab sida Shabelle ay ugu warrameen ilo lagu kalsoonaan karo.

Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in wixii ka dambeeya Tacsida Qaraxii Soobe la guda gali doono duulaan ka dhan ah Al Shabaab.

Xarakada Al Shabaab ayaan weli ka hadlin Qaraxii Soobe oo gallaaftay Nolosha illaa 300 oo qof halka ay ku dhaawacmeen Boqolaal kale oo qaarkood dalka dibaddiisa daryeel Caafimaad loogu qaaday.