10 ka mid ah meydadka Amisom oo calanka Uganda lagu daday oo laga qaaday Garoonka Aadan Cadde

0
Thursday September 03, 2015 - 20:02:10 in Wararka by
  • Visits: 1197
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    10 ka mid ah meydadka Amisom oo calanka Uganda lagu daday oo laga qaaday Garoonka Aadan Cadde

    Meydadka 10 ka mid ah Ciidamadii Militariga Uganda ee lagu laayay weerarkii Talaadadii ka dhacay Degmada Janaale Ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa maanta laga qaaday Garoonka Aadan Cadde. Askartan, ayaa waxaa lagu wadaa in aas qaran loogu s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Meydadka 10 ka mid ah Ciidamadii Militariga Uganda ee lagu laayay weerarkii Talaadadii ka dhacay Degmada Janaale Ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa maanta laga qaaday Garoonka Aadan Cadde. Askartan, ayaa waxaa lagu wadaa in aas qaran loogu sameeyo deegaanada ay ka soo kala jeedaan, salaan sharafna looga qaato Magaalada Kampala Ee Xarunta Wadanka Uganda. General Katumba Wamala, Taliyaha Ciidanka Militariga Uganda oo booqasho deg deg ah ku yimid Magaalada Muqdisho, ayaa maanta ku sugnaa Garoonka Aadan Cadde, xilligii meydadka laga qaadaayay.

Taliyaha waxa uu ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Ciidamada Uganda, wuxuuna ku tilmaamay kuwo geesiye-yaal ah, oo naftooda u haray daafaca Wadan Afrikan ah, sida uu yiri.

Captain Paddy Akunda, Afhayeenka Ciidamada Militariga Uganda oo maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Kampala, ayaa si adag u beeniyay in 50 askari looga dilay weerarkii Degmada Janaale.

Afhayeenka wuxuu ku nuux-nuuxsaday weerarkaasi in lagu dilay 12 askari oo keliya, halka ay jiraan askar kale oo dhaawac ah. Wuxuu kaloo uu meesha ka saaray in la la’yahay askar kale oo Ciidamada Uganda ka mid ah.

Paddy Ankunda, ayaa carabka ku adkeeyay in Amisom uu u tiro kooban yahay askarteeda ku sugan Xerada Degmada Janaale, lana xisaabiyay, ma jirto buu yiri askar nolosha lagu la’yahay.


SAWIRRADA  MEYDADKA CIIDMADA UGANDHA UGU GEERIIIDAY DEEGAANKA JANNAALE  10 KA MID AH OO LAGA QAADAYO GAROONKA DIYAARADAHA  AADAN CADDE EE MAGALADA MUQDISHO 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip