Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Yemen, Danjire Abdullahi Hashi Shuriye ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Yemen Abdrabbuh Mansur Hadi kadib munaasabad lagu qabtay gelinkii dambe ee shalay Madaxtooyada KMG ah ee Magaalada Cadan .

0
Monday December 26, 2016 - 09:38:49 in English News by
  • Visits: 1079
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Yemen, Danjire Abdullahi Hashi Shuriye ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Yemen Abdrabbuh Mansur Hadi kadib munaasabad lagu qabtay gelinkii dambe ee shalay Madaxtooyada KMG ah ee Magaalada Cadan .

    Aden (Yemen), December 25, 2016 -Madaxweynaha Yemen ayaa waxa uu bogaadiyay xiriirka xoogan ee walaalnimo iyo midka derisnimo ee Yemen kala dhaxeeya Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed , isaga oo tilmaamay in ku dhow 1,200,000 muwaadiniin Soomaali ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aden (Yemen), December 25, 2016 -Madaxweynaha Yemen ayaa waxa uu bogaadiyay xiriirka xoogan ee walaalnimo iyo midka derisnimo ee Yemen kala dhaxeeya Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed , isaga oo tilmaamay in ku dhow 1,200,000 muwaadiniin Soomaali ah ay fursado nololeed iyo mid shaqo ay ka heleen dalkiisa, si wanaagsanna loola dhaqmay.

Madaxweynaha Yemen Abdrabbuh Mansur Hadi ayaa fariin salaan ah u diray walaalkiisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo u rajeeyay hoggaanka , Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliyeed in badan oo horumar ah, ammaan, deganaansho iyo in guul ay ku dhammaato doorashooyinka ay Soomaaliya galeyso bilowga sanadka soo aadan ee 2017 , taasi oo uu ku sheegay in ay calaamad u tahay in Soomaaliya ay gashay weji cusub oo nabadgelyo iyo dib u heshiisiin ah.

Madaxweynaha Yemen ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo xog isdhaafsiga labada dal si looga hortago argagaxisada isaga kala gooshta soohdinnada badeed , waxaana uu muujiyay sida uu diyaar ugu yahay garab istaaga Safiirka Soomaaliya si howsha loo igmaday ugu guuleysto.

Dhankiisa, Ambassador Abdullahi Hashi Shuriye ayaa gudbiyay salaan uu ka siday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud , isaga oo cadeeyay in dalkiisa uu isbar bartaagay Xukuumadda iyo Shacabka Yemen, ayna si buuxda u taageereen sharciyadda dastuureed ee Madaxweyne Abdrabbuh Mansur Hadi.

Danjire Abdullahi Hashi Shuriye ayaa ballan qaaday inuu xoojinayo xiriirka walaalnimo ee labada dal ka dhaxeeya, taasi oo dan u ah labada shacab ee walaalaha ah.

©2016 Section of Press and Public Relations ( PPR) - Ministry of Foreign Affairs and Investment Promotion - Federal Republic of Somalia | Please feel free to contact us || Email : ministry@mfa.gov.so,ppr@mfa.gov.so



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip