Liiraha Rag baa Xamar u Tagay

0
Friday October 28, 2016 - 19:01:35 in Maqaallo by
  • Visits: 1058
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liiraha Rag baa Xamar u Tagay

    Liiraha rag baa Xamar u tegay oo u xeeb maraye Niman baa dayuurado ku xidhan xiima samadaase Niman baa xijiga iibsadiyo xabag dhunkaaleede. Tuducyadani waxay qeyb ka yihiin gabaygii Xoogsi oo uu Gabyaagii weynaa ee Ismaaciil Mire kula dardaarmayay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liiraha rag baa Xamar u tegay oo u xeeb maraye Niman baa dayuurado ku xidhan xiima samadaase Niman baa xijiga iibsadiyo xabag dhunkaaleede. Tuducyadani waxay qeyb ka yihiin gabaygii Xoogsi oo uu Gabyaagii weynaa ee Ismaaciil Mire kula dardaarmayay wiilkiisii Cali in uu xoogsado oo uu shaqaysto sida asaaggii oo kale. Elbert Hubbard na waxaa laga hayaa in uu yiri 'diyaargarowga fiican ee loo sameeyo shaqa wanaagsan oo berri (mustaqbalka) waa in shaqo wanaagsan maanta la qabtaa.' 6.7% tirade guud ee dadka adduunka ku nool ayaa heysta shahaado jaamacadeed; daraasad ay wada sameeyeen Bangiga Horumarinta ee Aasiya iyo Jaamacadda Harvard ayaa sidaa tilmaamaysa.

Nolosha casriga ah ee maanta waxay dad aad u fara badan qabaan in horumarka qofeed uu ku xiran yahay waxbarasho. Macnaha in qofka waxbarasho nidaami ah galo, shahaado uu jaamacad ka qaato ka dibna wixii uu bartay ku xoogsado.

Taa beddelkeeda waxa jira dad kale oo maa caddadnaa walaa xisaab ah oo noloshooda ka soo saara xirfad ay ku shaqeystaan iyagoon weligood buug iyo qalin qaadin.


Nolol iska daaye xataa shaqadoodaas ka sameeya adduun lacageed oo fara badan. Haddaba, ma la iswaafajin karaa in qofku inta uu wax baranayo uu yeesho xirfad dheeri ah, xirfad aan qasab ahayn in ay la xiriirto takhasuska uu baranayo?

Waalid aan tiro yareyn oo Soomaaliyeed ayaa ubadkooda ku koriya waxna ku bara lacago ay ka soo saareen xirfado iyo shaqooyin kala kaan ah. Waxaa dhacda, inta badan, in waalidku uu ilmihiisa kula dadaalo waxbrashada balse uu ka ilduufo in uu baro xirfadda uu waalidku yaqaan.

Arrintaasi waxay dhashay in ay soo baxaan jiil dhallinyaro oo ku tookhaya heysashada shahaadooyin jaamacadeed illowse aan u hollaneyn, sinnaba, in ay ka shaqeeyaan meel aan xafiis ahayn. Taasi waxaa ugu wacan iyaga oon shaqeyn ama aanba ku qasbanaanin in ay shaqeeyaan sannadihii ay dugsiga ama jaamacadda aadayeen.

Waxaa qumman in ardayda lagu dhiirrigeliyo , xitaa haddii dhaqaalo ahaan ay ka maarmaan, shaqada iyo kasbashada xirfado u suurtogelin kara in ay kasbadaan lacag iyaga oo da’ yar sidaasna ay ku bartaan qaadidda mas’uuliyad iyo in qofku isdabbaro.

Haddii aad tahay aabbe faryaame (najaar) ah, alxamiiste, kalluumeyste, harqaanle, beeraley, ganacsade, kabatole, dukaanle, makaaniko, darawal iwm ama hooyo ka xoogsata cillaansaar, harqaan, cunto karin, dermo falkin, dhar buufin iwm waxaad bari kartaa ilmahaaga, gaar ahaan xilliyada uu fasaxa yahay xirfadda aad ku shaqaysato.

Dhallinyaradu in ay shaqeeyaan xilligi ay wax baranayaan waxay ku taageereysaa xoogsashada lacag, maareynta waqitgooda, maareynta lacagaha ay kasbadeen iyo koolkoolinta dareenka shinsashada hanti.

Waxaa Qoray: Shaakir Maxamed



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip