Madaxweynaha Koofur Galbeed oo kulan deg deg la qaatay Wasiirada maamulkiisa

0
Monday August 01, 2016 - 14:11:35 in Wararka by
  • Visits: 557
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Koofur Galbeed oo kulan deg deg la qaatay Wasiirada maamulkiisa

    Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shalay dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ayaa kulan deg deg ah la qaatay Wasiirada Maamulkiisa, iyadoo kulankan ahaa mid albaabada u xiran.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shalay dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ayaa kulan deg deg ah la qaatay Wasiirada Maamulkiisa, iyadoo kulankan ahaa mid albaabada u xiran.

Kulankan ayaa looga hadlay xaaladaha amniga ee deegaanada Koofur Galbeed iyo waxyaabihii u dambeeyay ee ku soo kordhay, markii Ciidamada Itoobiya ay ka baxeen deegaano.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa booqasho ku tagay dalaka Kenya iyo Itoobiya, iyadoo halkaas uu kula soo kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan labada dowladood.

Wasiirka Warfaafinta Koofur Galbeed oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Madaxweynaha uu uga warbixiyay safarkiisa, isagoo xusay in arrimaha ugu muhiimsan ee kulanka looga hadlay ay aheyd ammaanka deegaanada iyo sidii loo dar dar gelin lahaa dagaalka Al-Shabaab.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed oo dhowaan mooshin laga geeyay.

Dhinaca kale Wasiirada Maamulka Koofur Galbeed ayaa loogu baaqay inay hor-yimaadaan Baarlamaanka Koofur Galbeed, isla markaana ay kalsooni soo weydiistaan, kadib markii xildhibaano ay ku eedeeyeen wax qabad la’aan iyo musuq maasuq.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip