Ilaa 20 qof oo naafo ah oo lagu dilay dalka Japan

0
Tuesday July 26, 2016 - 10:01:20 in Wararka by
  • Visits: 511
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ilaa 20 qof oo naafo ah oo lagu dilay dalka Japan

    Aroornimadii saaka nin mindi ku hubeysnaa ayaa dilay ilaa labaatan qof gudaha dalka Japan. Dadkaa ayaa waxaa la sheegay inuu ninkaasi gawracay. Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkaasi uu ka shaqeynaayay meel lagu xannaaneeyo dadkaa naafada ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aroornimadii saaka nin mindi ku hubeysnaa ayaa dilay ilaa labaatan qof gudaha dalka Japan. Dadkaa ayaa waxaa la sheegay inuu ninkaasi gawracay. Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkaasi uu ka shaqeynaayay meel lagu xannaaneeyo dadkaa naafada ah.
Ninkaa oo dhallin yaro ah ayaa usoo dhacay halkaa asagoo dilay dadkaa.

Booliska ayaa gacanta kusoo dhigay ninkaa ugu dambeyntii. Ninkaa gacan ku dhiiglaha ah ayaa waxaa lagu qabtay mindidii dadkaa uu ku qalay iyo boorso ay ka buuxeen mindiyo kale oo dhiig leh.

Ninkaa ayaa sheegay inuu doonayay inuu dadka naafada ah ee sida uu sheegay aan waxba qabsan karin uu dhaafiyo aduunka.

Dalka Japan ayaa dhowr jeer oo hore waxaa soo maray dhacdooyin noocaan ah oo dad lagu waxyeeleeyay mindiyo.

Japan ayaa waxaan ku badnayn qoryaha oo ay adag tahay in la helo qoryo iyo bastoolado laakiin helitaanka mindiyaha ayaa fudud.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip