Boqolaal Ruux oo Ku Dhintay Daadad Ku Dhuftay Bariga Shiinaha

0
Tuesday July 26, 2016 - 01:03:30 in Wararka by
  • Visits: 561
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqolaal Ruux oo Ku Dhintay Daadad Ku Dhuftay Bariga Shiinaha

    Khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo lixaad leh ayaa la soo sheegayaa iney geysteen daadad xoogan oo ku dhuftay gobolo ka tirsan bariga wadanka Shiinaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo lixaad leh ayaa la soo sheegayaa iney geysteen daadad xoogan oo ku dhuftay gobolo ka tirsan bariga wadanka Shiinaha.
Wararka ayaa sheegayaa in 150 qof dad ka badan ay ku dhinteen illaa hadda halka tiro intaas la’egna lagu la’yahay daadadkan oo ka dhashay Roobab mahiigaan ah oo ku dhuftay gobolada Hebei & Henan oo ku dhow magaalada caasimada ah ee Beijing.

Wakaaladda Wararka ee Xinhua ayaa soo werisay in daadadka ay qaadeen in ka badan 52 kun oo Guri, iyagoo sidoo kale sababay dhiiqo guur, waxaana hoos u go’ay qeybo ka mid ah dhulka.

Dad ka badan 300 oo kun ayaa la sheegay in laga daad gureeyey gobolada ay saameeyeen roobabkan daadadka wata oo lagu tilmaamay kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca dalka Shiinaha sanadahan.

Xukuumada China ayaa sheegtay inay gurmad deg deg ah oo gaaraya 15 milyan dollar oo fidisay dadka waxyeeladu ka soo gaartay daadadkaasi, waxaana ku baxay shaqaale gargaar oo wata doonyo, iyadoo meelaha qaar lagu guul-dareystay in la gaaro.

Daadadka ayaa waxaa sidoo kale la soo sheegayaa iney baabi’yeen dhul beereed ku fadhiyay 700 oo kun oo Hiktar, kuwaasoo isku bedelay dhul biyuhu ay dul sabeynayaan.

Khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay roobabkan daadadka wata ayaa lagu qiyaasay in ka badan 204 Bilyan oo dollar, waxaana khubarada dhibaatooyinkan oo kale qiimeeya ay sheegayaan iney sabado badan qaadan doonto soo kabashada dadka ay daadadkan saameeyeen.

fatahaat_shiinaha_1fatahaat_shiinaha_2fatahaat_shiinaha_3fatahaat_shiinaha_4fatahaat_shiinaha_5fatahaat_shiinaha_6fatahaat_shiinaha_7fatahaat_shiinaha_8fatahaat_shiinaha_9




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip