Dowladda Kenya oo Saraakiil Boolis u soo dirtay Magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

0
Monday July 25, 2016 - 23:46:57 in Wararka by
  • Visits: 683
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Kenya oo Saraakiil Boolis u soo dirtay Magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

    Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Kenya, ayaa waxaa tababar muddo toddobaad socday loogu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho, ka dib markii Isniintii hore ay ka soo deggeen Garoonka Aadan Cadde.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Kenya, ayaa waxaa tababar muddo toddobaad socday loogu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho, ka dib markii Isniintii hore ay ka soo deggeen Garoonka Aadan Cadde.

Saraakiishaan, ayaa waxaa tababarkan lagu siinaayay daruus ku aadan hawlaha Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, gaar ahaan qaybtooda Booliska iyo sida ay u hawlgalaan.

Madaxa Shaqaalaha ee Booliska Amisom ahna Ku Simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Amisom, Rex Dundun oo la hadlaayay Saraakiisha reer Kenya, ayaa sheegay in imaanshahooda Somaliya ay ku soo beegmayso, xilli Somaliya looga diyaargarowbaayo doorashooyinka ku soo foolka leh.

Isuduwaha Tababarada Booliska Amisom, Francis Aryee, ayaa ku kalsoon tababarka la siiyay Saraakiisha Kenyanka ihi inay ka caawin doonto yoolka loo keenay dalka Somaliya.

Rachael Munge Kironji oo ah haweeneyda hormuudka u ah Saraakiisha Kenyanka, ayaa iyaduna sheegtay in Saraakiishu ay diyaar u tahay inay caawiyaan Amisom, si ay u gaaraan waajibaadka loo igmaday.

Taliska Booliska Amisom, ayaa dhawaan sheegay in ay gacan ka gaysan doonaan suggida ammaanka goobaha lagu wado in doorashooyinku ka qabsoomaan.

AmisomAmisom1Amisom2Amisom3Amisom4Amisom5Amisom6Amisom7Amisom8




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip